Reer Somaliland waxay leeyihiin astaamihii kuwii dhisan jirey Qaran
la ixtiraamo
Dal dhakhtarkiisa iyo Injineerkiisu ma hore mariyo ee waxaa horuu
mariya Siyaasigiisa, Nin kii Illaah Duunyo la doonayona Dadkiisuu
siiyaa,hadaba shacabka iyo Siyaasiyiinta Somalila nd ma leeyihiin
Astaamihii lagu dhisi jirey Qaran Magac iyo Mansab kuleh Beesha
Caalamk a?.waxay ila tahay inaynu leenahay Bulsho Hanuunsan,Siyaasi
Hilaad leh,Abwaan ina Hoga tusaaleeya,Guurti Gurgurshaa ah,Wadaaddo
Hillowsan iyo Haween aan Raganimo ubaahnayn.
Hadaan kasoo bilaabo markii Ninka Caddi kusoo tahanbaabay dhulkeena
mudo ku dhow la ba Boqol oo Sanadood ka hor,waxaa markiiba Gaashaanka
u daruuray Hogaamiyayaashii Bulshadeena,Markabkii la odhanjirey
Merry Ann iyo ciidankiisiiba waa laga adkaaday kadib markii la miray
1825kii.Ingiriisku waxay soo noqnoqdaanba ugu dambayntii waxay
garawsa deen inay heshiis la galaan Salaadiintii Xeebaha ka
talinayey1888kii,Qodobada lagu heshiiy ey waxaa kamid ahaa-Inay
Boqortooyada Ingiriisku Ilaaliso Dalka Inaan Dowlado kale heshi is
anaan ogayn lagula geli Karin dhulkayaga,in dadka Ingiriiska u
shaqeeya ay nabad ku he layaan Dhulkan,In Maraakiibta Calanka
Ingiriiska sidataa kusoo xidhan karto kana ganacs an karto
dhulkayaga,inaan heshiiskan si kale ama qaab kale cidkale lagula
heshiin Karin,in ay dhulkan usoo magacaaban karaan wakiil,cadaankuna
aanay dhulka degi karin. Heshiiska n oo ku qornaa Harag waxay
Hogaamiyayaashaasi noqdeen kuwa keliya ee shanta soomaa liyeed
Hindisahaa la yimid.
Heshiiskaas ay saxeexeen Suldaanadu dadaal iyo wadan jacayl uun buu
ku yimi,laakiin Ingi riisku isagoo xarfadihiisii ciyaaraya ayuu wuxuu
Somaliland hoos geeyey maamulkii Cadan oo isna hoos tegi jirey
maamulka Ingiriiska ee Hindiya mudo 10 sanadood ah,Sideedii sana dood
ee ku xigteyna waxay Somaliland toos uhoos tegi jirtey Wasaarada
arimaha dibeda ee London,laakiin 1905tii ayay Somaliland toos u
gashay xafiiska Gumaysiga ee London iyadoo ayna Odayadu ka war qabin.
Markii Dagaalkii 2aad ee aduunka lays muquuniyey nasiib daro
Somaliland waxay ka mid no qotay wadamadii hoos tegayey kuwii
guuleystey ee kelmadoodu shaqaynaysey,Marka laga reebo NFD oo
Ingiriisku maamulayey sadexda kale ee Soomalida waxaa guumaysanayey
m id Talyaaniga oo laga adkaaday,Jabuuti iyo Ogaden oo
siloonaa,labada wadanba waxaa he ystey labo wadan oo la
qabsaday(Faransiiska iyo Iitoobiya),inkastoo Iitoobiya is xoraysay
mudo kooban gudaheed.Talyaanigu maadaama uu ka mid ahaa kuwii laga
adkaaday waxaa lagu khasbay inuu marka laga bilaabo 1950ka
somaalidii uu gumaysanayey uu u tababaro maamulka dowlad xor ah
iyadoo qaramada midoobay goobjoog ka noqondoonaan Toban sanadood ka
dibna uu maamulka ku wareejiyo.iyadoo afarta Soomaliyeed ee kaleba
inaga Nasiib wanaagsanaayeen ama ay sahlananaydba xorayntoodu hadana
waxaynu noqonay wadankii ugu horeeyey ee xorooba shanta Soomaliyeed
waxaana suuro geliyey dadaalkii Salaadiinta iyo siyaasiyiinteena..
