RIYAALE OO KA DALBADAY XAAJI CABDI INUU DHEX DHEXAADIN KA GALO KHILAAFKA ISAGA IYO SALEEBAAN GAAL

 

        

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka dalbaday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ah mudane Guurti ah oo awood badan ku leh aqalka odayaasha inuu ka odayeeyo khilaaf soo ka dhexgalay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), khilaafkaas oo ka dhashay mooshin la doonayey in xilka Guddoomiyenimada Golaha Guurtida lagaga xayuuniyo Saleebaan-gaal.


Iskudayga mooshinkaas xil-ka-xayuubinta Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa dhicisoobay Sabtidii dorraad intii aan la soo hordhigin madasha Golaha, isaga oo Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ku eedeeyey golaha xukuumadda inay ku hawlanayd wuxuu ku tilmaamay shirqool ay ku burburinayso Golaha Guurtida, oo laga soo abaabulay madaxtooyada.


Ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola arrintan, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyeen in Madaxweyne Rayaale uu ka dalbaday Md. Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) inuu u hawlgalo waanwaan si degdeg ah loogu soo afjaro khilaafka ka dhex aloosmay Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Madaxtooyada Somaliland.


Sida ay sheegeen ilo wareedyadu Md. Xaaji Cabdi Xuseen oo ah odayga ugu da’ada weyn Guurtida,saamayn wayna ku leh aqalka Odayaasha waxa uu aqbalay codsiga Md. Rayaale ee ku saabsan in uu dhexdhexaadin ka galo khilaafka ka dhex aloosmay shirgudoonka Guurtida iyo Madaxtooyada Somaliland, khilaafkaas oo khalkhal galiyey Golaha Guurtida dhexdiisa, saamayn xuna ku yeeshay xidhiidhka Golaha Guurtida iyo madaxtooyada oo muddo badan lagu tirinayey in ay oodda furnaayeen.


Ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada ay arintani khusayso, balse waxay ilaha xogogaalka ahi tibaaxeen in ergayga uu igmaday Madaxweynuhu ee Md.Xaaji Cabdi, isaga oo kalsooni buuxda ka haysta madaxtooyada uu shalayba bilaabay waanwaanta uu ku dejinayo khilaafka dibada u soo baxay ee u dhexeeye labada masuul ee guurtida iyo xukuumadda, waxaanu xalay kulankii u horeeyey layeeshay Md. Saleebaan Maxamuud Aadan,una soo bandhigay qorshaha uu u socdo ee dhexdhexaadinta hogaanka sare eexukuumadaiyo Guurtida.


Balse ma jiraan warar faah-faahsan ka ma soo bixin nuxurka wadahadalada ay isku waajaheen xaajiga iyo Gudoomiye Saleebaan. Hasayeeshee warar aan rasmi ahayn waxa ay tibaaxeen in Md. Saleebaan Maxamuud Aadan inkasta oo aanu ka biyo diidin suurto galnimada wada hadallaga yeesho khililaafka abuurmay,hadana waxa lasheegay in uu ku gacan saydhay codsi uu xaaji cabdi u soo jeediyey gudoomiyaha in uu wadahadal toos ah ku hor fadhiisto Madaxweyne Rayaale, haddiise ladoonayo in khilaafka aloosan oo saamayn khataro badan ku yeelan karo xaalada guud ee dalka xal loo helo in talo qaran oo midaysan lagu gorfeeyo mushkiladahaas loo baahan yahay in si qaran oo talo loo dhan yahay lagu xaliyo mushkiladaha soo foolleh maraxaldan xaasasiga ah, balse aanay arintu ahayn mid ku kooban heshiis labda shakhsi laga dhex abuuro.


Waa markii u horreysay ee ay soo baxday doonis waanwaan dhexdhaxaadin iyo heshiisiin ah ka soo yeedho madaxweyne Rayaale in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya Guddoomiyaha Guurtida oo khilaafkoodu meel xun marayo, kaasi oo ka dhashay mooshin la damacsanaa in xilka lagaga tuuro Saleebaan-gaal, balse markii dambe faashil ku dhammaaday.

 

 


Jamhuuriya