Roobab laxaad leh oo Ka da,ay Degmada Wajaale oo kala Xidhay isu Socodka Gaadiidka iyo Dadwaynaha

 


Tog-wajaale (Longlivesomaliland News)- Roobab laxaad leh ayaa afartii maalmood ee ugu danbeeyay ka da,ayay degmada wajaale kuwaasi sababay inay isu talaabi waayaan  gaadii dka iyo dadwaynaha reer wajaale.

Roobabka karanta ayaa in dhawaydba ka da,ayay gobolka Gabiley gaar ahaana magaalada wajaale oo ah magaalo wakhtiga roobka dhoobadu ku badantahay oo aan la dhex mari Karin hadii uu roob ka da,o. roobabkan ayaa qaarkood ay gaysteen khasaare fudud inkasta oo roobabka badankoodu ay ahaayeen kuwo aan khasaare lahayn.

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Wajaale ayaa inta badan dhibaato kala kulma waddooyinka dhex mara magaalada iyo goobaha ganacsiga, sababtoo ah waddooyinkan ayaa noqda kuwo ayaa ay ka jeexmaan jeex jeexyo waawayn oo daadku uu keenay. Arintaasina waxa ay keentay in dadka iyo gaadiidkuba ay ku adkaato in ay dhex mari karaan waddooyinka.

Bishii hore badhtamaheedii waxa magaalada Wajaale gudaheeda ku rogmaday Baabuur wayn. Baabuurkan ayaa dhacay markii uu ku siliteeyay wadada. Waxaanu baabuurkani ku dul dhacay Guri aan ka fogayn wadada ku taala badhtamaha Magaalada Wajaale. Maanta ayuu Baabuur labaad ku dhacay Magaalada Wajaale dhexdeeda. Baabuurkan ayaa qalibmay markii uu ku dhacay godod waawayn oo daadu u qariyay kana dhex jeexmay badhtamaha Magaalada Wajaale.

Hadii aad dhex marto Magaalada Wajaale markaaba waxa indhahaagu qabanayaan darxumada ka muuqata wadada. Hadii aan idhaahdo “ kharash la’aan ayaa arintan keentay” taasi waa beentayda, sababtoo ah wajaale waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu dakhliga badan dalka. Waxa sannadkiiba soo gala dakhli aad iyo aad u badan. Maalintii dhawayd ee guddoomiyaha cusubi uu xilka la wareegayay la waayay lacag aad u badan oo uu xadigeedu gaadhsiisan yahay ilaa 260.000.000 shillinka Somaliland. Lacagtan oo dayn ahayd waxa lagu wareejinayay guddoomiyaha, taasina uu markaa diidanaa guddoomiyaha cusub ee Maxamuud Wayne. Inkasta oo aan filayo in markii danbe lacagtaasi daynka ah lagu wareejiyay.

Inta badan ayaa dakhliga ka soo xarooda magaalada Wajaale ayaan wax badan lagaga qaban baahiyaha aas aasiga ah ee Magaalada sida Waddooyinka, Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada. Hakoodiina waxa lagu bedelay in kharashka ugu badan lagu bixiyo Ololaha Xisbiga Udub. Miyaanay wax lala yaabo ahayn in la waayo cid aasta waddooyinka boholaha noqday ee ka hor samaysmay badhtamaha magaalada, kaasi oo marka ay biyuhu fadhiistaan dadka ku keeni kara cuduro halis ah oo ay ka mid yihiin Kaneecada iyo Shubanka.

Imika sawirkan idiin muuqdaa waxa uu muujinayaa awood darada Xukuumada gaar ahaan kan gabolka oo ka gaabiyay in uu wax ka qabto dhibaatooyinka soo jiitamayay ee ka jira gudaha Magaalada.



C/risaaq Aw Daahir (C/risaaq Dhago)
Longlivesomaliland News Reporter
Wajaale Somaliland