Saldhigi-waaga Siyaasadda Somaliland Iyo Sawmal- Haadka Ummadda

 

Khilaafka siyaasadeed iyo muranka sharciyadda u dhigan dalka ayaa noqday mid aanay ka korin siyaasiyiinta ku hirdamaya masiirka umada ku dhaqan gayiga Somaliland, waxa ay arintani si wayn u saamaysay bulshada danyarta u badan ee dalkan ku nool.

Sida laga warqabo bulshada Somaliland, waxay ahayd dad aan ku xeeldheerayn siyaasadda oo aan ahmiyad siin jirin, waxa kaliya oo ay ku baraarugaan marka maamulka ay doorteen ka leexdo majaraha saxda ah ee ay taabato dhibta iyo waxyeelada maamulkasi.

Bulshada reer Somaliland waa dad neceb kali talisnimada iyo guumaystaha, tusaale ahaan waxay u tafaxayteen sidii ay u baabiin lahaayeen gumaystihii Ingiriiska, waxaanay gacanta ku dhigeen xoriyadii nasiibdaro may calfan reer Somaliland, waxayna gacanta u galiyeen gumaysi ka daran kii reer Yurub.

Waxa la yaab leh dadka reer Somaliland maaha kuwo ka niyad-jaba raadcaynta maamul wanaagsan, balse waxayna khibrad u lahayn xulashada hogaamiye aqoon iyo waayo aragnimo leh, bulshada caalamkuna waxay ku doorataa cida ay ku aaminayaan hogaaminta aayahooda astaamahan soo socda;

Siyaasi aqoon leh, korna u qaadi Kara dhaqalahooga. Siyaasi khibrad leh. Siyaasi aan kala qaybin bulshada.
Siyaasi difaaci Kara xuduudaha dalkiisa. Halka ay bulshadeenu ku doorato siyaasiga ay u dhiibayaan mustaqbalkooda.

1. qabyaalad
2. Danaysi shaqsi
3. Hunguri
4. iyo hugun raac

Waxayna hadhow ka shaleeyaan waxqabad la’aanta iyo tayo xumada cida ay sifahaas xun ku soo xusheen, taasina waxay dhaxalsiisay inay ka daalaan xaragada nolosha oo ay dulmi kasta u qaataan nabad jacayl iyo colaad ka carar, iyada oo ay sidaa tahay, hadana ka ma fursadaan colaado, waayo, waxay haleeyaan halka u saraysa ee laga xukumo noloshooda, waxaanay u dhiibaan cid aanay ka fiirsan oo aan tudhaale ugu jirin, balse u
dhex joogta wax yaabo ay ka mid yihiin danaysi iyo u jeedooyin kale si kasto ahaataba.

Xoriyadaas ay dadku lumiyeen, kadib halgan loo maray silic iyo saxariir, waxay bulshada reer Somaliland dib u hanteen gobanimadii ay haleeyeen 1960 kii,waxaanu ururkii SNM ee gundhiga u ahaa halgankii gobanimo doonku maamulkii dalka si sharafleh ugu wareejiyeen gacmaha shacabkii ay xornimadiisa mudda dheer u soo dagaalamayeen ee ay duurka ugu jireen.

Ururkaas SNM oo ay mujaahdiin badani isaga kala dambeeyey hogaamintiisa, iyada oo uu guddoomiyihii ugu mudada sheeraa uu ahaa Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ururkii SNM waxa uu ahaa jabhad aan la mid ahayn jabhadihii kale ee ka dagaalamayey qaarada Afrika, kuwaasi oo aanay ka suurtoobin in ay si dhib yar u wareejiyaan awooda ay gacanta ku dhigeen, ilaa iyo inta la helayo jabhad kale oo awooda kala wareegta.
SNM, waxay ahayd jabhad ay saldhig u ahayd himilooyinka shacabka ay u dagaalamayeen, waxayna markii ay guulaysteen awoodii gacanta u galiyeen dadkii rayidka ahaa ee ay xornimadooda u dagaalamayeen, intaa ka dibna waxa dhidibada loo taagay dalka Somaliland oo noqday geed lagu beeray dhiiga geesiyaal badan oo maalinba maalinta ka dambaysa ka soo korayey dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, waxbarashada, caafimaadka iwm, waxaana soo maray madaxwaynayaal kala duwan oo iskaga dambeeyey talada dalka.

