Saamaynta siyaasiga ah ee Shaandhaynta Xukuumadda Siilaanyo

 



Shaandhaynta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in badan baa la sugayey oo la saadaa lin ayey. Dad badan oo kala jaad ah ayaa sugayey. Run ahaan bulshada oo dhan ayaa guud aha an sugeysey. Laakiin dano iyo sababo kala duwan ayaa loo kala sugayey.Dano iyo sababo  ah iyo kuwa guudba way lahaayeen. Sabta oo ah dalka waxa ka dhacay fashilaado siyaasadeed oo fara badan iyo dhibaatooyin is dul fuulay oo aan midna la xallin ama xalkeeda la dhammays tirin. Waxaas oo dhan xallintooda iyo

furdaamintooda waxa laga dhowrayey inay ka soo bixi doonaan shaandhayntan muddada la saadaalinayey.

Shaandhaynta waxa laga filayey inuu Madaxweynuhu ku muujiyo inuu si toos ah uga weecday waddadii hore ee uu ku huggaaminayey dalka Waxa lag filayey inuu yaqiinsado in jidkii hore ee uu dalka ku wadey soo oodmay. Waxa lag eegayey inuu xal u raadiyo oo xakameeyo musuq m aasuqa xadhkaha goostay eelala sii kala jeestey.Waxa laga naawilayey inuu huga saaro qab yaaladdan foosha xun ee marya-dhigatay.Waxa la moodayey inuu u soo jeestey sidii uu wax uga qaban lahaa carruurta tahriibta ku madhatay, shaqo-la anta, sicir-bararka maceeshadda iyo ammaan-darrada baahdey. Waxa laga filayey inuu culayska saari doono midnimada dalka iyo dadkaba oo marxaladda lagu jiro shardi asaasi ah u ah u noqotay jiritaanka Somaliland.

Waxa laga rajeynayey inuu dalka ku soo dabbaalo ku dhaqanka sharciga iyo distoorka.Waxa la filayey inuu muujiyo aragti cusub, hindise cusub iyo rajo cusub. Waxa laga dhowrayey inuu dib u jaleeco oo saxo ama furdaamiyo khaladaadkii uu hore u galay. Waxa laga dhowrayey inuu fuliyo ballamihii uu shacabka u galay, kuwii ururrada u galay iyo kuwii uu cid kale u galay ba.Waxa la filayey inuu saaxadda soo geliyo dad cusub oo aragti cusub, aqoon iyo khibrad leh, isla markaan meesha ka saaro kuwii hore u fashilmay.

Maxay soo kordhisey shaandhayntu? Wax soo kordhisey.Laakiin ma ah wax badan. Mana ah wax waxba ka beddelaya sawirka guud ee siyaasadda dalka.Ma ah wax ku waajihan ama abbaarran wax ka qabadka dhibaatooyinka kor ku xusan. Mana wax muujinaya inuu Siilaanyo ka weekday jidkii uu hore u hayey. Haddii eray keilya lagu sifayn karo waa kufaa-kac. Haseyeeshee bal aan wax yar is dul taagnay is beddellada ka iman kara shaandhaynta cusub.

Ugu horrayn waxan soo qaadan laha isbeddelka ku yimi wasaaradda khaarajiga. Sida lala wad socdo, fashilaadda ugu weyn u ku dhacday Xukuumadda Siilaanyo iyo Somalilandba waxay ka timid arrimaha debedda. Xidhiiddho adag oo badan ayey ka dhaxashay Xukuumaddii Dahir Ri yaale. Maanta xadhig kaxidhani ma jiro. Taageeradii debedda ee Somalilandna way soo gudha y. Waa xiqiiqo muran ma doon. Ah. Faallo badan uma baahna fashilaadda siyassadda arrimaha debedda ee xukuumadda Siilaanyo.Arrintaas badankeeda waxa loo aanaynayaa Wasiirkii hore ee khaarajiga M.A.Omer. In la beddelaa waa isbeddel togane ah. Waana la soo dhoweynayaa. Dhinaca kale wasiirka cusub ee Arrimaha debedda M.Bixi Younis waa nin aad loo tuhunsan yahay, inkasta oo uu ku cusub yahay Somaliland iyo siyaassaddaba guud ahaan. Waxa lagu tuhunsan yahay aqoon iyo khibrad ballaadhan oo xidhiidhka debedda ah. Cabsida keliya ee jirtaa wxay tahay inuu la qansan kari waayo duruufaha. Isagana si xoog leh ayaa loo soo dhoweynayaa.

