Safarkii Madaxweynaha Gobolka Gabiley oo ay mucaaradku sas ka qaadeen.
 

 


Safarkii kadiska ahaa uu madaxweynaha somaliland Mudane Axmed maxamed Maxamnuud Siilaanyo, ku tegey Gobolka Gabiiley, waxaan u arkaa oo uu ahaa Safar aad loogu baahna oo ahaa u kuurgelida habsami u socodka Hawlaha qaranka, iyo inuu dad reer Gabiley u muujiyo oo u hayo abaalkii ay u galeen wakhtigii doorashada. waxa uu safarkaasi maxdweynuhu ku soo beegay Maalin Jimcaha oo barakeysan, sidaas darteed, safarkaasi waxaa u ahaa mid dad reer gabiley  inta wanaaga jecli ay aad ugu khushuuceen.

Waxaan cad oo muuqda in Xukuumdu ka dib 3dii casho ee shirarka is daba jooga ahaa ay do onayso in xukuumadu ku dhaqaado wax ka qabashada balan-qaadyadii ay balqaaday wakhti gii doorashada. Taasina waxaa ka markhaati ah Shirkii safarka Madaxweynaha ka dib oo uu Wasiirka arrimaha dibeda Mudane Maxamed C/hi Ciumar la qaatay bulshada Reer Gabiley.

Halkaasi oo uu Wasiir ka dhaqaaajiyey Mashaariic wax ku ool ah, sida Mushruuca biyo gelin ta Degmada Tog-wajaaleh iyo wax ka qabada baahiya kale ee Gobolka Guud ahaan.

Waa wax lagu farxo in Madaxweynaheenu ina soo sharfo salaadii jimcanaha dadkiisiii la tug ado. Taasina waxay ina tusineysaa sida uu ugu han-weynaha bushada Reer Gbaliey iyo qad arinta ay ka mudan yihiin.
 


Gaba-gabo waan ku hambalyeenayaa Madaxweynah iyo wafiga la socdayba Safaraaksi.
 

 

 


Maxamed Yuusuf Buux.

Hooland.