Dadkan Maamulka inoo haya afkooda iyo oorkoodu war isuma hayaan


Salaan Sharaf Huwan Shacabka Somaliland Iga Gudooma. Dadkan Maamu lka inoo haya afkooda iyo oorkoodu war isuma hayaan, Waxaad ogayde en in Madaxwayne ku xigeenku inta uu hadlay yidhi Somaliya kala go'im ayso Dowlada Shariifna Waanu la Jaanqaadaynaa, Hadana intuu Hadlay ayuu yidhi been ayaan sheegayey markii hore'e imika ayaan run  sheeg ayaa. Wasiirka Beeraha intuu hadlay ayuu yidhi sida Gafanaha ayaanu u dheregnay, Hadana intuu shir kale oo jaraa'id Qabtay ayuu yidhi been ayaan sheegayee Markii hore'e imika ayaan run sheegayaa,Xoghaya Guud ee UDUB inta uu hadlay ayuu yidhi Dagaaladii Sokeeye Ina Cigaal ayaa ka Danbeeyey Hadana inta uu hadlay ayuu yidhi Beentay ayay ahayde Sidaa Maan odhan, Cabdifataaxna isna wuxuu yidhi sidii kuwii hore sidaa maan odhan,

Hadaba shacabka Somaliland ilaa goorma ayaynu dhegaysan doonaa been been ku beeni?

Kooxdan dalka haysta ka ugu sareeya ilaa ka ugu hooseeya waa ummad aad moodo inay dal kale ka soo shaqo tageen oo ay somaliland shaqaale ka yihiin laakiin aanay ahayn dad muwaadiniin ah , Run ahaantiina waa dad aqoonta siyasaadeed iyo kartida wax qabadba ka aradan oo aad moodo in ay siyaasada DAAQAD kasoo galleen, Madaxwaynaha ilaa iyo xoghayeyaasha ama maayirada tuulooyinka jooga mid waliba waxa keliya ee uu xilka u hayaa waa in uu naftiisa u shaqeeyo wixii uu arkona cuno hadhowna yidhaaho beentay ayay ahayd.
 


Dhibta Timi Jamuuriyadan
Oo Tahan La boobaayo
Iskaa Wax U Tabco Iyo
Khaayinimo Laysku
Taageer


Qawaaniin U Taaliyo
Nidaan Taxan Mayeelan
Sida Reer Tafare amar
Ma jiro Laysku Taaboco.
Warqad Jananku Teeb
Kuugu Qoray Kamil
Kugu Tuur


Waashman Kolay tahay
Ninkii Taabay Meel
Dhereg


Taash madaxa Awr
Loo Geshaa Waa Tusmo
Abuur.


Tuugdaaliyo Caasibaad
Tamar U Yeesheen
Tooray Af badan Bow Xidheen
Taari Xoogsadey.


Kaba Tole Maxkamad
Loo Tirshay oo Tolan
Madow Jeexday
Hadduu Buuga
Teel Teel u Dhigo Tasi Yaab Maleh.....


Alle Ha u Naxariisto Xaaji Adaan Afqalooc


 


Cali Kayse Kabadhe
Netherlands
Calikayse@live.com