Saddex Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laga Soo Doortay Gobolka Hargeysa Oo Xisbigooda Ku Taageeray In La Qabto Banaanbax Salmi Ah

 

“Wasiir Tallaabo Waxaan Leeyahay Sidii Ay Dawladu Kuu Xumaysay Ee Xabashiyadu Kuu Xidhatay Ayay Dawladani Dalka U Wada Xumaysay” Xildhibaan Nacnac
Sadex Xildhibaan oo ka mid ah Mudaneyaasha xisbiga KULMIYE kaga jira Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta aqalkaasi waxay xukuumada ku eedeeyeen inay ku tumatay shuruucdii iyo dastuurka dalka. Waxaanay cambaareeyeen Go’aankii Guurtidu ay muddada lixda bilood ah ugu kordhiyeen xukuumada tallada dalka haysa.

Mudane Cali Yuusuf Axmed, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Horta dastuurkeenu af-soomaali ayuu ku qoran yahay nasiib wanaagna dadkeenu qoraalka iyo akhriska Af-Soomaaliga way yaqaanaan intooda badani, waa laga yaabaa in dadweynuhu aanay wada haysan oo aanay wada akhrisan dastuurka taasi ayaa keentay in si khalad ah looga faa’iideysto oo cidiba si gaar ah ugu fasirto laakiin dadku haddii ay akhrisan lahaayeen iyagaa xaakimiin ah oo kala sheegi lahaa dhinaca khaladka ah iyo dhinaca saxda ah. Qodobka 83-aad fiqradiisa sadexaad haddii aan akhriyo waxay leedahay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xilsaaran yihiin illaa Madaxweyne iyo ku xigeenka cusubi kala wareegaan muddo bil gudaheed ah. Waxa weeye kolkaasi in doorasho ay dhacdo markaasi ayay imanaysaa Madaxweyne iyo ku xigeenkii cusbaa ay kala wareegaan kuwii hore”


Md Cali Yuusuf, wuxuu sheegay in muddo kordhinta xukuumadu ay ku iman karto oo qudha marka ay dhacdo nabad gelyo darro, ama haddii ay dalka ka dhacaan aafooyin dabiiciya oo waaweyni.

“Mararka qaarkood waxa xisbiga UDUB iyo xukuumadu ay sheegeen Madaxweynaha waxa bedeli kara Madaxweyne la soo doortay datuurka way ku taalaa sidaasi laakiin badh bay ka tageen, barigii Siyaad Barre ayuu adeegdsan jiray wadaad xume hunguri ku shaqeeya, kolkaasi ayaa aayadaha quraanka kariimka ah badh laga tagi jiray ama si khaldan ayaa loo fasiri jiray,”Ayuu yidhi Md Cali Yuusuf.

Xildhibaan Cali Yuusuf wuxuu nasiib darro ku tilmaamay hanjabaado ka soo yeedhay xukuumada waxaanu yidhi “Waxa ayaamahan nasiib darro ah oo maalmahan aan in badan Saxaafada ku arkaynay haddidaad badan oo la soo jeedinayo, oo Madaxdii xisbiga KULMIYE loo soo jeedinayo, oo la leeyahay waxbaanu xidhaynaa oo waxbaanu dilaynaa kalmadihii taliskii Afweyne isticmaali jiray ayaa xiliyadan dambe la isticmaalaa oo ay ka mid tahay qaran dumis.Xisbiga sharciga ahi haddii uu khaladka sheego ma qaran dumis baa, xukuumadu inay dalka kiciso waa khalad.”

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo isaguna ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa cambaareeyay go’aankii Golaha Guurtida Somaliland ay xukuumada wakhtiga ugu dheereeyeen, waxaanu yidhi “Waxaan u arkayaa in go’aankii Guurtidu uu wax badan oo walaac iyo dhibaato ah dalka ku soo kordhiyeen oo aanay xisbiyadii mucaaridku raacsanayn mudadan la kordhiyay.Qodobka ugu muhiimsan ee ay cuskadeen waa abaar iyo waa jiilaal oo waxaad moodaa inay illaahay la maamuleen kownka, labada cisho ka dibna roobkii baa da’ay, laba bilood ka bacdina doorashadu way ku qabsoomi lahayd.”

