Saamaynta
Mustaqbal ee Guurka Wajaale ma Sargoyn Doontaa S ixirka
Suuqa Guurdoonka Somaliland?.
Mustafe
Future
Guurku waa nimco ka
mid ah Nimcooyinka illaahay Bixiyo, waana Furaha Taranka
Bulsho, kana Fogeeya Xumaanta iyo wixii la mid ah, Waana
Hoyga Nafta Bani’aadamku ku Xasisho kuna nasato. Guurku
waa dhaqanka islaamka, waana dariiq muftaax u ah
isdhexgalka Bulshadda, Deganaansha Bulshadda, Fura ha
Rajadda Mustaqbalka Dhalinyaradda iyo Dabarka Nafta ee
Xumaha
Hamiga Guurku Waxa uu ku jiraa Maskaxda Qofkasta,
hiigsigiisu wuu ku dheeryahay Ruux walba marka uu
yaryahay, Waxaana loo soo maraa Dariiq dheer oo Gogol
xaadh u ah, kaasi oo Dhib iyo dheefba la soo mara Ruux
walba oo Gudo gala hasaawaha hore ee Sheekadda Guurka.
Waa hoyga Rasmiga ah Naftu ku Raaxaysto, kagana nasato
Hawl maalmeedka shaqo, Nuxurkiisu Waa nolol, Niyadiisu
Waa fahan, Nasiibkiisu Waa Ubad, Waana Dhaxal soo jireen
ah oo illahay ugu Deeqay Bani’aadamkiisa.
Aan u daadago Dulucda Mawduuca Guurka Wajaale ka soo
Kordhay oo dhawaanahan aad looga hadal hayo Somaliland,
Wajaale oo ah Degmo Ganacsi oo ku Taala Xadka udhexeeya
Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa la sargooyay Qiimaha
Doonista hablaha (Marriage Discount), taasi oo Qiimaha
Guurka ina nta lagu dooni karro laga dhigay
(2000 birr) oo u dhiganta
($118), iyada oo aanu qofna
ka kordhin Ka rin qiimahaasi oo Culimadda Degmada
Wajaale ku guulaysteen inay ka hirgalinayaan Guud ahaan
Deeg aanka Wajaale.
Arintan oo hore uga hirgashay Deegaano ka Tirsan
Itoobiya ayaa in dhawayd soo gaadhay Degmada Wajaale,
taasi oo aan la malayn Karin halka ay saldhigan doonto,
iyada u fududaysay Gayaan Badan o o Gabaatigu geed
ku xidhi jiray Wakhtiyada qaar,Soona Dhaweeyeen
Waalidiinta iyo dhamaan Dadka Deegaanku ayaa la filayaa
inay ku faafto Somaliland.
Somaliland ayaan hore loogu Arag arin noocan oo kale ah,
taasi hadii ay soo Gaadho Dalka oo dhan Sa amayn
ku yeelan karta Sixirka Guurka Somaliland oo heehaabaya
Ruuxba halkii laga helo iyo Afkaagu Wuxuu kuu gooyo.
Culimadda Somaliland ayaa in badan ka hadashay in
Qiimaha Guurka hoos loo dhigo balse taasi may su
uro galin marka laga reebo wajaale oo ay dhawaan soo
gaadhay si baaxadlena uga hirgashay, taasi oo wakhti
badan ku Qaataday Culimaddu inay ka dhaadhiciyaan Hoos
udhac lagu sameeyo Guurka, lana S argooyo Qiimaha
Gabaatiga laga bixinayo Gabdhaha Gayaanka ah.
Waa arin ku soo korodhay Dhaqankii Guurka somalida oo ku
soo fidaysa Deegaanadda somalida iyadda oo ka soo
bilaabantahay Dalka itoobiya, manta soo maraysa
Deegaanno ka tirsan Somaliland, baryah an danbe aad
looga hadal hayo somaliland.
Arintan ayaa meesha ka saari karta Caqabado Xoogan oo
horyaalay dhalinyarro Gayaan ah oo Jeebkoodu ciilay,
Waxa kale oo ay yarayn kartaa Dhaqan xumadda badanaa ku
kacaan qaar ka mid ah Dhalinyarada somalidu.
Guntii iyo gabogabadii waxaa iswaydiin leh, Arintani
Saamayn intee leeg ayay ku yeelan kartaa somaliland
hadii ay soo gaadho wadanka oo dhan? Se wax dhibaato ahi
ma jirtaa hadii sixirka guurka la sargooyo?
Waxaan u dhaafayaa jawaabta Akhristeyaasha.
Wa bilaahi Tawfiiq.
Mustafe
Future
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/somaliland |
|