SAFARKA TAHRIIBTA INTAANAD GALIN AKHRISO MAQAALKAN[[SUUDAAN IN DAD LAGU CUNAY MA MAQASHAY!!!!]]

 

 



BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Qormadan maanta waxaynu ku qaadanaynaa tahriibta iyo dhibaatooyinka ay leedhay waxaan filay aa in aanad isku soo biimayn doonin tahriibta markaad akhrido maqaalkan dhamaan dadkii soo mar ay tahriibta ayaa waxay la kulmeen dhibaatooyin aad u badan oo midiba mid ka daran tahay.


Dadka jooga gudaha dalkeenu ma oga dhibka tahriibtu leedahay kaliya waxay ka haystaan maqal
iyo wax la yidhi[ hadal ku tidhi kuteena].

aabaha ama hooyada soo diraaya caruurtooda ama dadka ayagu iskood usoo baxaya waxa ku waaji ba inay diyaar u noqdaan dhibaatooyinkan aynu guda gali doono.waxa maanta dalka suudaan qaybt a koonfureed ee dhawaan dawladnimada loo aqoonsaday jooga in ka badan 200 oo gabdhood oo so omaaliya iyo somalilandba ka yimi.Gabdhahaa waxaa haysta nimanka jabhada SPLA ee koonfurta su udaan ka dagaalami jiray waxa kaliya ee ay u haystaana waa ayagoo faro xumeeya.


Qaarkood waxa la sheegay in caruur badan laga dhalay oo loo haysto warshad oo kale iyo in caruur qurux badan laga dhalo. Gabdhahan masaakiinta ah ayaa qaarkood sanado lagu haystay magaalada JUBA ee koonfurta suudaan.Waxa sidoo kale jira rag badan oo dhalinyaro ah oo dagaalada lagu qas bo qoryana loo dhiibo taas oo sababatay in qaar badani ku dhintaan ayagoon safarkoodi guda gali nba.

Waxa kabii sii daran ayadoo koonfurta suudaan lagu cuno aadmiga oo ah mid layaable maalin dhaw ayd ayaa waxa la waraystay wiil yar oo heesaha rap-musica qaada markiisii horena ahaa jabhada SPLA ayaa la waydiiyay noloshiisii markii uu caruurnimada ku jiray jabhada SPLA. waxa wiilkaa yari xaqiijiyay waxaanu soo marnay rafaad badan aad u badan waxa jirtay mar ay cuntadii iyo biyihiiba naga go,een ka dibna waxa abaanduulayahagi nagu amray in la cuno maydkayaga bakhtiyay nin wal ibana uu cabo ninka kale kaadidiisa. waanu samaynay waananu cunay ayuu yidhi wiilkaa dhalinyara da ee la waraysanaayay.

Akhristoow tan iyo markii socodka tahriibtu bilaabmay waxa la waayay soomali badan oo ka talaab ay xadka ethoobiya una gudbay suudaan ayagoo sii dhex maraayay degaanka koonfurta ee nima nka aadmiga cunaa joogaan. waxa xaqiiqa in dadkaa badankooda la waayay bari horena lagu cashe eyay waana hubaal gabdho soomaaliyeed oo cas cas oo aad u qurux badan marka nimankaasi arka an inay aad ugu farxayaan inay cunaan.waxa xaqiiqa inay odhanayaan maanta neef DHAYLO AH ay aan cunay[ walciyaadu bilaah].

Dalka Yaman iyo dalka Liibiya waxa jooga ugu yaraan midkiiba 400 oo gabdhood oo soomaaliya oo guryaha lagu haysto loona isticmaalo waxa loo yaqaano [ in jidhkooda la kireeyo].Aduunkan ma jiro Muslim kuu naxaya ama kuu damqanaya waayo kuwan waxan samaynayaaba waa Muslim waxa ka loo intaa u dheer jidh dil iyo hanjabaad iyo bahdilaad lagu hayo.inta badan gabdhaha tahriibta gala waxay la kulmaan Kufsi kaga yimaada dadka ay sii dhex marayaan,waxay soo maraaan nolol aad u daran oo muistaqbalka ku keenta inay is dilaan .

Wadamada kale sida south africa waad ka warqabtaan in soomaalida sigaara loo ugaadhsado wiig kastana dad soomaaliya in lagu dilo. macno wayn samayn mayso hadaan caawa dhan halkan ku qo ra wadamada dadka tahriibaya ay soo maraan waayo kaliya waxaa kaaga filan dal ama laba dal dh ibka kaa soo gaadhay in aad wax ku qaadato.