“Madaxweynuhu 2006-dii wuxuu iclaamiyay inuu dabaqayo shareecada Islaamka, maalin ciid ah ayay ahayd culimada qaarkood way ku hambalyeeyeen waxaanay yidhaahdeen waxaanu ka sugaynaa fulintii taasi may dhicin.Qodob dasttuuri ah oo meesha yaalay ayay ahayd oo haddii uu gartay lagu hambalyeeyay balse uu ku socon waayay ayay noqotay, waxaanu sidaasi ugu dhawaaqay olale siyaasadeed ee daacad kamuu ahayn Madaxweynuhu arrintaasi,”Ayuu Yidhi Mudane Obsiiye.

Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Qodobka labaad ee balan qaadku waxa weeye sii daynta miisaaniyadii 2007-kii balan baa la galay Guddi ayaa galay waxa la isla gaadhay oo lagu shuruutamay in labadii xubnood ee Komishinka ee Goluha Wakiiladu diiday la ansixiyo, isaguna uu miisaaniyada sii daayo iyo inuu sii daayo siyaasiyiintii ururkii Qaran ee uu xidhay, doorashadiina muu qaban lacagtii giimbaarta ahaydna Burco kamuu bedelin.”

Md Obsiiye wuxuu sheegay in Madaxweynuhu uu dhamaan aanu fulin balan qaadyadii uu ummadda u qaaday isla marakaana wuxuu ku eedeeyay inuu ku tuntay shuruucdii iyo qodobadii dastuurka dalka. Waxaanu xusay in isbedel ku yimaado maamulka dalka ay daruuri tahay.

Xildhibaan Obsiiye, wuxuu sheegay in xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE ay illaalinayaan nabad gelyada Somaliland, balse ay xaq u leeyihiin inay taageerayeyaashooda ugu baaqaan mudaharaad salmi ah.

“Kulmiye wuxuu balan qaadayaa inuu nabad gelyada illaaliyo laakiin xuquuqdiisa dastuuriga ah ee ummaddu ay leedahay wuu raacayaa kamana hadhayo, waxaanu xaq u leeyahay inay dadku mudaharaad ama isku soo bax salmi ah ay shucuurtooda ku muujiyaan waxa u fasaxaya Qodobka 32-aad ee dastuurka dalka waana lagama maarmaan haddii laguu diido banaan baxaasi waxay noqonaysaa cabudhis iyo caddaadis,”Ayuu yidhi Md Maxamuud Axmed Obsiiye.

Wuxuu xukuumada ku eedeeyay inay dadkii muwaadiniinta ahaa ee ay u xidh xidhay qaraxyadii 29-kii October ee dalka ka dhacay aanay illaa imika wax maxkamad ah horkeenin.

Md. Axmed Maxamed Diiriye [Nacnac] oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay hadalo ka soo yeedhay Wasiir Ku xigeenka Cadaalada Yuusuf Ciise Ducaale, oo sheegay in ay xidh xidhi doonaan mucaaridku haddii ay isku dayaan inay nabad gelyada wadanka halis geliyaan, waxaanu yidhi “Wasiir ku xigeenka Tallaabo ee habeen hore hadlayayna waxaan leeyahay waynu is ogayn wixii xukuumadu kugu sameysay ee markii aad Addis ababa joogtay ee xabashiyadu kugu xidhatay dawladana sidaa ay adigoo u Wasiir u ah ay kuu xumaysay ayay dalka oo dhana u wada xumaysay,nabadgelyadana anagu ma xumaynayno waxna ma yeelayno.”

Md. Nac-nac wuxuu sheegay in aanay Somaliland waxba aanay ka dhacayn balse ay xukuumadu ay dadka doonayso inay cabsi geliso, waxaanu soo tilmaamay in muwaadiniinta uu dastuurku u damaanad qaaday inay dareenkooda ku muujiyaan mudaharaad, maqaal, gabay iyo siyaabo kaleba.

“Dawladan anigu Qodob qudha oo ay ku hagaagsan tahay kuma aan arag, diyaarna uma aha doorasho in wadanka laga qabto mudadaas dheerna dalka waxba umay qabinin,”Ayuu Yidhi Xildibaanku.

