Saaxiibkay,walaalkay,Marxuum Maxamuud Caydiid Raage h (Lafcanbe),godka lagu jannee,Geesi buu ahaa aanan iloobi karin

 

 



Anigoo ku hadlay magacayga,Eng. Mohamed Ali Muse,waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraya a xaaskii, caruurtii,walaaladii,ehelkii,qaraabadii,gacalkii,xigaalkii,asxaabtii,Bahweynta Xisb iga Kulmiye & shacabka Somaliland, ee uu ka baxay walaalkeen,Marxuum Maxamuud Cayd iid Raageh (Lafcanbe),oo maalintii Sabtida,23 April,2016,ku geeriyooday magaalada Toro nto ee dalka Kanada.


"Faaraxow gal galad kaan dhigiyo, gama la'aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada, goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay ,waxaan gawska uga daayey
Dar guryii ka yimi baa, war baas iila soo galaye
Abidkii rag waa go’i jiree,tanise waa gaw’e
,"

Cali Jaamac Haabiil
 


Rabbi naxariitii janno Fardawsa ha ka waraabiye,waxaan marxuumka is barany waqtigii la bilaabay oloihii Doorashada Madaxweynaha ee sannadkii 2010,oo aanu masuul ka wada a hayn Istraajiyadii & isku xidhkii taageerayasha xisbiga Kulmiye ee dalka gudihiisa & dibad iisaba , ee dhinaca Media ha.Marxuumka oo aanu wada deganayn Dalka Kanada,waxaanu noqonay saaxiibo aad isugu dhaw,walaalo ah,isku hadafa,isku mabda ah,si weyna u soo w ada shaqeeyey.

Wuxuu ahaa muwaadin dalkiisa & dadkiisaba jecel,wuxuu ahaa shaqsi go'aan adag,aan ga bi dhaclayn, tacab iyo waqti badanna geliyey xisbiga Kulmiye sidii u ugu guuleysan lahaa Door ashada,hogaanka dalkana uu qaban lahaa Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Si ilaanyo),Rabbina waa u rumeeyey dadaalkiisii , hankiisii iyo himiladiisiiba.

Waxaanan marnaba iloobayn shaqsiyadiisii,dulqaadkiisi,dadnimadiisii & dabeecada wanaa gsan ee Rabbi ku manaystay.Waxaan Allaha awooda leh ugu baryayaa inuu saaxiibkay,w alaalkay,Marxuum Maxamuud Caydiid Raageh (Lafcanbe),danbi dhaaf u fidiyo,iilka u waas iciyo, iilkaa u nuuro ,neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro,janno Fardwasana ka waraabiyo, dhamm aanteena samir & iimaan innaga siiyo,aamiin.

ِإِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون


 

 



Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Senior Certified Network Specialist
| CNA | CCNA | MCP | A+ |