Adoon meel kalaba gaadhin Kenya iyo Ethoobiya oo ah meelaha safarka laga bilaabo ayaa dad bada ni aanu kaba gudbin oo askarta wadamadaasi ay ku dilaan keen laaluush ama layskaba xidhaa asa goon danbi galin taasaaba runtii kuugu filan in safarka tahriibtu dhibaato leeyahay.

waxa fiican in dadka dalkii jooga loo sheego xaqiiqda jirta loona balbalaadhiyo xaaladaha ay la kulmi doonaan markay soo beegsadaan safarka tahriibta. waa kuwan dhawr masalo oo aad u baahantah ay inaad sii barato ama sii tijaabiso intaanad soo raacin doonida dadku markay doonida soo raacaya an waxa lagu yidhaa oo lacagta lagaga qaadaa waa meel dhaw wax dheer ma jirto laakiin ma oga in maalmo badan badwaynta lasii mushaaxayo.

1. inaad 2 maalmood ama sadex maalmood is tijaabiso cunto la,aan waa ta koowaad hal maalin ayay ramadaanta soonku inagu adkayd laakiin tani waa ka badan tahay afar casho iyo lix cashaba waa la qadayaainta aab badwaynta ku dhex jirto qaarkoodana waabay ku nafwaayaan oo gaajo ayay u dhintaan.


2. waxa imanasa in doonta oo badwaynta maraysa ay qarqoonto ama cilad kale dhacdo ayadana w aa in aad ka sii tabaabushaysataa inaad dabaasha barato oo hadii ilaahay nolol danbe kula damcay
waxa laga yaabaa inay ku helaan maraakiibta waawayn ee bada maraysa waa hadiiba aan libaax b adeedku ku cunin.

inta badan dadka inta yar ee soo badbaadaa marka ay yimaadaan yurub ayay xaqiiqda ogaadaan
waxa jira rag iyo gabdho badan oo soo gala dalka giriiga , turkiga , biljamka, iyo wadamada bariga yurubhalkaa waxay ku sugnaadaan mudo aad u badan waxay la kulmo darxumo macaluul iyo gaajo.
wadamadan aan kor ku xusay ayaa ka duwan kuwa ingriiska, norwey ,sweden denmark iwm ee dad ka la siiyo nolo wacan.
Safarkan tahriibta wuxuu ku qaataa mudooyin sanado ah ayagoon wali gaadhin hadafkoodii iyo halkay doonayeenma jiro qof maanta dalkii jooga oo og in safarkani mudooyin sanado ah qaado iyo rafaad badan.dadka badankiisu wuxuu u haystaa in safarka tahriibtu yahay mid aan dhib wayn lahayn.

Gabagabdii:

Nolosha Yurub taala waa mid intay doonto ka adag nolosha taala dalkii hooyo dadku way kalahaan maalin kasta waxaanay tagaan shaqooyin iyo xoogsi ma jiro qof iska fadhiya oo cab oo cun ku jira[ dabcan way jiraan dad badan oo caba oo cuna laakiin dadkaasi waa kuwa nolosha ka dhacay ee ba lwada QAADKA , KHAMRIGA ,DAROOGADA  waxaasi ay nolosha ka rideen] kuwaa ayaga ka hadli ma yno .


Qofkasta oo dalalka yurubta galbeed joogaa wuxuu shaqeeyaa maalintii ama habeenkii 8 saacadood
ilaa 12 saacadood. Dalkeenii ma jiro qof shaqeeya xataa 7 saacadood sidaan ku ogaa waxa ugu sha qo badnaa shaqaalaha hoose ee dawlada waxaanay shaqada bilaabi jiree 8 subaxnimo ilaa kowda a ma labada. saacadahooduna kama badnayn lix kaliya halka macalimiintu ay shaqayn jireen 4 saaca dood ama shan saacadood wasiirada iyo agaasimayaasha dawladuna 10 subaxnimo ilaa 12 ayay sha qeeyaanba waana kaliya 2 ilaa 3 saacadood.


Isku soo wada duub waxaan ku odhan lahaa ninka safarkiisa ku guulaystoow waxaan talo kugu siina yaa in aad ogaato Yurubta Galbeeed nimaan lahayn KARTI shilin kama qaado.



WABILAAHI TAWFIIQ

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London