Safarkii ugu horeeyey ee madaxweynaha Somaliland ku tegay Jabuuti (03 Nov ilaa 06 Nov 2010)
 


Waxaa xuus mudan erayadii uu yidhi Madaxweynihiii hore ee Somaliland Md.Dahir Riyaale  Kaahi n,safarkii ugu horeeyey ee uu Jubuuti ku tegay 2003 markii la doortay,waxaa erayadaa ka mid ahaa, “Ma jirto cid iyadu dooran karta cida ay la DERIS noqonayso, “deriskuna xaq weyn ayuu isku leeyahay”,Somaliland iyo Jabuutina,ILLAHAY ayaa inagu wada abuuray Geeska Afrika”,iyagu imana rabaan ,laakiin markasta waa in aynu inagu wanaag ka raadinaa,gacantana u dhiibnaa,haddii ay doonayaan ha diideene”

Dowlada yar ee Jabuuti,ma aqoon sana jiritaanka Somaliland,mana aqoonsan doonto Somaliland weligeed,sababtoo ah ma jirto wax dan ah oo ugu jirta aqoonsiga Somaliland,wixii aan dani kuugu jirin-na ma fiicna in aad yeesho.Guud ahaan iyo mabda ahaanba Dowlada Jabuuti waxay  aamins an tahay,ku dhaqmaysaa,kuna dhaqmi doontaa mustaqbalka dhow iyo kan fogba dhowr arimood oo ah:-

Raadinta Somaliweyntii ay iyagu hore u diideen.

In aan la aqoonsan Somaliland.

In ay bal isku daydo isku soo celinta Soomaaliya iyo Somaliland.



Muuqaalkii soo dhoweyntii:-

Dad badani waxay rumaysan yihiin in si fiican loo soo dhoweeyey Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisa,waa laga yaabaa oo Madaxweynihii Jabuuti ayaa airport-ka taagnaa oo sugayey  waft iga,laakiin waxaa meesha ka maqnaa gebi ahaanba ,oo runtii laga ilaaliyey dhamaan ASTAAMIHII ay lahayd Qarimada Somaliland,sida CALANKII SOMALILAND---HEESTII QARANKA SOMALILAND IYO SALAANTII SHARAFTII QARANKA,arimahaas oo loo qaadan karo qowda maqashii --- waxna how qaban.



Danaha Jabuuti leedahay:--


n Xadhkaha telefoonka ee badda “Cable-ka” oo xaruntiisu noqoto magaalada Jabuuti.

n Somaliweyn ,isu soo dhoweynta Somaliland iyo Soomaaliya,gaar ahaan shir la doonayo in Hargeysa ama Jabuuti mid uun lagu qabto.

n Waxa laga yeelayo ganacsiga “INA-BOORE” ee ka socda Somaliland ,maadaama uu noqday nin mucaarid ku ah Madaxweynaha Jabuuti

n Waxaa laga yeelayo degaanada CIISAHA ee dhinaca Somaliland.



Dahana Somaliland leedahay:-


n Danaha Somaliland leedahay waxaa ugu weyn AQOONSI, mana filayo in aqoonsi Somaliland doonayso laga soo helayo Jabuuti.

n Jabuuti waxaa jooga qaraabo badan,in la soo salamaana waa waajib.



Hadal iyo dhamaan Madaxweynayaashii Somaliland hore u soo marayba waa booqan jireen Dowlada yar ee aynu deriska nahay,Madaxweyne kasta oo cusubna wuu booqan doonaa,laakiin suaashu waxay tahay ma laga soo helayaa Jabuuti waxa Somaliland doonayso,jawaabtu waa MAYA !! Haddii aad ku faraxsan tahay sidii loo soo dhoweeyey Madaxweynaha Somaliland,waxaan filayaa in aadan fahansanayn waxa loo yaqaan ASTAANTA QARANKA.



......................la soco qoraaladii Beenay waa run q3aad.......



Mahadsanid

 

 

 

Abdi M. Saleiman (Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com