SALDHIGA BERBERA MAYA

 


Waxaan rabaa inaan wax ka idhaahdo arrinta ku saabsan saldhiga la leeyahay waxa laga bi xinayaa Berbera oo waxa la siinayaa dawladda imaaraatka. Shakhsiyan in kastoo aan siyaas adaha dusha kala socdo haddana maan ahayn nin ka hadla ama wax ka qorqora laakiin maan ta wax igu kalifay baa jira oo ah saldhigaa la leeyahay waa la bixinayaa. Shakhsiyan waxaan bogaadinayaa dhamaan dadkii ka hadlay saldhigaas ee muujiyay inuu dhib inoo leeyahay. Waxaan kaloo bogaadinayaa xisbiga mucaaradka ah ee waddani oo runtii marar badan ka h adlay saldhigan ifiyayna inuu khatar inagu keeni karo, waxaana aan ugu baaqayaa inay sii la ban laabaan diidmadooda. Waxaan hadaba rabaa inaan si ka duwan uga hadlo sidii ay dad ba dani uga hadleen dadkana wax ka fahamsiiyo wax yaabaha aan ku diidanahay saldhigan waxana ka mida arrimahan:-

1-Siyaasada Imaaraatka carabta oo ku wajahan la dagaalanka ama ka hortaga inay wadaad adu ku guulaystaan doorashooyinka gaar ahaan wadamada lays doorto haday dhacdana wa xay diyaar u tahay inay hormood ka noqoto sidii loo fashilin lahaa waxayna caynkaas ku sam aysay Masar oo ay ka tuurtay madaxwaynihii la doortay iyadoo kaashanaysa Sacuudiga. Sababta ay sidaaa u sameeyeene waxay ahayd madaxweyne Mursi oo ahaa nin wadaad ah dembi kale oo uu ka galay ma jirin.

2-Imaaraatka oo wata Sacuudiga gaar ahaan boqorkii hore ee dhintay boqor cabdallah ayaa waxay dagaal ka bilaabeen Yemen, dagaalkaas oo looga gol lahaa in laga hortago xarakada la yidhaahdo Islaax, oo Ikhwaanka ka mid ah, inay doorashooyinka soo socda ku guulaysta an. Hadaba yaa is kaashaday si arrintaa loo fuliyo, waxa is kaashaday Imaaraatka, Sacuudig a, madaxweynihii hore ee Yemen cali cabdallah saalix iyo Xuutiyiinta oo urur shiico ah. Halkaa waxaad ka fahmaysaan cidda lala dagaalamayay inay ahayd urur SUNNI ah oo xukun ka looga baqayay inay ku guulaystaan waxana isu bahaystay SUNNI iyo SHIICO. Hadaba wa xa nasiib darro ah in wasiiradeenu yidhaahdaan waxaan ka qayb nahay dagaalka sunniga iyo shiicadu isku hayaan, cajiib.

Waxa hadaba meesha ka dhacay waxa weeye LABADII BAADIL KU HESHIISAA XAQAY KU CO LOOBAAN oo mardanbe ayaa Sacuudiga oo hadda uu xukumo boqor cusubi ku hanbabereen shiicadii oo taageero buuxda ka helaysa IRAN oo isku balaadhisay Yemen. Sidaas darteed sunni iyo shiico arrintu ma ahayn ee sunni xukun looga baqayay baa lala dagaalamayay.

3- Imaaraatku waxay faro gelin toosa ku hayeen Soomaaliya doorashooyinkii ka socday xat aa waxay isku dayeen inaan qof wadaad ahi soo gelin baarlamaanka cusub. Safiirka imaaraat ku intuu xamar ka tagey buu Nayroobi fadhiistay si uu halkaa faro gelinta uga wado waana la wada ogyahay.

4-Saldhigyada ciidamadu waxay caan ku yihiin inay fasaad soo kordhiyaan xataa dawladihii aan muslimka ahayn baa ka cabaaday.
Waxaan filayaa in afartaas arrimood tusaale iyo wax ku qaadasho inoogu filanyihiin. Hadaba inaga oo ah waddan yar oo aan la ictiraafsanayn ma ka soo kaban karaa faro gelin ay Imaa raatku inagu sameeyaan markay Berbera inoo soo fadhiistaan oo saldhig ciidan ka samaysta an jawaabtu waa MAYA sidan ku qanacsanahay. Hadaba waxaan rabaa inaan jawaab koob an siiyo wasiiradeena oo uga jawaabo laba arrimood midi waa tan ah saldhigani wuxuu muuj inayaa in caalamkii inoo soo jeestay, yaa salaam, oo hadii caalamkii inoo soo jeestay miyaan ay ahayn inaynu ka faaiidaysano oo wax weyn qabsano sida ICTIRAAF oo kale. Arrinta labaa dna waxa weeye waxaynu qayb ka nahay dagaalka soconaya ee SHIICO iyo SUNNI laysku ha yo, cajiib sida aynu sheegnay dagaalkan Yemen oo kale wuxuu ahaa mid siyaasad ku bilawd ay ta kale inagu miyaynu isku dhererin karaa wadamadan khaliijka ee lacagta haysta ee la ictiraaf sanyahay ee wadamada reer galbeedkuna dusha ka ilaalinayaan.

