SAAXIIB IYO QOF KU JECEL AYAA FARXADDA KULA WADAAGA

 


Waxaan mahadnaq ballaadhan iyo salaan diiran u dirayaa dhammaan ehel, asxaab, gacal iyo xigaal inta ka soo qayb gashay arooskii Inankeyga iyo inanteyda ee bishan ka dhacay Cardiif. Waad i sharafteen ee ILAAHAY haydin karaameeyo. Waxaan xusayaa ehelka iyo asxaabta ka timid magaalooyinka U.K, iyo kuwa ka soo dhoofay U.S.A, Canada, Sweden, iyo Holland. Waxaanan iloobayn inta qaaradaha dunida fariimo telephoon, iyo emailo xanbaarsan hambalyooyin qaali ah aniga iyo dhallinta arooska ah u soo dirtay.

Hawsha arooska oo si wacan u dhacday mey suurtagasheen haddayna iga caawin Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, si gaar ah dumarka oo u dhabar adeegay culus kaga yimid laba aroos oo isku dhowaa. Waxaan leeyahay waad ii hiiliseen, ee waan idiin hayaa abaalkiina. Waxaan leeyhay reer Wales dhalin, waayeel, rag iyo dumarba iga guddooma mahadnaq kal iyo laab ah.

Ma halmaami karo websiteyada Soomaliland ee mar walba igu gargaaray baahinta farxadda iyo hanbalyooyinka. Waxaan si gooni ah ugu mahadnaqayaa websiteyada Longlivesomaliland.com , Somalilandcenter.com, Somalilandpatriots.com, Gabiley.net iyo Dhambaalnews.com oo dhammaan si heer sare ah u daabacay hambalyooyinkii arooska iyagoo hab farshaxan casri ah ugu qurxiyey.

Waad i qadariseen, anna iloobimaayo abaalkiina. Dhammaan waxaan idin leeyahay mahadsanidin, waxaad tihiin hiil aan tirsan doono xili walba.

Hanbalyo ku saabsan sanadguurada kowaad ee Longlivesomaliland.com ayaan tan ku lamaanaynayaa, waxaan u rajeynayaa horumar iyo kormo joogta ah.

Waa ka gudubteen marxaladda ugu adag hawl bilowgeed, ee gacantiinu ma daasho , maankiinu ma seexdo , jeebkiinuna ma madho. Aamiin.


Igana guddooma salaan iyo bogaadin ku saabsan bisha Ramadaan ee foodda noo saaran, ILAAHAY haynaga dhigo kuwa guta soonka ee laga aqbalo. ALLE haynaga yeelo kuwa uu dhamacda naarta ka xoreeyo. Aamiin.

 



Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com