Safiirka Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Safiirka Xafiis ka London Md. Daahir Dukaale oo iska fogeeyey eeda qa ban qabadii Kulankii Fashilka ahaa ee Madaxweynaha lala qaatay


 


Sida aad la socoteen Waxaa maalintii Salaasada ee 12/2/2013 ka dhacay Kulan uu Madaxweyne Ax med Maxamed Maxamud ( Siilaanyo ) la yeeshay koox yar oo reer Somaliland ah oo lagu qabtay Galbe edka Magaalada London, kulankan oo ahaa mid afduub ah lana qarinayey ayaa wuxuu Madaxweynu hu kala kulmay Weji gabax aanu jeclaysan ka dib markii qol yar loogu keenay dad aan ka badnayn 50 qof iyadoo madaxweynuhu filayey inuu la kulmayo Jaaliyada reer Somaliland ee degan UK oo ah tan ugu balaadhan qurbajooga.

Kulanka Madaxweynaha iyo dadkaas kooban waxaa ka muuqday isku dhex daadsanaan iyo nidaam da ro oo aan hab maamuus leh madaxweynaha iyo weftigiisa lagu qaabilin, waxa goobta soo camiray dad aan badankooda la garanayn iyo inta badan oo ahayd masuuliyiin dawladeed iyo xildhibano.

Waxa goobta ka maqnaa Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye iyo Gudigii Fulinta ee UK oo aan kulankan ka ba war qabin marka laga reebo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ahna ku simaha gudomiyaha Mr. Xar iir oo xili danbe loo yeedhay,, waxa goobta ka maqnaa Gudoomiyihii Qurbajooga oo ahaa udub dhexa adkii isku xidhi lahaa jaaliyada iyo Xukuumada oo isu casilay sababo nidaam daro darteed, waxaan goobta ka soo xaadirin Haween weynaha Somaliland oo jecel Madaxweynahooda weligoodna aan ka maqnaan goobta lagu soo dhoweynayo madaxweynaha.

Hadaba kulankan oo ahaa mid aad moodo in Madaxweynaha loogu talo galay in cidla la taago oo lagu fa deexadeeyo si loo yidhaahdo dadkii wuu ku nacay ayaan isku deyey inaan ogaado halka sartu ka qudh untay iyo cadowga ka danbeeyey sidan foosha xun ee wax u dheceen ee weliba inta la soo kaxaystay Nin Camara man ah la yidhi waxaad duubtaa madaxweynaha oo xanaaqsan su'aalo adagna la weydiinayo ka dibna websityada ku faafi.

Waxaa ragii loo filayey inay fadeexadan ka danbeeyeen iyagoo lacag ku lunsanaya oo uu ka mid yah ay Khadar Cali Gaas & Baashe ( inanka Madaxweynuhu Sodoga u yahay ) ay eedii u xambaariyeen Ku simah a Safiirka Daahir Tukaale & Kaysar Abdilahi oo Safiirka weyn lagu magcaabo, waxayna yidhaa hdeen Nimankaas safaarada looga tegey ayaa sidaas wax u maamulay oo eeda leh, balse Ku simaha Safiirka Md. Daahir Tukaale ayaa si cad ugu beeniyey arinkaas golaha Kulmiye Emailgroupka isagoo laftiisu ka cawday in shantii galabnimo ee Salaasada oo laba saacadood ka dib shirku dhacayo loo soo diray Tax Masage loogu soo qoray adreska hotelka kulanku ka dhacayey taasina ay ka yaabisay oo uu qaadan waayey balse uu cago jiid ku yimi meesha.

Hadaba waxaa la gudboon in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo si cad u baadho ujeedada laga lahaa kulankan fashilka ah ee loo maleegay Madaxweynaha iyadoo aynu ku jirno xili xaasaasi ah oo cadaw badani inagu xeeran yahay iyadoo aad moodo in cadowga loo tusayey in Madaxweynaha Shacabkiisu neceen oo uu cidla taagantahay, waxaan anigu ka war qabay iyadoo Jaaliyada Somaliland ee London inteeda badan i ay kulan deg dega isugu yimaadeen maalintii Axadii ee 10/2/2013 iyagoo ka arinsa day sidii ay Hotel we yn ugu soo kirayn lahaayeen Madaxweynaha oo si weyn oo qurux badan loola kulmo loona soo dhowee yo, balse waxaa isku fuuqsaday markii arinta ay afduubeen koox dhaqaale doona oo uu hogaminayo Khadar Cali Gaas kuna xidhan Maxamed C/laahi oo intay gurigiisa isla Axada as ugu tageen kula heshiiyey inuu lacag u dhiibo oo ay Hotel soo kireeyaan halka Jaaliyadu iyagu isa saareen lacagtii Hotelka lagu soo kirayn lahaa halkaana uu ku burburay kulan weynihii Jaaliyada iyo Madaxweynuhu ee ay Jaaliyaduhu qorshaynayeen.
 

 

 

 


Eng. Xusen Ali Jibril

London Uk