Hadaynu qayb hada ka noqono dagaalkan Yemen yaynu cadaw u noqonaynaa waxaynu u no qonaynaa Xuutiyiinta iyo taageerayaashooda. Yaa taageera xuutiyiinta waxa taageeraa IRAN hadaba Iran waa dawlad noocee ah waa dawlad shiico ah oo khariban laakiin dhaqaale leh wax badana samaysta sida hubka noocyadiisa kala duwan markaa iswaydiintu waxa wee ye dawladahan CARABTU maxay samaystaan waa waxba, Imaaraatka oo iyadii la ilaaliyaana ma inagay ina difaacaysaa sidii wasiiradeenu lahaayeen jawaabtaas akhristayaasha sharaf ta leh baan u daynayaa. Waxaan uga gol leeyahay hadii aynu dagaalkaa qayb ka noqono oo xuutiyiintu doonyaha dheereeya ee Iran samayso soo kaxaystaan oo labo gantaal ku dhufta an dekada ma ka soo kaban karaa waa maya, markaa yaynaan isku dhererin dawladahan di biro dhacsanaya ee haysta cid dusha ka ilaalisa Illaahay ka sokow. Dekada Berberena waad ogtihiin inay tahay halbawlaha dhaqaalaheena waayo wax kasta waynu soo dhoofsanaa aan ka ahayn xoolaha nool.

Waxaan kaloo xusuusinayaa akhristayaasha burburkii ku dhacay wadankan ka dib waatii 1991-kii lagu dhawaaqay Somaliland iminkana waxay jirtaa inka badan 25 sano, hadaba wax aynu uga baahnayn walaalaheena khaliijka ee Imaaraatku ka mid tahay in ay wax inala qab taan khasab ma ahayn inay ina ictiraafaan laakiin wax badan oo kale bay inala qaban kari la haayeen sida xaga caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka.

Laakiin maanta markay inaga dhex arkeen danahooda maaha inaynu wax walba si sahlan ug a aqbalo. Anigu shakhsiyan ma ihi dadka carabta ka soo hor jeeda ee iska maaga waxaan aa minsanahay oo ku qanacsanahay in odayaashii aynu ka soo tafiiranay ay carab ahaayeen la akiin waxaan ka soo hor jeedaa siyaasadaha dawladaha carabta ee fadhiidka ah.
Waxaan u soo qabanayaa dawladda Imaaraatka iyo wasiirada kulmiye ee arrintan fool erya ya maansadii abwaan Hadraawi ee INDHO BADAN uuna ku hogo tusaalaynayay gabadh mark ii ay yarayd ee baahnayd cidina dan ka geli jirin markii ayse waynaatay nin waliba soo eegay taa waxa ka dhigan maanta SOMALILAND. Waana tan maansadii:-

 

 


Ubaxeey ubaxeey
Indho yaab badanaa
Kugu eegma batee
Maxay soo uruyeen
May ayaamaha qaar
Kugu soo ururaan
Immisaa jiray waa

*****

Oontu kuu tirsanayd
Immisaa jiray waa
Arradkaagu sinnaa
Immisaa jiray waa
Noloshaadu adkayd
Immisaa jiraa waa
Abaalkaagu sugnaa

*****

Immisaa jiray waa
Ayaankaagu dednaa
Immisaa jiray waa
Adduunkaagu madhnaa
Immisaa jiray waa
Ishu kaa han-fogayd
Wax aqoolka haddeer

*****

Uskag baa ku jiree
May ayaamaha qaar
Korka kaa asturaan
May ayaamaha qaar
Wuxuun kuu illiyaan
Uurku wuu ku madhnaa
May waxuun ubaxeey

*****
Afka kuugu ridaan
Adoogaa dabadii
May agoonimadii
Aabe kaaga noqdaan
May Illaahay hortii
Irbad kuugu huraan
Alif waa derejee
Aqoon may ku geshaan
Erey may ku faraan
Loo adeegsado meel
Aayahaaga hor yiil
May ammaan ka dhigaan

*****

 

 


..................intaasaan ku gaabsanaynaa
Hadaba waxaan ugu baaqayaa waxgaradka Somaliland meel kastay joogaan inay fadhiga ka kacaan oo hadlaan oo qolyahan aad moodo inay isugu baxeen DILAALIIN waa weyn inaga qa btaan. Waad mahadsanthiin.

 

 

 

C/razaaq Xiis