Waxay Ciidamada Somaliland Kasoo Dagaalameen Koonfur Afrika (Boer
Wars) bilawgii Qar nigii Hore,Waxay dagaalkii 2aad ee Aduunka wacdaro
ka dhigeen Burma (myanmar) iyagoo Ciidamadii Jabaanka oo awelba
indho yaryaraa ay mir habeenimo iyo hurdo la'aan ku
asqa ysiiyeen,waxaynu lahayn ciidankii ugu badnaa ee ka dagaalamay
xorayntii Ogaadeeniya inagoo huray hantidii ugu badnayd,waxaynu
ahayn kuwii ugu dagaalka iyo hiilada badnaa xorayntii
Jabuuti,waxaynu ahayn kuwii keenay Soomaliweyntii xaqdaradu
fashilisay.
Waxaynu ahayn kuwii Hantidoodii iyo Magaalooyinkoodii baneeyey ee
qaxoonti ka doorbid ay iyagoo gunnimo ka carar ah qof ka xumaana ma
jirin.waxaynu noqonay kuwii horseedka ka ahaa dib u dhiska iyo
Dimuqraayidayada geeska afrika kasoo iftiimaysa,waxaynu nahay kuwo
wax kastoo aynu samayno lagu daydo.miyaan la cawryin 18kii may ee
ugu dambays ey?,wuxuu runtii ahaa dhoolotuskii ugu weynaa ee weligeed
ka dhacda 5ta soomaaliyeed.
Markaad ufiirsato siyaasadeena gudaha ee Asxaabta Siyaasigu is
qodqodaan goolaaftanko oda waxba laysulama hadho,hadana markay Danta
guud timaado waxaad arkaysaa iyadoo meel loo wada jeedo inagoo
halkaa uga siyaasad eg (inaguma maakumin e) Siyaasada Isra a'iil.run
ahaantiina waxay ku tusaysaa Himilada Hogaamiyayaasha
Siyaasiyiinteena,Mucaa rid iyo Muxaafidba.markaad
Wadaninimada,Xamaasadda,Hawlkarnimada iyo Hal abuurka re er
Somaliland eegtona waxay kuula ekaanayaan dhaqanka
Ingiriiska,inkastoo Hindisihii Ing iriiska ay iminka Israa'iil kala
wareegtey.
Hadaad isku heshid in Shiikhaaga iyo Fanaankaagu noqdaan kuwa loogu
dhegaysi badan ya hay waad iska garan kartaa macnaha turjumaaddeeda
oo ah Kasbasho xeeldheer,Waxayn u leenahay Suxufiyiinta iyo
Siyaasiyiinta loogu qadarin badanyahay.waxaynu leenahay Ha ween
dagaalkana gala gartana naqa,miyaanay Somaliland ahayn tan soo
saartay ganacsato Dowladdo damiinan karta.
18ka May ee lasoo dhaafay waxaynu farxadda u muujinayney waxay
ahayd,23kii sanadood ee lasoo dhaafay wax kastoo laynagu deyey sidii
Somaliland loo dhicisayn lahaa wax kusoo kordhay mooyee wax inaga
dhacay ma jiraan,Waxay ila tahay in Siyaasiyiinteenu meel wan aagsan
inagusoo simeen waxaase loo baahan yahay inay Dhalinyarada iyo
odayaasha ber ri isu diyaariyaan xil weyna iska saaraan sidii ay
halkaa uga sii dhaqaajin lahaayeen.
Bashiir tarabi Oogle
bogleh69@gmail.com
|