Salaadiinta Subeer Awal Oo Cambaareeyay Falkii Lagula Kacay
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa
Hargeysa (TNN)-Salaadiinta Beelaha Subeer Awal ayaa bayaan ay soo
saareen waxay si adag u ca mbaareeyeen falkii Isniintii la soo
dhaafay lagu dhaawacay Gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Har geysa
Cabdirashdii Maxamed Duraan, waxaanay ku baaqeen in sharciga la
horkeeno dadkii falkaasi foosha xun geystay,sidaasna waxa lagu sheegay bayaan ay soo saareen sagaal Suldaaniinta
Beel aha Subeer Awal , kaas oo u dhignaa sidan:-
“Haddaannu nahay Sallaadiinta Beesha Subeer Awal oo uu hoggaaminayo
Suldaanka Guud ee Bees hu Suldaan Xasan Suldaan Suldaan Cabdillaahi
Suldaan Cabdiraxmaan.Sidaannu hore u sheegnay w axaannu mar labaad
cambaaraynaynaa dhacdadii foosha xumayd ee lagu dhaawacay
Guddoomiya ha Maxamadda Gobolka Hargeysay.
Mara xigta waxaannu aad iyo aad uga xunnahay waxa ayaamahan
warbaahinta u soo noq noqona yay hadallo xambaarsan fidmo-abuur iyo
xaalado hor leh oo khatar gelin kara nabadgelyada iyo amniga.
Haddallaad oo ka soo fulayay xubno ka mid ah sallaadiinta iyo
xildhibaannada ka soo jeeda Beesha Habaryoonis.
Kuwaasoo farta ku fiiqayay in xildhibaanno, sallaadiin iyo culimmo
ka tirsan Beesha Subeer Awal ay ka danbeeyeen falkii foosha xumaa ee
dhacay, iyadoo dawladda iyo hay’adihii shaqada ku lahaa w eli faraha
ku hayaan baadhista kiiskaas, madaxda reerka ka tirsanina aanay
marnaba u aanoobin falkaas.
Waxaannu aad iyo aad uga xunnahay maadaama ay Beelaha Habar-Awal iyo
Habar-yoonis ay yihii n beelo wada dhashay oo ay ka dhaxayso
xididnimmo, xigaal, dhaqan iyo deegaanba wanaag iyo s harafina dhex
taalo in hadallada noocaas ah ee diifta lihi ka soo baxaan xubno
sita magaca sallaa diinta iyo Xildhibaannada Habaryoonis.
Anagoo aaminsan inaanay xubnahaasi ka turjumayn Beelweynta
Habaryoonis oo aan la qabin eed aha noocaas ah waxaannu ogsoonahay
inay ay siyaasadaysantahay oo cid gaari dano ka leedah ay.
Waxa kale oo xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa kuna adkaynaa
inaanay halaynin raadka baadhiseed, gacan bir ahna ku soo qabato
ciddii falkaas foosha xun geysatay abaalkeedana geys atay,
abaalkeedana mariso oo cadaaladda la horgeeyo.
Salaadiinta iyo Xildhibaannada hadalladaa si ka soo yeedheen waxaannu
kula talinaynaa inay ilaaliyaan nabada iyo wada-noolaanshaha
shac abka, kana dhawrsadaan abuuritaanka fidmo ka dhex dhalata
shacabka walaalaha ah ee nabad gel yada u wada nool.
1. Suldaan Xasan Suldaan
2. Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh
3. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Baxar)
4. Suldaan Shariif Batuun
5. Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele
6. Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
7. Suldaan Ibraahin Suldaan Sulub Nuur
8. Suldaan Maxamed Daahir Cilmi
9. Suldaan Mawliid Cali Sabbeeye.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|