Reer Baligubadle Oo Shiid Hadhka Kaga Dhigay Laba Masuul

 


Dadweynaha magaalada Baligubadle ee xarunta Gobolka HAWD oo gadoodsan ayaa xalay fiidkii shiid hadhka kaga dhigay wasiirka caafimaadka Md. Cabdi Haybe Cilmi iyo Badhasaab ku xigeenka gobolka Hargeysa Cali Cawil oo shir la lahaa qaar ka tirsan odayaasha deegaankaas.

Labadan masuul oo shalay halkaas u tagay dejinta xiisad ka dhalatay go’aan ay wasaaradda maaliyadda Somaliland ku diiday in jaadka lagu cashuuro kastamka degmada Baligubadle, ayaa dadweynaha magaalada oo cadhaysani waxa ay ku soo qamaameen goobtii ay labadan masuul odayaasha reer Baligubadle kula kulmayeen. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen odayaal ka mid ah duqaytida ay labadan masuul la kulmayeen, ma jirto wax natiijo ah oo kulankaas ka soo baxday, waxaanu kulankii ku dhammaaday faashil, ka dib markii dadku soo weerareen, “Annaga oo markaas is horfadhiisanay oo aan weli u dhaadhicin nuxurkii kulanka, balse aanu wasiirka iyo badhasaabka u sheegnay xaaladda taagan iyo go’aanka reer Baligubadle, ayay dad gadoodsani na soo weerareen oo ay shiid hadhka nagaga dhigeen, dabadeedna waanu kala dareernay.” Sidaas waxa yidhi Gahayr Gaabane oo ka mid ah odayaasha Baligubadle ee kulanka ka qayb galay oo xalay u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Dawladdu Baligubadle ma doonayso ee annaga ayuun baa daba ordayna, waayo waa dawladda tidhi ma aqoonsanin kastamka Baligubadle.” Labada masuul ayaa xalay u hoyday magaalada Baligubadle, waxaanay maanta mar labaad kulan la yeelan doonaan odayaasha magaalada.

Shalay duhurnimadii ayaa waxa magaalada Baligubadle gaadhay ciidan Boolis ah oo la sheegay inay halkaas u tageen inay soo qabtaan maamulaha kastamka Baligubadle oo ay wasaaradda maaliyadu ku eedaysay inuu sameeyay amar diido, ka dib markii uu cashuuray jaadka shirkadda 571 oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyay la mariyay magaalada Baligubadle, tallabaadaas oo aan raali gelin wasaaradda maaliyadda Somaliland. Ciidankaas iyo saraakiishii wadatayba waxa la sheegay inay dadweynaha magaaladasi ku weerareen dhagaxaan, waxaana la sheegay in ciidankaas oo dhawr askari laga dakhray ka baxeen Baligubadle una baxsadeen dhinaca tuulada Gumar oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada Baligubadle.

Wasiirka caafimaadka iyo badhasaabka ku xigeenka gobolka Hargeysa oo aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiino arrimaha ay halkaas u tageen ayaanay noo suurto gelin. Hase yeeshe waxa ay warar xogogaali sheegeen in labadan masuul halkaas u tageen laba qodob oo kala ahaa in dadweynaha baligubadle lagu qanciyo in la joojiyo cashuurista jaadka, maadaama oo aanay wasaaradda maaliyadu ogolayn, iyo in maamulaha kastamka Baligubadle iyo shatiyadda uu hayaba loo soo dhaadhiciyo Hargeysa.

Xaaladda magaalada Baligubadle ayaa shalay kacsanayd, waxaana sida la sheegay magaalada gaaf wareegaya dad u badan dhallinyaro oo ka gadoodsan go’aanka wasaaradda maaliyadda iyo safarka masuuliyiinta xukuumadda ee halkaas u tagay dejinta xaaladda ka dhalatay go’aanka wasaaradda maaliyadda.

Shirkadda 571 ee jaadka ka keentay dalka Itoobiya ayaa go’aan ku gaadhay inay jaadkeeda mariso oo lagu cashuuro magalaada Baligubadle ee xarunta Gobolka HAWD. Hase yeeshe waxa go’aankaas qaadacay wasaaradda maaliyadda Somaliland oo aan ilaa hadda war rasmi ah soo saarin balse la sheegay inay amar ku bixisay in aan wax jaad ah lagu cashuuri karin magaaladaas. Laakiin shirkadda 571 ayaan go’aankaas maaliyadda dheg jalaq u siin, waxaanay shirkaddu, ay jaadkeeda maalmihii u dambeeyay ka soo gelisay dalka, magaalada Baligubadle oo xuduud la leh dalka Itoobiya.

Dhinaca kale, saraakiisha wasaaradda maaliyadda iyo masuuliyiinta shirkadda 571 ayaa xalay magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan ay albaabadu u xidhnaayeen kaas oo ay kaga wada hadlayeen qaddiyadan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac.

 

 



Source: Wargeyska Geeska Afrika