Waxaana dalka ka hirgalay nidaamka ku dhaqanka dimuquraadiyada oo uu aasaasay Alle ha u naxariistee madaxwaynihii 2aad ee Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, balse nasiib daro muu noqon mid dhamaystira dhabahaasi dimuraadiyadeed oo waxa ku yimi qadarkii Illaahay, wuxuuna dasrtuurkii dalku dhaxalkii kursiga ku wareejiyey ku-xigeenkiisii oo ah madaxweynaha hada Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Hadaba waxay iswaydiintu tahay Daahir Rayaale ma noqday hogaamiye hirgaliyey himilooyinkii ummada, mise

wuxuu noqday mid lagu hungoobay, si kastooy ahaataba Md.Rayaale wuxuu qabtay majarihii laga hagayey masiirka ummadan mudooyinkii hore ee xilkiisa, waxa uu barbarad ku ahaa nidaamka hogaamineed, maadaama aanu ahayn siyaasi khibrad u leh hogaaminta iyo qaabka maamulba, isaga oo hore u ahaan jiray nin ganacsade ah oo ka shaqaysan jiray maandooriyaha qaadka, markii dambena noqday sarkaal ka tirsan NSS-tii Siyaad Bare, waxaanu si dhibayar u soo fuulay saaxada Siyaasada xiligii uu Marxuum Cigaal dalka ka talinay oo uu ahaa badhasaabka gobolka Awdal, markii dambena noqday ,madaxweyne-ku-xigeenkiisii.

Waxaana Rayaale caqabad ku noqotay sidii uu ula macaamili lahaa siyaasiyiintii mucaaradka oo iyagu ahaa xeeldheerayaashii siyaasadda, isla markaana magac iyo taariikhba ku lahaa dalka, kana soo qayb qaatay halgankii lagula soo noqday xoriyada, raggaasi waxay laf dhuun gashay ku noqdeen siyaasadihii Rayaale maadaama oo xataa bulshadu aanay aqoon u lahayn Rayaale, islamarkaana aanay garanayn wuxuu galo iyo wuxuu gudo toona, waliba ay intaa u dheerayd tuhuno lagaga shakisanaa inuu ka qayb qaatay xasuuqii loo gaystay shacabkan uu haatan u taliyo.

Xilligii Rayaale, waxa dalka la soo darsay khilaafaad siyaasi ah iyo murano dib-u-dhac badan ku keenay dalka, taasoo loo aaneeyo bilowgii madaxtinimadiisa oo ay hadhaysay aqoon la’aani, balse waxaa markii la filayey in ay soo dhamaanayso mushkiladii aqoon la’aantu la falgalay Rayaale maskaxdiisa go’aanadiisa iyo siyaasadihiisiiba xubno wasiiro ah oo awoodoodu ka dhex muuqatay tallaabooyinkii Rayaale ku kacayey.

Waxaanay isu rogtay himiladii iyo hayaankii dadku mid ay xubnahaa wasiirada ah iyo Rayaale ku
shuraakoobaan danaysi gaar ah, kaas oo salka ku haya aargoosi nin waliba halkuu doonayey ula kacay.
siyaasiyiintii mucaaridka ayaa noqday kuwo ay kaga dhagtay dariiq waa hore la laabay oo la iska indho tiray ku dhaqankii sharciga iyo dastuurka dalka, dadwaynihii ayaa iyana ku jaha wareeray u jeedooyinkan gaarka ah, goloyaashii baarlamaanka ayaa iyana noqday kuwo aan geedna haysan, distoorkii qaranka ayaa isna noqday buug ay ku taalo sheeko maad ah oo inta shaxamaysan laga qaato.

Jilayaasha filimkan musalsalka ahi waa xubnahaa wasiirada ah ee la shaqeeya Rayaale. waxaana masrax laga dhigtay qalbiyadii shacabka, hubka lagu hanjabaa wuxuu noqday nabad, cida lagu jeesjeesayaa ama dheeldheelayaa waa siyaasiyiintii mucaaridka ee ku gaamuray siyaasadda, waxaa lala kaashaday mooganaanta shacabka ma noqon kuwo laga noqday ama hakad galay ujeedooyinkii Rayaale iyo wasiiradiisa aadka ugu dhawdhaw, mucaaradkuna may dayn wado laga guuray xaadhxaadhadkii khilaafaadkii iyo muranadiina waxay noqdeen kuwo ku qaan gaadhay Somaliland, Taa badalkeedii waxaa baraarugay oo fiiro u yeeshay is isyashadii siyaasiyiinta, shacabkii taasoo ay sabab u ahayd dildilaac ku yimi siyaasado qarsoodi u ahaa Rayaale iyo saaxiibadii, waxayna taasi kaliftay in dadkii masaakiinta ahaa ee raadsan jiray qawtal daruurigoodu ay ku mashquulaan dhugashada waxa dhacaya, akhrisashada jaraa’idka si ay xog uga helaan riwaayadan ee dalka ka socota.

Umay kala hadhin bulshadu rag, dumar, dhalinyaro, iyo waayeel, waxaa la soo daristay bulshadii inay u warwaraan aayahooda waxaa u baxay sanqadho lagu damqayo dakharadii dagaaladii sokeeye, kuwaas oo ay damqayaan siyaasiyiin dano gaara ka raadi nayaa Ta qudha ee la is waydiinayaa waa halkay caga dhigandoontaa diyaaradu Halkee ayuu ku dambayn doonaa SAL DHIGI WAAGA SIYAASADDA IYO SOOMAL-HAADKA UMMADDU. Waa jawaab wakhtiga u taal.
 

 

 

Muuna Casayr
Suxufiyad ka tirsan TVga SLSC
iyo Idaacadda Radio Horyaal
Hargeysa Somaliland