Roob
Khasaare Gaystay Oo Galabta Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Gobolka
Gabiley
Gabiley (TNN) Roobab khasaare gaystay ayaa caawa fiidkii ka da’ay
deegaano ka tirsan gobolka Gabiley, kuwaasi oo laayay xoolo aad u
tiro badan oo isugu jira Adhi iyo Lo.
Roobkan oo ahaa mid watay dhagax aad u badan ayaa ka da’ay meelo ay
ka mid yihiin inta u dhaxaysa magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale ee
gobolka gabiley, waxaana la sheegay in ay roobabkaasi meelihii ay
heleen ay ku dileen xoolo aad u badan, gaar ahaana meelaha ay ka mid
yihiin Idhanka Kalabaydhka, banka u dhexeeya Kalabaydh iyo Wajaale,
Idhanka Deerayahanka iyo deegaanada ku xeeran.
Dadka shacabka ah ee degan magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale oo u
gurmaday dadkaasi xoolo dhaqatada ah ee ay roobabku waxyeelada u
gaysteen oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo
xaqiijiyay in ay dadkaasi waxyeelo wayn u gaysteen roobabku isla
markaana ay xoolo badani ka dhinteen, iyaga oo dadkaasi gurmadka ah
qaarkood meelahaasi ku gaadheen gaadiid ahaan Caf-cagafyo halka ay
kuwo kalena lug ugu tegeen.
Maxamuud Cumar Tub-haye, oo ka mid ahaa dadkii ka gurmaday magaalada
Kalabaydh oo aanu la xidhiidhnay caawa isaga oo ku sugnaa meesha la
yidhaahdo Idhanka Banyare ayaa nooga waramay waxyeelada uu roobku
gaystay, waxaanu yidhi “roobku galabta ayuu da’ay Gabiley ilaa
Kalabaydh ayuu ku da’ay, laakiin kaasi waxyeelo muu gaysan ee roob
fiican ayuu ahaa, roobka waxyeelada gaystay wuxuu ka bilaabmay
idhanka kalabaydhka ilaa xagga shishe ee maderka ayuu gaadhsiisan
yahay, imika xog kama hayno waana hebeen telefoonaduna way iska
liitaan oo meeshu waa miyi, mana ogin waxyeelada uu gaystay inta ay
leegtahay, laakiin intan aan arkayno ayuun baan sheegayaa, idhanka
deerayahanka ilaa inta wajaale bariga uga rogan, khaasatan halkan
aanu joognaa waa idhanka banyare, cagafyo ayaanu u dirnay oo lagu
soo qaadayaa dadka wixii dhibaataysan, gaadiid kalena ma marayo,
xooluhuna iyagu meeshaba way ka bexeenroobkuna wuxuu ahaa
dhagaxyaale”.
Goob joogahaasi waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay khasaaraha uu
roobku gaystay gaar ahaana qoyska uu isugu u gurmaday, isaga oo
xusay in aanay ilaa hada arag dad ku dhintay roobkaasi balse ay
jiraan dad aan u liita, “qoyskan aan imika la joogo wuxuu lahaa ilaa
dhawr iyo konton nee foo adhi ah, oo saaka u dareeray laba neef iyo
baraarkii reerka joogay oo aqalka la geliyay ayaa ka nool, wixii
kale way ka baxeen oo way dhinteen, oo waanagan maydkoodii dul
joogna, xooluhu way itaal daran yihiin, laakiin kuwan dhintay ayaaba
ugu itaal roonaa. wax dad ah oo uu laayay oo dhintay weli ma hayno,
laakiin dad liita ayaa jira”. Ayuu goob joogahaasi yidhi.
Xukuumada dhexe ee Somaliland iyo Maamulka gobolka Gabiley ayaana
wax gurmad ah u fidin dadkaasi ay waxyeeladu soo gaadhay, iyada oo
aanay ilaa hada jirin cid ka tirsan dawlada oo dadkaasi u gurmatay
ama gacan kale u gaysay.
Dhinaca kale maamulka gobolka Gabiley gaar ahaan guddoomiyaha oo
aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu arrintan wax uga
waydiino ayaanay noo suurto galein telefoonkiisa gacanta oo uu naga
qaadi waayay awgeed, sidoo kale guddoomiyaha Wajaale oo aanu isna
isku daynay in aanu la xidhiidhno ayaanay noo suurto galin
telefoonkiisa oo xidhnaa darteed.
Khaasaraha dhabta ah ee uu Roobkaasi u gaystay dadka xoolo dhaqatada
ah ee deegaandaasi ku nool ayaana si dhab ah loo ogayn, iyada oo
xiliga uu roobku da’ay ay ahayd wakhti habeenimo ah isla markaana
aanay dadka gurmadka ahi gaadhi Karin meelahaasi roobabku ka da’ay,
maadaama oo dhulkaasi uu yahay dhul aanay gaadiidku mari Karin
wakhtiyada uu roobku da’o.
Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland
|