"Way mahadsan tahay Dawladda Imaaraadka Carabtu," Safiir Baashe Cawil Cumar  



 
Hargaysa (TNN) :-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Isu-Imaaraadka Carabta ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ee ku midoobay Imaaraat Al-Khayr, uga mahad na qay deeqaha gargaarka ah ee ay marwalba la barbartaahan yihiin shacbiga Somaliland ee xaalada abaartu saamaysay, haday noqoto abaartii galbeedka iyo ta bariga ee wakh tigan taagan.

Iyadoo Imaaraadku ay mar walba ka war hayaan codsiyada iyo baahiyaha Somaliland u ga yimaada, kagana jawaaba gurmad iyo xaqiiqo raadis degdeg ah, waxaana xusid mud an in ay khamiista dalka u soo dirayaan kooxo gurmadka degdega ah ee xaalada caafim aadka la xidhiidha si ay uga qayb noqdaan xanuunada ka dilaacay abaarta.



 
Safiir Baashe Cawil Cumar oo isagu warqad mahadnaq ah u diray Imaaraadka carabta a yaa yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland shacab iyo xukuumadba waxay u mahad naqayaan iyaga oo u haya abaal iyo qadarinba dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeedaba mucaawinada ay caawiyeen shacabka Somaliland xili ay aad ugu baahnaayeen, waxay k u reebtay saamayn. Ilaahay casa-wajalle uu u barakeeyey kaalmada iyo taageerada ay u gaysteen walaalahood, wakhti aad u adag oo ay haleeshay masiibo dabeeci ah. Aad ayaad mahadsan-tihiin ilmo Al Zeyd. Waxa aad cadayseen in aad taageero fiican u tihiin muslimiinta, nimcadiina iyo fadligiinana ay farxad geliso quluubta Muslim walba”.