Sanad ka hor saadaashii Suugaantu ka bixisay
hirdanka hogaaminta Kulmiye oo isa saxday


Mido haatan laga joogo hal sano badhtamihii bishii sideedaad ee sanadkii ina dhaafay ayaa waxay bahda suugaantu soo bandhigtay maanso halku dhigeedu ahaa" Hogaanshu waa aniga". Heestu waxay saadaal ka bixisay qaabka uu noqon doono ama ku danbayndoono hirdankii loogu jirey hogaaminta xisbiga Kulmiye oo waqtigaasi bilow ahaa.

Imika oo gabogabo yahay ama uu dhamaaday hirdankii bal aynu eegno abbaartii saadaashii Suugaanta iyo sida ay wax noqdeen.

Midhaha heesta waxa la iskugu keenay qaab dhawrto ah oo meelba in laga keenay. Heesta oo ka ambabaxaysay godka hees caruureedka waxay si balaadhan sawir uga bixinaysay siyaasada xisbiyada ee Somaliland iyo gaar ahaan hirdanka madexnimada iyo qaab hugaaminta xisbiga Kulmiye.

Haddaba, intaynaan u galin falanqaynta iyo faaqidaada maansada, fariinta iyo lafalgalida xaqiiqada jirta ee tixdu saadaalisay, malaha waxa haboon in aynu marka hore ka bogano maansada waxay leedahay iyada oo gudoomiyaha xisbiga Siilaanyo u taagan yahay maanso curiyaha.

Badheedhihii Guddomiyaha

Hoobeey yaa hobeey hobeey yaa
Waa kaa hirdankii bilaabmay
Waa taa lays heerayee
Colaad layskuma hanbeeyiyo
Dagaal wata heeryadiisiyo
Cabsaa soo hiririglee
Kursiga haybshaw dhagayso
Hogaandoonkow wax maqal,
Hadhaaga kaloow bal dhawra
Ragaa wada haadhayee
Halkaan haystiyo kursiga
U soo hanqal taagayee
Haliilyada baawariyo
Hamuuntiyo saarka qaba.
Hunduulada soo istaadhay
Iyo hiiryaalaha soo maqiiqan
Intaanan haaraha la dhicin
Ee halbawlaha qaar wareemin
Halhays baa laga guntaa
Ishayntiyo loolankee
Shucuubkaa ila hayiyo
Xisbigan ii heellaniyo
Shirweynhan heesayaw
Afeef murti iigu hay;

Hadhaw iyo heedhe haatan hogaanshuhu waa aniga
Hobeey yaa hobeey hobeey yaa

Isaga Fagadhaba is-hiif
Hurdada diidyoo ma laddo
Sibuu isku hawlayaa
Hoos buu hanqaarmayaa
Wax buu hibateynayaa,
Hal aan iska idhi bilaash
Heshiisyo horuu xusaa
Duqaydu habkay lahayd
Dan buu hulhuluuqayaa,
Hufnaan buu nala rabaa,
Sammaan buu hadal hayaa,
Run buu ku hadaaqayaa,
hayeeshee yaa u joojin.
Haddii Cabdi Haybe muruxsaye
Iskeerse xataa hulleelay.
Haddii uu Muusa-han hagaagsan
Ninkaan huuhaa ku idhi
Hoosjooge adaa ku fiican
Ninkii hayeh yidhi midhkaa
Ninkaa hayhayda gurra
Ninkaa hebedka ah beryahan
Haylaamo-cas iyo geddeed
Intuu hoomay shuddeeyo
Intii hargo loo garaaco
Intii diddmo loo hillaabo
Intuu I huruufo saaka
Intuu hadal igu daldalo
Hangool iyo toorey qaatuu
Halkaasi u boodo sheeddo.
Kijaandhaba haad ma haystee,
Hadduu haladaad dayaca
Halkiisii igu baneeyo.
Wixii daar iyo hantiya
Adawgii wixii ka dhadhay
Intuu haaf soo xaraasho
Hadduu Cumar Xaashi hawda
Siddii horrar falan i jiidho.
Hadduu Dr Ciisa-haasi
Bilaabay hakood la'aanta
Hankiisa ninkaa caddeeyey
Ninkaa hiyigiisa sheegay
Ninkaa heegada ku laalan een
Isagu habranayn marnaba
Ninkaa hiifiga ah siyaaso
Isaga waa halis dhankiisu oo
Inuu hoddaan ka yaabiye
Hadduu hangaleysigiisa
Shahaadadaddo soo huwada
Intii sii hururufleeyo
Intuu hayin lacag ku keeno
Intuu sida hogol roob darrooro
Mareykana hiil u doonto.