Isbeddelka labaad ee muhiimka ahi waxa lagu tilmaami karaa wasiirkii daakhiliga oo xilka laga qaaday. Arrintaas waa filayey. Waayo fashilaadda siyaasadda arrimaha gudaha ee Xukuumad da Siilaanyo waxba kama sahlana tan ka timid siyaasaddiisa arrimaha debedda.Fashilaadda badankeeda wasiirka ayaa lagu xidhiidhinayey. Beddelkiisa waana la sugayey waana la soo dhoweynayaa. Cali waran Cadde waa nin ka waayo-aragsan lana deggan wasiirkii hore. Mana laha xidhiidho lagu tuhunsanaa wasiirkii hore. Waxa la filayaa inuu wax badan ku soo kordhin doono siyassadda arrimaha gudaha oo aad u dhaawacan. Waxase is weydiintu ka imanaysaa, miyaa Kulmiye laga waayey cid lagu aammino wasiirka arrimaha Gudaha. Mise waxay mar kale muujinaysaa sida xukuumadda Siilaanyo ua fogaanaysao xisbi xaakumka. Saddexdii wasiir uu u kala dambeeyey wasaaradda arrimaha gudaha midkoodna ma ahayn Kulmiye. Mise Madaxwe ynuhu wuxu rabaa inuu abuuro xukuumad wadaag ah-Coalition government. Fekred xun ma ah inuu sameeyo dawlad sal ballaadhan. Waayo hadda dawladdiisu salba ma laha.

Marka saddexaad waxa aad loo soo dhoweynayaa labada gabdhood ee xukuumadda ku soo biiray. Waa laba gabdhoo oo aad loo yaqaan.Labaduba waa hawlkar, waa daacad waa dad tayo leh. Talada gabdhahaasi ma laha waxay ka soo dhalatay socdaalkii Madaxweynaha ee Mareekanka. Si kasta ha ahaatee, iyagana waa la soo dhoweynayaa.

Shaandhayntu waxay soo kordhisey intaa kama badna. Haddii laga tegi waayo, waa loo baah naa in Xaglotoosiye la geeyo wasaarad halkii uu joogey ka muhiimsan. Waxbase ka tari may sao arrinta Buhoodle iyo gobollada bariga midna. Too little too late. Dhinaca kale marka laga eego, wasiirkii hore caafimaadku wuxu ka mid wiirrada sida gaarka ah uga aammaanan xukuu madda Siilaanyo.Haddii ay xukuumad Siilaanyo ku faani karto waxqabad, Dr Xuseen Xoog wuxu ka mid ahaa dhowrka wasiir ee farta lagu fiiqi karo.Nin shaqadiisa ku eeg,wax bandanna ka taray, horuumar muuqdana kaga tegey. Xaggee loo soo maray.Anigu garan mayo, laakiin mid keliya ayaan ogahay ? Xoseen Xoog ka mid ma ahayn wasiirrada Madaxtooyada ku bad an. Nin mashquul ah ayuu ahaa. Laga yaabee in intaas laga raacay. Waan ka xumahay umm adduna wey tebeysaa hawshii uu u hayey.

Xaabsade Rukun culus ayuu u ahaa deegaannada gobollada bariga. Ninna lama miisaan aha inta ku jirta xukuumadda iyo Golayaasha kale.Nin culus ,waayo-arag ah oo magaciisu wax gooyo ayaan u aqaan. Erigiisu dhaawac buu ku yahay Somaliland. Dr Maxamoud Sicid Gacamey, isaguna sidoo kale nin culus buu ahaa. Nin aqoon iyo waayo-aragnimoba leh ayuu ahaa. Waxan u arkaa tayo ka dhimantay ama ka dhacday xukuumadda Siilaanyo.

