Saalax-Waateynta Riyaale ee Warshadda Sibi dhka Berbera & Somajestannimada Siilaanyo ee Baarlamaannada Yurub!!
Ninna
dhuunuu kuugu dheggan yahay, nin dhaqashuu kuula dhuubtuu kuugu
dholondholey !! Ereyadani, waa kuwo baac dheer oo duur-xul leh,
laguna kala saarayo fukucleynta ragga , iyo Falsamaanta fiirada leh
ee inta daacadnimadu wehelka u tahay. Waxa maanta ka dhacaya
Somalila nd, ee Maamul xumo, Hanti boob , Shuruuc jebin, Dastuur ku
tumasho iyo Xil-Gudan waaba leh , Maaha wax uu Riyaale iyo Kooxdiisu
ku keli yahaiin ee waa mid ay Bulshadii sida qaldan ugu codeysey
sababtey, waana mid ay bixiyeen oo laga jarey gafkeedii, markii
laftiisa lagu kerbaashey ilaa ay laba caanteyn oo isku dhaca
jeebkaba ka weydey, khayraadkii Badda la xaalaufshey, Hantidii ma
guurtada ahayd iyo Dantii Guudna imika laysku hayo!! Waxa hortooda shaley
dhaweyd ka dhacay in Afar Guri Dab qabsadey ku bes-beeleen oo Dab-demis
aanay lahayn Caasimaddu, waxay Hargeysa khatar ugu jirtaa, Alle kuma
keenee, Hargabyadan shimbiraha iyo Doofa arka ee aduunka
gilgiley haddii ay ka soo yar ruqaansadaan dalalka jaar ka ah
, sida aanay maanta u lahayn waxdii Gurmadka Cudurrada Faafa ,
aqoontii u carbisneyd iyo Goobihii u ciyinnaan lahaa Hawlahan, halka
uu Madaxweyneheedii Saalax waateyn uu Warshaddii Sibidhka ee Berbera
ugula jiro share iyo Dillaal Amiirka Kuweyd wiil uu dhaley!! Caasimadda iyada oo
bad Biyo ah ku fadhida, haddana harraaddani, iyana waa musiibo wax
ku qaadasho leh!! Caddaaladda Distida Madaxa kula jirta ee Xeerarkii
Faqashtu weli Dhaqan galka ka yihiin Dalku, iyana waa musiibo kale.
Dalkan haddii soddon sano uu Maamulkanu joogo aan laba caanteyn isu
gaadheyn ee dhawr gobolba lacagta goonida ahi ka socoto, kuwa weli
Riyaale iyo Maamulkiisa hadal hayaa, waa qaar kula bahoobey
khiyaamada Ummadda iyo Dalka!! Hullel dhaqaaqa
wafdiga uu wasiir Cawil hoggaminayey ee Kiiniya u teg ey in ay
Deeq-bixiyeyaasha ka soo codsadaan in qaybtii yared ee laga sugayey
Maamulka Riyaale ay u suura-geliweydey in ay keenaan, waa tusaale
cad halka ay Ummaddani ku sugan tahay!! Meel haddii aan shur
uuc shaqeyneysa, Dastuur dhaqan gal ah iyo shuruuc dhaqaale
muujin eed ka jirin, sow Budcadnimo Nidaamsan oo Maleeshiya
adeegsan eysa maaha waxan aynu dhoob-dhoobeynno!! Ilaa Ciidammo
Qaran oo Darajeysan la helo, Ummadda iyo Dalkaba Fadhateysi ayaa ku
socda'e waa in la soo af-jaraa!! Qoladan Mucaaridka ee niyad samidu
halaagtey, waxa la gudboon in ay ogaadaan koox tuug ah oo xadhko
goys ah inay Alle-ka-baqda, shuruucda dhawra oo Dastoorka ilaaliya
leeyihiin!! iyana aanay uba oollin waxan ay ka hadlayaan!! Maxay u
eegi la'yihiin Ciyaarta "Robinhoodska" sida looga dabbaasho!! ee ay
Spidermen ugu noqon la'yihiin!!? Goleyaasha Sharci-Dejintu maxay Guul-darradan aynu arkeynno ee Ser verka dhicisoobey uga quusayaan ee ay uga fadhiisan la'yihiin xaaladda Dalku marayo ee aan isdilloda ah!! Waa Axmaqnimo aan loo dambi dhaafi kareyn iyo khioyaamo qaran in la sugo, gacan ka hadal siyaasadeed oo ka dhasho xeeladihii muddo kordhinta oo aan hubu in jawaabteedu maa nta ka duwanaaneyso kuwii hore, haddii laysku dayo!! Qiiqan Suldaanka beesha gar iyo Xukun diidka ahina ee Bardaale , laga yaabo in uu oloka huriyo !!.
|