Inaan han jaboon fadhiisto inaan hafto yaan la eegin.

Haddaad heensayso bahasha
Anaa habey oo korsadey
Anaa dhaqay sida horweyn
Anney tahay himiladayda.

Hobeey yaa hobeey hobeey yaa


Ninkaa Ina Awga hebel
Ninkaan ku hawirey lugooyo
Ninkaan kaga baxay heshiinta
Ninkaa huguroodka qaba
Waa horjoogaha Calancastee
Hadduu hollac soo afuufo.
Haddii Dheggo hoos ka tuurka
Hub waaweyn soo riddeeyo.
Ninkaan Afka hooyo barrey
Ka keenay halkaad ogeyd,
Doraadna ku hubsaday Gudoonka
Een halculus ugu idhi dardaaran
Wixii hawlaba qaloocsha
Adiyo Baashaba halleeya
Hannaansammi waa colkeen
Hantaaqana waa danteenoo
Hagaagba markii la waayo
Ee dadkana hiyidoorsaniyo
Tashwiish badan lagu hillaacsho
Si markuu hammi jabo shacbigu
Intuu kala haaris dhaco
Buluuglaha loo higsado
Habkii ku jiqsiida fuliya,
Adduun waa hoosbahoos iyo
Hadhkaa labadiisa galine
Hadduu hadhimada jumcaha
Halkaa dooxaa Hargeysa
Wixii Itixaad u hooyda
Iyo hadhaagii Ina Aweys,
Intuu ku casuumo hool
Dabeed hillib iyo cad siiyo
Markay hirqadaa waxaasi
Markay heenshaan sadkaasi
Markay haaggaan Gadhyuubtu,
Intay Tusbax halalamshaan
Taxliishoo haan mugeeda
Iyo ducada weel ugu hillaan,
Isagoo ku hunbulan intaasna
Wadaadku I hoolgareeyo.
Maarshaalkaa hugguguflee
Dhawaan soo marey hawada
Warmoogaha soo hallaabay
Isagoo shayo wada huruuda
Huggii kaaboyga xidhan
Hadduu habacsani darteed
Marqudha hirwadii la dhaafay
Iyo tuweyskii hore maroojo.
Haddii Caydiid Korneyl iyo
Cismaanhindi haajiraan.
Guruujahan heeganka ahi
Hadduu halabsado Dameer
Oo intuu hur yidhaa ka bidho.
Kacaankan hogoogta qaatey
Intuu yare hayb jaleeco
Hadduu bartireeyo hawsha.

Inaan Han jaboon fadhiisto inaan hato yaan la eegn.
Hobeey yaa hobey hobeey yaa.

Haddii hannadada Togdheer
Ragaan isku hubbo xaqiiqdii
Habeenkii kuwaan ku seexdo,
Hadday hoosaasin iyo
Hanaan sir ah qoolayaan
Hadday dab hulaaqiyiyo
Marraaq Ii huriyaan,
Intuu harrab duufsi dhaco
Mareexaan waa hanfadde
Ee hadduu Dubur Hawd ka xullo,
Waabeeyo hadduu hayaamo.
Waxaa Irbad halalacliyo
Halkaasi u tuulan daawo,
Waxaa Shaybaadhka hiibsan
Wuxuu Aw Daahir haysto
Harraati intuu liqsiiyo
Hadduu hambabaro Digtoorku.
Haddii Cali ina Xirsiga
Ninkaa haggartiyo dhibta leh
Masuubadan hooyga taala
Intuu hilqadlaha cabbaysto
Siddiisii dhiig horseedo.
Haddii C/qaadirkaasi
Intuu damac hoodhifeeyo
Siddii kurrey soo higgoodu,
Haddii hoogtada aduunyo
Sanweynana hillaygga tuuro,
Haddii Xamse hiilinwaayo.
Haddaad hamham iyo dayaan
Hor iyo gees iga dhigtaan
Haddii Kaahin ii hanjabo.
Hadduu Dhiilshiil hantida
ninkaa harta lacag ah dhoobtay
Intuu ka shakiyo heshiiskii
Intay kayar hoosto doorkan
Hillaalna yidhaahdo xaasha.
Haddii hal-abuurka weyn
Ninkii Heelliyiyo lahaa
Haaruun iyo heesta hooyyo
Duqii ergadii horkacay
Dilkii Hagar iyo Hayaag
Ninkaa hadal wuxuu ka qabo
Buuggaa Halhaleelka iyo
Isagu Halkaraanba yidhi
Iyo Hadraawina laygu diro.