Shaandhayntu, marka intaas laga yimaaddo, waxay wadciga siyaasiga ah ee dalka ka beddeli kartaa,sida san, ma jirto. Inkasta oo rag badan hadda ku soo biirey xukuumadda aanan xumaan iyo karti dorro mid ku sheegi Karin, sababta oo ah ama ma aqaan, ama xil hore oo aan ku qiyaasi karo ayaanay soo qaban, hadda mid baa iska cad. Waxay ku soo kordhin karaan waa xaddidan tahay. Kama badnaan karto intii Dr.Xuseen Xoog qabtay ee haddana lagu eryey. Sidaa darteed, saamaynta ay yeelan kartaa waa tabane.

Maxaa haddaba laga dheehan karaa Shaandhaynta?

Anigu waxa is leeyaha­:

1. Waxay muujisay inay maantana beenowdey ballan kale oo ka mid ah ballamihii Siilaanyo um madda u qaaday oo ahayd inuu sameeyo xukuumada tiro yar oo tayo badan.Waayo tani waa xukuumad tiro badan oo tayo yar.

2. Waxa kale oo caddatay in fekerka keliya ee madaxtooyada yaallaa uu yahay qabyaalad aan maryo sidan fekrad kalena lahnayn.

3. Waxa muuqatay in musuq maasuqu aanu ahayn wax xukuumaddu wax ka qaban kari weyd ey,

4. ama indhaha ka qarsatay, balse uu ka mid yahay ujeeddooyinka asaasiga ah ee ay leedaha y, maaddaama, dadkii lagu tuhunsaa badankoodu ay weli meesha joogaan, weliba talada wax ku leeyihiin.

5. Waxa soo xoogeystey tuhunkii ay dad badani horeba u qabeen ee ahaa inaan Madaxweynu hu , sabab kastaa ha jirtee, talada dalka gacanta ku wada hayn; inay jiraan dad aan la doora n oo awoodihii Madaxweynaha fulinayaa.

6. Waxay ka marag kacday inay jiraan dad lama-taabtaan ah.Waxa si aan shaki lahayn uga m uuqday shaandhayntan fekerkii, caliyadii iyo dadkii Wasiirka Madaxtooyada.Waxay dad badani filayeen in isaga laftiisu raaco shaandhaynta.Kaaf iyo kala dheeri. Dadkaasi xog badan ayaan ay ka hayn madaxtooyada iyo sida taladu ug soo go'do. Dadkaasi waxa laga yabaa inay had da ku qanci doonan wax dad badani hore ugu qanceen.

7. Waxa caddaatay xukuumadda Siilaanyo in wax ka dhaca mooyiye aan waxba u soo kordha yn. Taasina waxaiy sii kordhinaysaa werwerkii ay ay dadku qabeen dhaxalka ay ummadda uga tegi doonto.



Waxa caddaatay inay jiraan dad lama taabtaan ah, waxa caddatay inay Qabyaaladdu tahay fekerka keliya ee meesha yaalla,waxa caddaatay inaan Madaxweynaha iyo Xirsi midkoodna weli yaqiinsan arrinka laga hadlayo.

Waxa caddaatay in mususq maasuqu ka mid yahay ujeeddooyinka rasmiga ah ee xukuumddu leedahay,waxa caddatay wixii la sheegayey oo dhan inay run yihiin.Waxay muujisay inaan xu kuumadda wax ka dhaca mooyiye waxba u soo kordhayn. Waxa caddatay inaan xukuumadda ni tamar iyo awood midna u lahayn inay xalliso ama furdaamiso gefka ay iyadu gasho iyo mashakilka bulshada haysta midna.

 

 



Ibrahim Jama

raitejama@yahoo.com