Safiirka Cusub ee Britain ee Somaliya oo ka jawaabay Dhawa aqa Wiil Ingiriis ah oo wArgeyska Dartmouth wax ka Qoray Dhawaan

 



Wargays todobaadle ah oo ka soo baxa magaalada Dartmouth ee dalka Ingiriiska ayaa jimcihii hore boggiisa hore iyo bartiisa internet-kaba ku soo qoray maqaal uu kaga hadlay Nimcaan Brian Bowden oo ah wiil ay iska dhaleen aabbe Ingiriis ah iyo hooyo Somaliland ka soo jeedaa oo ku no ol Hargeysa.

Wiilkan oo sida Wargayskaas iyo saxaafadda kale ee Somalilandba waxka qoreen ayuu aabbihii Brian Bowden yimi Somaliland 1958, kana soo shaqeeyay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana ugu dambayntii lagu dilay Muqdisho 1991-kii isagoo markaas ka shaqaynayay Safaaraddii Ingiri iska ee Muqdisho kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa qofki kali ahaa ee Ingiriiska kaga hadhsanaa Somaliya markii uu dagaalku ka qarxay Muqdisho iyo Dawladdi Siyaad Barre-na dhacday.

Hadaba Nimcaan Brian Bowden oo sidoo kale hooyadii geeriyootay isagoo yar 1994-kii, kuna soo koray nolol qallafsan oo dayac iyo darxumo badan ayaa illaa horraantii sannadka 2013 ay si mut adawacnimo ah uga shaqaynayeen xubno ka tirsan Qurbajoogga Somaliland, shakhsiyaad ay aa bbihii saaxiibbo ahaayeen iyo mutadawaciin kale oo dalka jooga iyagoo gaar ahaan ku dadaalay inay codkiisa la maqlo, lana xidhiidhay hay’ado badan oo ka tirsan dawladda Britain.

Inkasta oo saxaafadda Somaliland ee madaxa bannaan sida Somalilandpress, Horn Cable TV, Bul axaarnews iyo laamo kale ay runtii aad uga qayb qaateen in qadiyaddiisa la oggolaado, waxana hadana markii u horraysay meelo badan oo dalka Ingiriiska ah laga ogaaday qadiyadda Nimcaan markii uu Wargayska Dartmouth Chronicle uu maqaal dheer oo xaqiiqooyin iyo xiqashooyin badan oo taariikhdii Brian Bowden iyo xaaladda nolosha Brian Bowden ka qoray jimcihii hore.

Tifaftire ku xigeenka Wargayska Dartmouth Stuart Nutell oo runtii isku hawlay inuu dhinacyo bad an oo kala duwan kala xidhiidho arrinta wiilkan British-Somalilander-ka ah ayaa markale Jimcaha maanta maqaal kale ka qoray arrinta Nimcaan Brian Bowden.

Wargayska ayaa sheegay in Safiirka dhawaan loo soo magacaabay Somaliya ee dawladda Britain uu sheegay inuu u kuur galayo arrinta ku saabsan wiilka uu dhalay nin ka soo jeedaa magaaladaas Dartmouth oo Hargeysa ku nool

Nigen Wigan oo bilawgii todobaadkan uun shaqada danjirenimo bilaabay ayaa isagoo ka jawaaba ya Email uu Wargayska Dartmouth u qoray sheegay in arrant wiilkan lagu wargeliyay isagoo aan shaqadaba bilaabin markii ay sheekadani ku soo baxday Wargayska Dartmouth todobaadkii hore.

Safiirka Britain ee Somaliya Nigen Wigan ayaa sheegay inuu kala tashanayo shaqaalaha gudaha ee safaaradda si uu wararkan ugu dambeeyay ee Nimcaan Brian Bowden wax uga ogaado.

Dhinaca kale, Wariyaha maqaalkan maanta qoray ee Wargayska Dartmouth oo magaciisa la yidh aaho Stuart Nutall wuxu ka codsaday cidkasta oo waxka og ama ka ogayd Brian Bowden inay ka la soo xidhiidhaan Wariyaha oo cinwaannadan leh If you knew Brian Bowden, please email stuart.nuttall@ tindlenews.co.uk or telephone 01548 856353.

Maqaalka dambe ee Wariye Stuart Nutell ee Wargayska Dartmouth maanta ka qoray Nimcaan Brian Bowden oo dheeraa, dhinacyo kala duwan oo muhiim ahna uu wariyuhu la xidhiidhiyay maq aalkan, waxa hadana xusid mudan in dhawaaqa ka soo baxay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya u jawaab u noqon karo codsiga Nimcaan Brian Bowden uu kaga dalbanayo Dawladda Ingiriiska in la siiyo sharciga dhalashada Britain isaga iyo xaaskiisa taasoo uu xaq u leeyahay.



Xasan Afgaab