Inaan han jaboon fadhiisto inaan hafto yaan la eegin.
Hobeey yaa hobeey hobeey yaa.

Haddii hurintaa Sanaag
Haboonaha Sool ka yimmi
Huf iyo ceeryaan noqdaan.
Haddii layga soo hujuumo
Meeshiyo hoosada Wajaale
Tan iyo Gabiley halkeeda
Hadhuudhku dhulkuu ka baxo
Ilaa Harowo iyo Xariirad.
Haddaan Hudisa iyo Berbera
Hareeraha buurta Sheekh
Mar qudha hooy laga odhan.
Haddii hablo iyo islaan
Haweeku i weeraraan.
Haddii habqankii dhawaa
kuwuu Udub soo habaarey
Ee siddii haad waayey geed
markuu heehaab dardarey
Malaha huriwaagu keeney
Daybayliyo huguf kacshaan.

Inaan han jaboon fadhiisto inaan hafto yaan la eegin.
Hobeey yaa hobeey habeey yaa.

Markaan Habaqlahan bacaysan
intaan kaanbeyn harraadsho
Siddii huubaha u saydho,
markay hurgufmaan xashiishku
Markaan hebel hebel cunsiiyo
markaan kala hooyo sheego
Ee intaan hillin hillin u gooyo
haddana iska soo horjeedsho
Markan ku hawaarsho xeelad
markay ka dhergaan habaaska.
Hadhaw hanaqgo'a wareerka
hafeefta xanuunkagaadhey
Hungawga iyo ciilka haysta
hayaayda baroorta qaylo
Midkii ilmo hililiq siiya
intuu hanbalyeeyo guusha
Midkii hogashada ku xiirta
midkii hardafee jiciirta
Midkii xisbi kale u heelma iyo
ninkii hadha yeelkadii dheh.
Hagaageey waa hagaag
Calaa kuli xaal hadeerto
Aniyo hebel ii qarsoon
Oon hortiinana keeni doono
Hawlaha xisbigiyo shaqada
Hogaankiyo talada guud
Hibeeyoo nagu halleeya.
Ninkaan hadaltire qancaynoow
Waxaan hor Illaahey maray
Haddaanad ka bixin halkaa
Ood markale hadrad iyo bahaa
Aniga igu soo habsaantid
Illeyn hoos layskuma yaqaanee
Intaan feedh kugu higsiiyo
Intaan kaladhkaa ku haabteen
Hidh iyo teed kugu asqeeyo
Addoo sanka hoor ka keeney
Afkana hurgumadu ku yaacdey
Ilkuhu hoggag ku noqon
Harkaasaad garan higgaadda
Hadalkaygana orod ku yeeli.
Halaanhal waxaan ku daayey
Waxaan ku idleeyey heesta
Hawraariba waa tii murti leh
Hadhaw iyo heedheh haatan
Annaa kaligey halyeey ah
Horseed kale maafish weeyi
Hogaanshuhu waa anigga.

Marka haddaba loo soo noqondo maansadan faaqidaadeeda iyo faahfaahinteeda waxay inoogu muuqan kartaa intaynu ka gaadh karo sidatan;

Billowga maansada waxaynu ka arki karaa sida gudoomiyuhu dimuqraadiyada iyo tartanka ugu arko dagaal badheedha oo lagu soo qaaday isaga iyo maskab u haysto. Iyada dhinaca kale marka la eego halka uu leeyahay "hunduulada soo istaadhay…." Ay muuqato in aanu cid kale u ogolayn raganimo.

Halka oo leeyahay "Shucuubkaa ila hayiyo Shirweynaha heesayaw" waxa laga arki karaa isbuuxinta isku bogada shakhsiyadnimo taasi mallemasgaxeedkiisa siinayo ama u sheegayo in dadweynaha iyo xisbigu jacayl badan u qabaan hogaamintiisa.

Meelaha odhanaya" hal aan iska idhi bilaash, ninkaan huuhaa ku idhi, ninkaan ku hawirey lug-gooyo, intuu ka shakiyo heshiiskii" intuba waxay sheegayaan in uu yahay nin aan wacadkiisa iyo weedhiisa midna aaminaad lahayn markastana kutagala in uu cid khiyaameeyo ama lugooyo si dantiisu u fusho.Tusaale waxa arintan u noqon kara xaalada ay ku sugan yihiin.