Intaasi ka dib waxa Suxufiyiintii shirkaasi jaraa’id ka qeyb gashay ay Xildibaanadaasi weydiiyeen Su’aalo u dhacay sidan:-

S. Sida hadaladiina ka muuqata waxaa taageerteen mowqifkii xisbiga aad ka tirsan tihiin ee Kulmiye, taasi maxay kala duwan tahay mowqifkii xibsiga Kulmiye?

J: Xildhibaan Cali Yuusuf: anagu waxa aanu taageernay mowqifkii Kulmiye maahee, waa distuurka dalka u yaal wax ku qoran ee uu sheegay.

Distuurkaana sheegay sababaha lagu kordhin karo mudda madaxweynaha iyo ku xigeenka. Kulmiyena waxa uu leeyahay distuurka ha lagu dhaqmo.

S. Maalmahan waxa si weyn loo hadal hayay in marka la gaadho lixda bisha April in taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay samayn doonaan mudaharaad imika sidaa waad sheegteen mudaharaad ayaad samaynaysaan goormaad samaynaysaan?

J: Xildhibaan Nac-nac: Anigu (Nacnac) ku maan odhan mudaharaad ayaan qabanaynaa, waxan ku yidhi distuur ayaan leenahay qodobka 32aad ayaa sheegay in aanu xaq u leenahay in dadweynuhu ay shucuurtooda ay ku muujin karaan si nabadgeylo ah.

Waxaad leeyahay dawladda Fadhiidka ah, ee aan waxba qaban karayn ee doorasho diiday, waxqabadana ummadii u diiday, waataa dhalinyaradii maalinkasta badda isku guray ee la cid wax u qabta.

Markaa wax qabad la’aanteeda waxaanu ku cabiraynaa mudaharaad, iyaga oo aan qofna wax yeelayn. Waanu samaynaynaa mudaharaadka ma ha diido ma ha ogolaadee.

S: Waxaad sheegeen in xukuumadu waxyaabo badan oo aad Gole wakiilo ahaan xaq ugu lahaydeen in ay fulin wayday. Mar haddii ay sidaas ay jiro idinkuna aad tihiin golihii wakiilada ee ummadu soo dooratay, ma isleedihiin waxa la gaadhay wakhtigii amaanadii la idin soo doortay mar haddii ay xukuumadu idin la shaqayn wayday in aad dib ugu celisaan dadweynihii idin soo doortay?

J: Xil. Obsiiye: runtii qaabka ay u shaqeeyeen golaha wakiiladu waad la socotaa, waxaa weeye codka waxaa lagu qaadaa waa aqlabiyada. Go’aankas ka soo baxaana, taas macanaheedu mahaa in golaha oo dhan isku mowqif yihiin.

Miisaaniyadda, iyada oo ay jiraan cid diidan iyo cid ogol ayaa la ansixiyaa. Markaa go’aankasta oo ka soo baxa golaha wakiiladu waa sidaa oo kale, in wada shaqayntii xukuumadu xidhantay idinka (Saxaafada) ayaa xogo gaal ah.

Waxyaabihii aan sheegayna waa tilmaan cad, wada shaqayntii iyo meel marintii xeerarka aanay jirin waa wax cad oo laga daalay.

Xilkii aanu ummada u hayn imikaba in badan ayaanu ku wareejinay wax badan oo awoodayd ah waanu u sheegnay. Xooga waxba laguma bedelo waxa wax lagu bedelaa waa cod dhaca. Laakiin, waajibka na saarini waxa weeye in anu wixii xaq ah sheegno waanu sheegnaa.

Markaa xaqaa aanu sheegayno waa inay ummadu ka tashataa cidii qaadan wayday.

S: Waxaa la sheegay in maanta qorshuhu ahaa in 20 ka xildhibaan ee ka soo baxay Gobolka Maroodi Jeex ay si wada jir ah shir jara’id u qabtaan, sida halkan ka muuqa saddex xildhibaan ayaad ku tihiin. Markaa ma si leedahay weedha aad sheegaysaan miisaan culus ayay yeelanayaan?

J: Xil Obsiiye. Waa runtaa halkan waxaanu ku joognaa qaar ka mid ah xildhibaannadii Gobolka Hargeysa, sida aad ka war qabtaana imika goluhu waa fasax ayuu jiraan. Markaa inta kale inay berrito (maanta) qabto shirka jaraa’id ayaan filayaa.



 




Ramaasnews