Salaadiinta Sacad Muuse iyo Gudida dhex dhexaadinta oo dib u dhigay
shirkii Beesha
Sidoo kale waxa ay go’aamiyeen gudida qaban qaabada in ay
salaadiintu soo xuli doonto, tiradooduna noqon doonto 39 xubnood,
...... Daawo Sawirrada
Hargeysa (TNN):- kulankii u danbeeyay ee lagu soo af jarayay shirka
sacad muuse oo ay goob joog ka ahaayeen salaadiinta beesha Sacad
Muuse iyo gudidii dhex dhexaadinta ayaa soo saaray in shirkii Sacad
Muuse laqabandoono 17-ka bisha 8-aad ee 2013-ka.
Sidoo kale waxa ay go’aamiyeen gudida qaban qaabada in ay
salaadiintu soo xuli doonto, tiradooduna noqon doonto 39 xubnood,
iyadoo shirka laga fogeeyay arrimaha siyaasadda oo uu noqon doono
mid dhaqan oo ay madax dhaqameedku hogaamiyaan.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudida dhex
dhexaadinta Beesha yidhi Muxumed Aw-Axmed waxaana hadalkiisa ka mid
ahaa “Halkan waxaa fadhiya madax dhaqameedkii iyo Salaadiintii
Beesha sacad muuse iyo Gudi khilaafaad yar oo jiray si ay u xaliso u
soo dhexgalay oo Gudiga khilaafsaarka la yidhaa runtii arinku wuxuu
u dhacay si aad u qiimo badan khilaafkiina wuu naga baxay si
wanaagsan oo aan turxaan lahayn ayaa loo heshiiyey waxaana lagu
heshiiyey in shirkii la qabto oo uu socdo ayaa lagu heshiiyey oo
shirqudha ahi uu qabsoomo markii hore khilaafaad baa jiray, hada
meesh wuu ka baxay oo shir qudha ayaa lagu heshiiyey iyo gudi qudha
oo qaban qaabo iyo madax dhaqameedka oo wada”. Ayuu yidhi Muxumed
Aw-Axmed
Dhanka waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud ee Beeshaasi
waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaanu shacabka yaga u sheegaynaa
inuu shirkii najaxay oo uu noqonayo shir wanaagsan oo qiimo badan,
waxaa kale oo aanu u sheegaynaa dhan walba markaanu ka eegnay
waxaanu ka fikirnay maadaama oo bilo cibaado la galayo in aanu
shirkii dibu dhigno oo hore ugu mudaysnaa 24-ka June oo aanu ka
dhignay 17-ka bisha august hadii alle idmo, waxaanu leeyahay
shacabka guud ahaan gudo iyo dibad reer ka labeentisii wataa fadhida
ee ay Guurtidiisii, madaxa dhaqameed kii sii, iyo salaadiintiisii
halkaa wada fadhiyaan”.
Suldaanku isaga oo Hadalkiisa sii wata waxa uu beeleha kale ee Reer
Somaliland u soo jeediyey inuu shirkan noqondoono mid walaaleeya
waxaanu yidhi “waxaanu beelaha kale ee shacbiga reer Somaliland-na u
sheegaynaa shirkaasi inuu noqondoono shir aanu kaga shaqayno
walaalaynta, oo aanu beelaha dariska-na kula noolaano walaaltinimo
kuna dhisno Qaranka oo danta Guud ee Qaranka ee Caamka ahna
waafaqasan”. Ayuu yidhi Suldaan ku.
Salaadiinta iyo gudida xalinta arrimaha shirku waxa ay meesha ka
saareen guddiyadii hore ee kala taageersanaa garabyada siyaasada
isku hayey ee khilaafku hadheeyay, waxaana guddida cusub ee ay
salaadiintu soo xulaysaa noqon doonaan kuwo tusmo kaga yimaada
jilibyada beeshu ka kooban tahay.
Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|