SAMAALE HADDANU HAYN XISAAB-XIDHKII 2013 MIYUU KU RIYOODAY MIISAANIYADDA 2014
 


Waxad muuda in xukuumad u fahamsantay in bulshada Somaliland tahay dad aan waxba fahmin, waxba aqoon, waxba xusuusan, dad dhoohan iyo doqon marba dhan loo jiifiyo.
Waxay inoo keentay miisaaniyad magacyo badan ooy inuu shrrgta inay ku kordheen inta asi. Waxa leynagu jaahwareeriya Miisaaniyadda Xukuumadda iyo tan Dawladda.

Ma aragno miisaniyad dhammeystiran oo bulshadu akhrisan karto, ka faaloonkarto, oo ina tusi karta sida xaalka dhabta ahi yahay. Waxa duuduubi leynagu sheega khrashyo guud oo waxa la qariyaa halka khrashyada Wasiiradu dhacaan ku jiraan. Cadka shiilan ee cunista u diyaar ah,dambasba la huwiya.

Waxa intaba ka daran, weedha Samaale ka soo yeedhay ee ah ma hayo xisaab-xidhkii oo waxaay ku maqantay xisabiyaha guud, suáashu waxay tahay miyeyna ahayn xisaab-xidh ku mid bil walba ah, miyeyna se jirin in Guddiga Miisaaniyadda la siiyo xisaab-xidh seddexdi biloodba mar ah, mise waaxa Golahani helaa xisaab mala awaal ah oo isbarbar taal kolkas ayey asnsixiyaan mala-awaalkan ayna dhinac oolin xisaab xidhkii dhabta aha.

Halkay ka jirta markaas ilalinti laga rabay Golahu. Sidii lagu ogaan kara in miisaaniyaddu martay dhabadi saxa ahayd. Waxa ka daran aqoon daraada xisaabeed iyo sharciyeed ee Saamle iyo Golahuba ka muuqata. Xisaab xidhku waxa Golaha horkeeni kara Hantidhowrka Guud. Waxa laga rabaa Xisabiyaha Guud inuu curiyo xisaabta hantidhowrkuna saxo deedna uu u gudbiyo Golaha.

Taas wxa ka horeeya in Miisaaniyadda Maaliyaddu keenta wadato sharashyada dhabta ah ee la galay bilaha ilaa bisha ay soo qadimeyso miisaniyadda. Haddii la keeno lambaro lagu riyooday oon gunta ku hayn xaqiiqda, ma tahay wax macno inoo sameynaaya.
Miisaaniyadda Aw Samaale ku riyooday ayuu waliba ku helay shahaadad aan ahayn wax kale bal se ah waajib gudasho la'aanta Golaha ay buuxiyeen Xil-gabayaashu.

Madaxweyne waan kuu duceeya ee Alle ha ku tuso inanad gudan karin waajibadka laguu doortay caafimaad dartii. Alle ha ku tuso in ummadi ku doortay arkaan xil-gudasho laáanta ku haysay iyo sida taladi dalku u gacan gashay dad aan garasho iyo waayaaragnimaba ka aradan.

 

 



Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@ymail.com