Safarkii Siilaanyo ee Gobollada Barri wuxuu aamusiiyay Mucaaridkii, waxaanu sida Fiinta uga qaylisiiyay cadawga Somaliland
 


Madaxwaynaha
Maamul Goboleedka Majeerteeniya ayaa sida Fiinta uga qaylyay waftiga Ma daxwaynaha
 


Safarkii dhawaan Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku tagay Gobolla da Bariga Somaliland ayaa ahaa mid faa,iido badan ulahaa Siyaasad Xukuumada uu Madaxw aynaha ka yahay Axmed Siilaanyo.



Safarkaasi ayaa Aaamusiiyay siyaasiyiin badan oo ka mid ahaa Xisbiyada Mucaaridka somali land kuwaasi oo sheegi jiray in Madaxwaynahu Xanuunsanayo oo aanu gaadhi karin meel fo gfog, taasi oo uu daaha rogay ka dib markii uu noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Gaa dha jiida hore ee ay fadhiyaan Ciidamada Qaranka somaliland ee Gambadha.



sidoo kale Safarkaasi waxa uu Luqmatu xajar ku noqday Cadaw badan oo ay somaliland lah ayd kuwaasi oo sheegta dhulka somaliland in ay iyagu leeyihiin, Madaxwaynaha Maamul Go boleedka Majeerteeniya ayaa sida Fiinta uga qaylyay waftiga Madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland Hogaaminayo oo soo gaadhay halka ugu danbaysa ee Ciidanka qaranku fadhiyo, halkaasi oo waxyar u jirta Magaalada Garoowe oo uu Deganyahay Maamulka Majeerteeniya
 


Safarada noocan ah ayaa sharaf wayn usoo jiidi kara Madaxwayne Siilaanyo haddii uu dib u gu laabto Goobo badan oo ay ugu danbaysay wakhtigii uu Codadka ka doonayay, taasi oo Taariikhda u gali doonto inta uu ku fadhiyo kursiga ugu sareeya ee looga Taliyo Dalka somali land.


Dhaleecaynta mucaaridku badanaa waxa ay talo iyo tusaale u tahay waxqabadka Xukuum ada sidaa awgeed haddii ay Xukuumadu fuliso waxyaabo mucaaridku ku dhaliili jireen qaba shadiisa waxa ay meesha ka saari doontaa Caqabad kasta oo mucaaridku kala dhex dhigo Xukuumada iyo shacbiga.



somaliland Guul iyo Gobonimo illaahay ha Gaadhsiiyo.

 


wa bilaahi Tawfiiq
 

 

 

 

 

Shacni M. Ibrahim
shacni2002@hotmail.com
Hargeisa Somaliland