Saddexda Wasiir ee ugu Waxqabadka Fiicnaa Sanadkii 2008

 

Sadex Wasiir oo ka tirsan Xukuummada Somaliland oo loo doortay in yihiin Wasiiradii ugu wax-qabadka Wanagsanaa sanadkii ina dhaafay 2008 ayaa maanta shahaado sharafyo ka turjumaya waxqabadkoodii la gudoonsiiyey.

Wasiiradan oo kala ah Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud [Xasaan Gadhweyne] Iyo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil]. Isla markaana Urur lagu magacaabo Somaliland Award Community oo ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa saddexdan Wasiir gudoonsiiyay Shahaadooyin Ururkaasi sheegay in ayku mutaysteen wax-qabadkoodii iyo hawlihii ay Qaranka Somaliland unnadkii 2008.
Munaasibad loo sameeyey gudoosiinta shahaadooyinka lagu maamuusay Wasiirada. oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Somaliland Award Community (Ururka qiimaynta Qaranka Somaliland) oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiro badan oo Xukuuumadda ka tirsan, Salaadiin, Qurba-joog dalka ku sugan, Aqoonyahano, Waxgarad rag iyo haweenba isugu jira Iyo Marti sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Huteel Ambassadoor ee Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Ururka Somaliland Award Community Mr. Maxamed Cabdilaahi oo munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay, in Ururkoodu yahay mid u taagan qiimaynta Qaranka iyo il-kuhaynta wax-qabadka Masuuliyiinta kala duwan ee Qaranka Somaliland, isla markaana qiimayntii ay sannadkii 2008, qiimayn ay ku sameeyeen waxqabadka Wasiirada Xukuumadda Somaliland, ka dib ay u arkeen, in saddexdii Wasiir ee ugu wax-qabadka fiicnaa sannadkaa 2008, in ay yihiin Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Md. Cali Maxamed Warancadde, Waxbarashada Md. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Xasaan Gadhweyne] Iyo Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale [Cawil].

Mr. Maxamed Cabdilaahi, waxa uu intaa ku daray oo uu ku dooday, in ay qiimayn iyo ka baaraan-deg ay wakhti badan ku qaatay, ka dib ay saddexdaa Wasiir u garteen Wasiiradii ugu wax-qabadka fiicnaa, isla markaana aanay qiimayntoodani ahayn ay iskaga dhawaaqeen, hase ahaatee, ay tahay mid ay Maskax badan ku bixiyeen. Sidaa daraadeedna ay saddexdii Wasiir ee ugu sareeyay qiimaynta ay sameeyeen u garteen in ay gudoonsiiyaan saddex Shahaado Sharaf oo ka turjumaya waxqabadka iyo waajibaadka Qaran ee ay guteen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo Xafladaa ka hadlay, isla markaana ku hadlayay Afka Wasiirada Shahaadooyinka la gudoonsiiyay, ayaa si weyn ugu mahad-naqay Ururka Somaliland Award Community ee qiimayntan sameeyay, una gartay in ay Shahaadooyin gudoonsiiyaan. Waxaanu Wasiir Cawil sheegay in wax qabadka lagu tilmaamay Wasiiro ahaan uu yahay waajib Qaran oo ay guteen wax Shahaadooyin lagu gudoonsiiyo, balse hadiiba loo gartay cidda garatay ay mahadsan tahay. Sidoo kale, Wasiir Cawil waxa uu sheegay in ay wax-qabadkooda sii laban-laabi doonaan, una adeegi doonaan dadkooda iyo dalkooda inta ay xilka Qaran hayaan.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Ururka Somaliland Award Community Mr. Maxamed Cabdilaahi ayaa saddexdan Wasiir Shahaadooyin gudoonsiiyay, iyada oo Wasiir kastaa markii gacanta laga saaray Shahaado Sharafta lagu maamuusay u mahad-naqay Ururka Ururka Somaliland Award Community iyo xubnihiisa kala duwan ee qiimayntan sameeyay.

 

 


Waaheen