Samaroon hadaad tahay tolkaa sibir ma goyseene
by Dr. Cumar

 



1. Samaroon hadaad tahay tolkaa sibir ma goyseene
2. Taariikhda sooyaalka jira subax ma aasteene
3. Samaroon astaan tuu lahaa silig ma gayseene
4. Suuqyada Jabuutaada xaraash kuma saqaafteene
5. In Awsaciid saamigay subax ma siiseene
6. Sawkayga maqal daahirow seegtay marinkiiye



1. Sacdadiin haduu soo halgamay sabada nooleeyey
2. Cadaawaha hadii uu sidkoo sulufka raacsiiyey
3. Saadkaan lahayniyo haduu samo inoo keenay
4. Samaroonka oo idil haduu silic ka dheereeyey
5. Sumcadeena oo idil haduu samada gaadhsiiyey
6. Siyaariyo wuxuu nagu lahaa subac Quraameede
7. Qabrigiisa inad sii gadaa waa siyaab badane
8. Sawkayga maqal Daahirow seegtay marinkiiye



1. Neef soofka gabay biqilkabuu sixun u daaqaaye
2. Awoodaadu waxay saarantahay seerahaad garane
3. Samaroonka weeyaan waxaa seermay ee jabaye
4. Safarada kuwii gawracaad subag u qooshtaaye
5. Nimankaa siloonaa dhulkay samo ku jogaane
6. Seeraha wajaalay barjaha subax ku daaqaane
7. Haddii ay sax kaa tahay tolkaa la sad qeeyeen
8. Sawkayga maqal daahirow seegtay marinkiiye



1. Sirta Geelle uu soo diree Saylac lagu geemay
2. Sacdadiin xaraash keeda iyo Salal waxaa gaadhay
3. Suuryaa lagaa siiyey iyo sahay dharaareede
4. Soofdaraen habowdaye adaa seegay marinkiiye
5. Nabsi waa ma seexdee marbuu saanta kuugaliye
6. Sahay qaadataa iyo arlada sogobka doontaaba
7. Xiddigaagi wuu suulay oo saackalaa baxaye
8. Ha ku seermin ina Kaahinow saaka waad tagiye