warsaxaafadeed safarka gudoomiyaha xisbiga ucid ee dalalka itoobiya iyo kenya



Hargeysa (Longlivesomaliland News)_ Xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCIDwaxa uu manta ku soo qaadanayaa warsaxaafadeedkiisan safar uugudoomiyaha xisbiga UCID ahna musharaxa jagada madaxweynenimadaxisbiga UCID uu ugu kicitimay wadamada Ethiopia iyo Kenya, Maanta oo aytaariikhdu tahay 11/10/09 abaaro 10:00 subaxnimo waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada hargaysa ka dhoofay gudoomiyaha xisbiga ucidisaga oo martiqaad rasmi ah ka helay wadama donors ka ee xaruntoodutahay magaalada Nairobi ee dalka kinya, martiqaadkan ay wadamadadonors ku u fidiyeen gudoomiyaha xisbiga UCID.


Wuxuu kala hadli doonaa qodobadan soo socda, xogwaran ku saabsan xaaladda uu wadanku maanta maraayo sidii loogu diyaar garoobi lahaa arimaha doorashada iyo in ay diyaariyaan kharashka ay badanaa ku  bixi yaan arrimaha doorashooyinka oo dhan 75% in aanay xagooda ku  baaq anin oo ay sida ugu dhakhsaha badan udiyaariyaanin dhaqaale wadanka Somaliland la siiyo maadaama wadanku xoolihii ay dhoofin jireen la  jooj iyay, dhaqaalaha aduunka ee hoos u dhacayna uu saamayn wayn ku  yee shay wadankain, ha'yadda UNDP xafiis cusub ka furtaan gobolka togdheer gaar ahaan magaalada Burco si ay mashaariic xaga horumarinta ah ay ka hirgaliyaanmagaalada Burco iyo gobolada bariba, maadaama aanay hada wax mucaawimo ahi aanay gaadhin wadamada bariga, iyada oo  magaa lada Burcana ay badibaka tahriibeen dhalinyaradii inta soo hadhayna in loo sameeyo mashaariic horimarineed, illo dhaqaale iyo shaqo  abuuris eedin soomaaliland laga qaado number 4KA xaga securet levelka ah ee aysaareen qaramada midoobay qaraxii argagixiso ee magaalada hargaysa kadhacay 29/10/2008 ka dib oo ay ku soo celiyaan levelkeedii hore eexaga sucuretka maadaama ay soomalailand ka nabadgalyo fiican tahay wadamo badan oo ka mid ah dunida.

Qodobadas iyo kuwo kale oo ku saabsan arrimaha soomaaliland ayay  ka wada hadli doonaan gudoomiyaha muddada uu ku sugan yahay  safarkiis anWaxa kale oo uu gudoomiyuhu uuu la kulmi doonaa muddada uu  joogo magaalada Nairobi ,safaarado badan oo reer yurub ah, safiirka  maray kanka (USA) u fadhida magaalada Nairobi, iyo aqoonyahanka,  ganacsa tada, waxgaradka reer soomaaliland eek u suganmagaalada nairobiintaas ka bacdi gudoomiyuhu waxa uu soo mari doonaa wadanka Ethiopiahalkaas oo uu kula kulmi doono safaaradaha ingiriiska (UK) iyo waliba madax sar-sare oo ka tirsan wadanka Ethiopia waa markii labaad ee madaxda sar-sare ee xisbiga UCID ay martiqaadka helaan wadamada donorska  sanad kan gudihiisa.

 



Longlivesomaliland News Desk
Hargeysa,Somaliland