Roobkii Gu’ga oo ka curtay manta gobolka Gabilay iyo jawiga Hargeysa oo aad u kulul Daruuro awgood

 


Roobkii Gu’ga oo ka curtay manta gobolka Gabilay iyo jawiga Hargeysa oo aad u kulul Daruuro awgood


Hargeysa (TNN)- Wararka naga soo gaadhaya Gobolka gabilay ayaa sheegaya in raxmadii u gu horeysay ee Roobka Gu’gu uu manta ka curtay degaanada Kala-baydh iyo jiida u dhaxay sa Wajaale oo ay heshay Daruur aad u fiican oo ay dadka jiidaas degani aad ugu qabawsade en.

Roobka da’ay ayaa la sheegay inuu si fiican u biyo dhigay isla markaana cirku aad u buuxo oo la filayo inuu si fiican uga da’o jiido kale oo ka tirsan deegaankaasi.

Magaaladda Hargeysa ayaa ilaa manta heer kulkoodu aad u kacay kadib markii ay circa soo buuxiyeen daruuro farabadan oo aad u qurux badan, kuwaas oo dhaliayay Huur xad dhaaf ah hase yeeshee ilaa ma hada muu di’in.

Si kastaba ha ahaatee curashada roobka sanadkan oo wakhtigii la filayay dib uga dhacay oo keenay abaar adaga oo dadka iyo xoolahaba soo food saartay ayaa toddobaadkan ka da’ay gobolada dhexe ee Somaliya, halka uu shalayna ka helay jiida galbeed ee dhinaca Itoobiya ee Degmadda Wajaale.

Ilaa hadase waxa socda biyo dhaankii loogu gurmanayay Deegaanada ay biyo la’aantu ka jirto ee goboladda Dalka oo dhan

Source: Waaheen