Riyaale iyo Siilaanyo Waxaey ku hirdamayaan garoonkaii Haegeysa iyo Hudheelada,Faysalna gurmad ugu jiraa sidii loo caawin lahaa dadkii xanuunada iyo abaaruhu ku habsadeen

 


Dhamaan waxan salaan iyo bogaadin u soo direya mareegah ku abtirsada soomaliland ee sida sharafta leh noogu soo gudbiya wararka dhulkii hooyo iyo caalamkaba.

Waagi baryaba waxaad kusoo tooseysa waxyaabo anad fileyn oo runtii ku cajab galinaya kuguna cusub oo anad hore na umaqlin una arag, saakan waxan kusoo waabariistey garoonkii iyo ciyaartooygii oo  tiknikooy in iyo ciidamo loo dalbaday in ey rasaas ooda kaga qaadan.

Ma maantuu garoonkii Hargeysa isku badaley garoomadii Talyaaniga ee labada kooxood ee ciyaareysa  taa geeryaashooda ciidamo iyo fardo loo soo dalban jirey, runtii waa xaalad abuur, jahweerer iyo kharbudaad ey waadan labada xisbi qaran ee Kulmiye iyo UDUB, waxa hubaal ah iney labadaasi xisbi qaran dooneyan in ey shacabka ku mashquuliyaan waxan sakaaro ka biiqsan ama aan micno badan ku fadhiyin, runtii markii ey awoodi kari waayeen in ey soo bandhigaan barnaamjiyadooda siyaasadeed ee mustaqbalka dalkan lagu xukumi laha, waxeyka doorbideen in ey xaaladu kala abuuran oo shacabka fawdo dhexdooda la abuuro, wa xa markhaati ma doonah in ey ku fashilmeen siyaasadii iyo hormarkii laga filaya mustaqbalka labadaasi  xis bi qaran ee UDUB iyo Kulmiye islamaarkan waxey barnaamjiyadii siyaasadeed ka doorbideen in ey  garoom ada ku hirdamaan, hoolasha hudheeladan maalin ba beel uga gacan haadiyaan oo ey warbaahinta iyo  sax aafada u sheegan maantana beel hebla eyaa nagu soo biirtey iwm oo xaqiiqda ka fog, waa nasiib daro in eynu maanta rajo ka sugno labadaasi xisbi ee aqoontoodu siisey in ey isku qabsadaan ama ku hirdamaa garoonkii loogu talo galey in eynu ku raaxeysano oo eynu ku daawan cayaaraha iyo cayaartoygeena

Dhawr su’aalado baan isweydiiya markii an shabakadaha ka aakhristey dhacdadan foosha xun ee  garoon kii Hargeysa laga sheegayo

1 Hadii ey wasaaarada cayaaruhu jirto maxaa keeney cayaaro eyaanu ku qabaneyna garoomada dawladu maamusho anagoo ah xisbiga kulmiye hadii an fawdo la dooneyn?
2 Maxaase fasax looga soo qaadan waayay wasaaradda iyo wasiirkeeda haddii kulmiye wanaag iyo wada shaqeyn dooneyo?
3 Hadiise ey wasaaraddu bixisey fasax maxaa keenay ciidamada iyo wasiirkan xiiqsan ee weerarka soo qaadey?4 Miyaaney wasaaraddu mijo iyo madax kala laheyn oo aney ismaqlin haddii u fasaxa bixiyay aqaasimaha xidhiidhka kubada cagtu? dhawrkaasi su’aalood baan runtii isweydiiya markiiba, jawaabtii isoo baxdeyna waxey noqotey KULMIYE IYO UBUB WAA ISMA DHAANTO IYO DHASHEED AMA WAA DAMIIR IYO LABADIIS DAAN.

Waxaana leeyahay shacabka soomaliland e nabada iyo hormarka jecloow codkiina iyo kalsoonidii iyo karaamadiina ha ku khasaarinina labadaasi xisbi qaran, waad ogtihiin marxalada ey maanta marayaan runtii looma baahna cod inaga khasaara maanta, haddii an dib ugu yaro noqdo dhacdooyinkaasi foosha xun cid hormoodka u ah ama siyaasada anshax xumada ah ee noocan oo kala ah waxa ka mas’uul ah Rayaale iyo Siilanyo oo ad moodo inuumidwaliba dhincisa dabaka kaga shidayo hoosta qarannimad JSLand, waa madaxdii loo igmaday in ey dalkan hormar iyo ictiraaf u raadshan eyaad aragtan oo maanta ka dhamaan la’ garoomadii kuna hirdamaya.

Halka mas’uulinta xisbiga UCID na gurmada iyo qeylo dhaanta ugu jiraan sidii loo caawin lahaa  shacabke ena xanuunada iyo abaaruhu ku habsadeen islamarkan naafeeyen, Waxa runtii marag ma doonta ah oo saxaafadda iyo warbaahintuba maalin walba inoo soo tabineyana halka ey mareyaan ama ey ku sugan yihiin madaxda xisbi qaran ee UCID, runtii waxey ku mashquulsan yihiin sidii ey ugu kuurgali laheyneen  xal aadaha dhabat ah ee ey ku sugan yihiin shacabka soomaliland ee gobolada bari ila galbeed, halka ey  Raya ale iyo Siilaanyo huteelada iyo garoomada ku hirdamayaan, eyuu Faysalna gurmad iyo qeylo dhaan ugu jira SOCD dheer gobolada dalka ee ey abaaraha iyo xanuunadu naafeyeen, madaxda UCID waxa caado u ah dibada iyo gudaba in ey qeylo dhaan iyo aqoonsi raadis albaab walba u garaacan diba iyo gudaba, wxaana markhaati ka ah caalmaka iyo madaxda ey la kulmaan iyo dadaalkoodka oo maalinkaste eynu maqalno, waxan qormadeydan ku soo gabagbeynayaa.

Kulmiye iyo UDUB beenta iyo maaweelada ha ka daayeen bulshada, waar ma waxad aragtey maalin kaste reer ama beelo karaamadood iyo sharaftood suuqa magaalada Hargeysa la jiideyo oo la leeyahay beel  he blaa maanta nagu soo biirtey, runtii waxaan idin sheegaya inaad beelaha khalad ka fahmteen oo ad u  hey satan iney beeluhu yihiin qaar hoolka hudheelada kusoo ururi kara ama qaadi kara hadii an qiyaaso hoolka ugu weyn ee u hudheel leeyahay kama badan 60×60 ma waxaanu idinka aqbalna beeshi HASHIM arab  wa xa deeqay hoolkii madaxtooyada ma waxad noo sheegeysa beelihii Habaryonis waxey ku soo dhamaadeen hoolka hudheelka Kaah, ama laba bas qaaddi karo, UBUD IYO KULMIYE waxey noqtey sheekadoodu ABNA WAAS iyo BEENO WAAS oo kale

ALLAHEYOW NIN DAACADAH ALLAHEYOW NIN DAALINA DEEQDAADA HA U SIMI

Wa bilaahi tawfiq

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Gudoomiyaha Guud ee Nordic UCID