Rugta Ganacsiga Somaliland oo qabanaysa Carwadii Lixaad
Qoraalka Rugta Ganacsigu soo saartay oo lagu socodsiiyay dhamaan
Ganacsatada Dal ka iyo kuwa Caalamiga
Hargeysa(TNN):- Rugta Ganacsiga Soamliland ayaa ku dhawaaqday in ay
qabanayso ca rawadii Ganacsiee Lixaad ee dalka ka qabsoonta, taasoo
qabsoomi doonta 1-7 bisha No vember ee sanadkan, sida ay ku baahiyeen
Qoraal rasmi ah oo ay Saxaafadda u qaybi yeen.
Carwada Lixaad ee Rugta Ganacsigu qabanayso ayaa ka dhici doonta
sanadkan Hotelka Guled Park ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo loogu
diyaariyay Ganacsatada Somalil and iyo kuwa Caalamiga ahba adeegyada
ay u baahan yihiin.Qoraalka Rugta Ganacsigu soo saartay oo lagu socodsiiyay dhamaan
Ganacsatada Dalka iyo kuwa Caalamiga ahba waxay u dhignayd sidan:-
"Waxa la Ogaysiinayaa Dhamaan Ganacasatada Soamliland iyo kuwa
Caalamiga ah, Hay’adaha Wadaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah iyo
dhamaan bulshoweynta Somaliland in Rugta Ganacsiga Jamhuuriyadda
Soamliland ay qabanayso Carwadii Lixaad Ee Ganacsiga Somaliland,
taasoo ka dhici doonta Hotela Guuleed Park oo ku yaala xaafadda Jig-jiga
yar ee magaaladda Hargeysa Taarrikhhdu markay tahay November 1 deeda-
ilaa 7 deeda 2013 haddii alla yidhaahdo.
Hadaba waxay Rugta Ganacsiga Soamliland Dhamaan idinka codsanaysaa
inaad ka soo qayb gaashaan Carwada Qaran."
Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha ee Somaliland
Allaa Mahad Leh
|