Ruug Cadaaga Ingiriiska Ah, Cabaas Idiris, Ex-John Drys dale Oo Doorashadii Codeeyey Kaddib Markuu Qaatay Jinsiyada Somalialnd
 

Cabaas Idiris

 

Hargeysa June 28, 2010 (TNN)-Odayga Caanka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka B ritain Cabaas Idiris, hore loo odhan jiray John Drystel, balse 2009-kii isaga oo caasimada somaliland ee Hargeysa ku sugan kaga dhawaaqay inuu diinta Islaamka qaatay, isla  marka ana hore u qaatay jinsiyada Somaliland ayaa maalintii doorashada madaxtooyada ay  dadw eynaha reer somaliland u dareereen goobaha codbixinta doorashada inay codadkooda ka soo dhiibtaan, isaguna ka mid ahaa dadkii cidjooda ka dhiibtay goobta hoolka hay’da  shaqa alaha ee magaalada Hargeysa.

Oday Cabaas Idiris ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay doorashada  madax tooyada ee ummada reer Somaliland u qabsoontay iyo dareenkiisa doorashada uu codka dhiibtay maadaama uu haysto dhalashada somaliland, isaga oo intaa ku daray inay  dooras hadani guul weyn oo Somaliland gaadhay ay tahay, islamarkaana u keenaysa dalka sumcad iyo horumar “maanta waxaan u imid halkan inaan ka qayb galo doorashada madaxtooyada oo aan codkayga ka dhiibto goobtan, waxaan aad ugu faraxsanay dadweynaha reer  Somal iland ee u soo dareeray inay codadkooda ka dhiibtaan dorashadan waana guul ay gaadhay Somaliland, dalkana u soo jiidaysa sumcad horumarna ay ku gaadhi karto, markaa  codkay ga waan dhiibtay maadaama aan jinsiyada somaliland haysto”

Cabaas Idiris oo warbaahinta uga waramay wakhtigii ugu horaysay ee uu Somaliland  yima ado, ayaa sheegay inuu dalka yimid 1943-kii isaga oo markaa ahaa askari Ingiriis ah, xillig aas oo Somaliland ka mid ahayd dalalkii uu Ingiriisku gumaysan.

“waxaan Somaliland imid oo iigu horaysay sanadkii 1943-kii aniga oo wakhtigaas ahaa  aska ri Ingiriis ah”

Odaygan caanka ah oo shaaca ka qaaday 2009-kii inuu diinta islaamka  qaatay.Islam arkaa na magaciisii hore ee John Drystle u bedelay Cabaas Idiris ayaa hadda ku nool magaalada Hargeysa, isagoo ka madax ah hay’ada Cadastral Survey.

Odaygan Ingiriiska ayaa si wanaagsan ugu hadla luuqada Soomaaliga isagoo aqoon dheeraad ah u leh dhaqanka iyo hidaha reer Somaliland.

 

Source:Haatuf