Safiir
Ku-xigeenka Ingriiska ee Itoobiya oo ka hadlay kulan uu la yeeshay
Madaxweyne Siilaanyo
Safiirka oo faah faahin ka bixiyay shir Ingiriisku ku qabanayo
London oo fursad weyni ugu jir to Somaliland ......
Hargeysa (TNN)- Ku xigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka
Itoobiya Mr. Chris Allan, ayaa ka war bixiyay tafaasiisha
shir caalamiya oo lagaga hadlayo
arrimaha Soomaaliya oo dhaw aan lagu qabanayo magaalada
London ee dalka Ingiriiska.
Safiir ku xigeenka Ingiriiska oo socdaal maalin qaatay ku yimid
Somaliland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka Maansoor ee
magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay kulan uu la yeeshay
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay socdaalkaygan Somaliland,
waxaan maanta kulamo la yees hay madax badan oo Somaliland ah oo aan
kala hadlay arrimaha shir London lagu qabanayo oo ku saabsan
dhibaatada Soomaaliya, waxaanan faahfaahin ka siiyay ajandaha
shirkaasi. Waxa lagaga hadlayaa shirkanShirkan arrimaha saamaynta ku
leh gobolka oo dhan ee ay ka mid yihiin Budhcad badeeda iyo
argagixisadda.”
“Waxa kale oo lagaga hadlayaa horumarinta, mashaariicda samofalka ee
Ingiriisku siiyo Som aliland/Somalia-ba. Waxa kale oo lagaga
hadlayaa mawduucyo kale oo la xidhiidha dhaqaala ha. Shirkan waxa
sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliy
a,”ay uu yidhi Safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa.
Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in Bortooyada Ingiriisku ay tahay
ta ugu badan ee taage erta Somaliland, waxaanu intaasi ku daray in
dalalka Britain iyo Somaliland uu ka dhaxeeyo xidhiidh saaxiibtinimo
iyo mid taariikheedba.
Safiirku wuxuu sheegay inuu u arko inay Somaliland ka qeyb gasho
shirkan isla markaana ka jeediso aragtideeda iyo wixii u qabsoomay.
“Raysal wasaarahayaga iyo Xoghayaga arrimaha dibadduba inaan
arrimaha shirkan maanta u sharaxno Madaxweyne Siilaanyo iyo bulshada
Somaliland-ba. Waxaanan si shakhsi ah u da naynaynaa in Madaxweynaha
Somaliland uu Hoggaamiyo ergada Somaliland ee ka qeyb gala ysa
shirkan.Raysal wasaarahayaga ayaa si toos ah ugu marti qaadi doona
shirkan Madaxwe yne Siilaanyo oo dhawaan qoraal u soo qori doona.”
“Xoghayahaga Arrimaha dibaduna waxa laga yaabaa inuu Telefoon u soo
diro si uu tafaasiil uga siiyo waxaanu ka rajaynayno inay shirka
London ka soo baxaan,”ayuu yidhi Chris Allan, waxaanu intaasi ku
daray “Dariiqada ugu wanaagsan ee ay Somaliland ku gaadhi karto
himila deeda waxay tahay inay la kulanto beesha caalamka waxay noqon
lahayd Madaxweyne Siila anyo inuu gudbiyo qadiyadiisa shirkan oo ah
mid aad iyo aad u sareeya.
“Waxaanu aaminsan nahay in sida ugu wanaagsan ee Somaliland ku
gudbin karto qadiyadee da ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo ka
jeediyo shirkaasi arrintaasi,”ayuu yidhi Chris Allan.
Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in shirkan ay goob joog ka ahaan
doonaan ilaa afartan H oggaamiye kuwaasi oo ay ka mid yihiin
Madaxweynaha Faransiiska, Raysal wasaaraha Itoob iya, Xoghaya Guud
ee Qarrammadda Midoobay iyo dalalka qaadhaan bixiyeyaasha, Wasiiro
arrimo dibadeedyo iyo masuuliyiin kale.
Source: Somaliland.Org
|