Halka u leeyahay " warmoogahaha soo halaabay" waxay muujinaysaa sida uu u quudhsanayo dadka u ka mid yahay Cali-Marshaal oo isaga la xasuusan yahay in inta la kaanbeyn harraadshay markii khasaare naf iyo maalba lihi soo gaadhay aakhirkii lagu qasbay in uu doonistiisii ka tanaasulo danina ku qabatay in uu dib ugu baqoolo qurbihii uu markii hore ka yimid. Iyada foorjada iyo khajilaada gaadhay awgeed xataa ku adkaatay in uu sii joogo wadanka si uga qaybqaato Shirweynaha.

Sidoo kale halka uu leeyahay"ninkaan afka hooyo barrey ka keenay halkaad ogeyd" waxay tilmaamaysaa sida aanu raga qaar yasayo ama aanu waxba iskaga tirinaynin.

Halka uu leeyahay " markaan hebel hebel cunsiiyo, markaan kala hooyo sheego, ee intaan hillin hillin u gooyo haddana iska soo horjeedsho" wuxuu sheegayaa sida uu xariifka ugu yahay kala beelaynta, isku liska, isku jabinta iyo iska horkeenka.

Halka uu leeyahay " haddaad heensayso bahasha, Anaa habayoo korsaday, Anaa dhaqay sida horweyn, Aney tahay himiladayda" wuxuu leeyahay ciddii aniga iila timaad habqabiila iyadaa ka shalleyn doonta oo bahashaba anaa dhaqay oo koriyey himilada iyo hadafkayga siyaasadeedna waa qabyaaladda iyo ku dhaqankeeda.

Haddaba marka aynu u soo noqono saadaasha Suugaanta iyo sida ay waxa u dhaceen aynu u falfaliidhno sidatan;

Ugu horeyn siddii dad badani la socdeen Muse Biixi mudo sanado ahba dadka u sheegayey in ay isaga iyo hogaamiye heshiis ku galeen in uu noqdo medexweyne ku xigeen, haseyeeshee waqti dabadeed taasi mid meesha ka baxday ka dib markii uu Siilaanyo ku balanfurey heshiiskoodii. Mar labaad waxa Muse Biixi loogu carab lalaadiyey in uu isagu noqon doono Gudoomiyaha xisbiga marka Siilaanyo noqdo musharaxa xisbiga ee tartanka madexweynenimada haseyeeshee iyaduna waxay noqotay balanqaad kale oo jabay iyo Muuse Biixi oo ay ka raacday Quud aan jirin quryo u gurro. Marka la isku soo duubo sheekada Muse waxay ku arooraysaa saadashii maansada ee ay lahayd: Haddii Musahan hagaagsan, ninkaan huuhaa ku idhi, hoos jooge adaa ku fiican, ninkii haye yidhi midhkaa---.

Sidoo kale Ina Cumar Xaashi oo in badan la aaminsanaa in uu isku taago doono musharaxnimada xisbiga waxay noqotay arintiisii ceeryaan xaggaa iyo siddii ay suugaantu u saadaalisay.

Dr Axmed Hussein oo isagu in badan isku daaliyey dhaqdhaqaaq badana u sameeyey sidii u noqon lahaa Musharaxa xisbiga ee medexweynenimo, waxa ay dad badan isweydiinayaan meesha uu ku danbeeyey ka dib sinbiriirixadii iyo filanwaagii ka qabsaday shirweynihii xisbiga ee Hargeysa oo xeeladihii iyo qaab-beeleedkii wax lagu maamulay damicii iyo arintiisiiba afganbi u riday.

C/rahmaan Aw Cali oo in badan guclo ugu jirey in uu noqdo Musharaxa madexweyne ku xigeenka waxay wararka ku dhawdhaw siyaasadaha Kulmiye sheegayaan in arintiisu jar ka lulatato hogaamiyaha xisbiguna ku hayo kuna fogaynayo hangool laba faraaq leh. Waxaanay markale saxday saadaashii suugaanta.

Guud ahaan arinta hogaaminta iyo Musharaxnimadaba waxa ku goolibaadhay Axmed Siilaanyo taasi si buuxda u markhaati furtay halku-dhegga maansada ee ah" Hadhow iyo heedhe haatan Hogaanshuhu waa aniga".

Hirdankii iyo loolankiina waxa ku koobtay oo laysku haystaa kaliya ku xigeenadiisa oo waliba ah ka uu isagu doono. Taasi oo fajiciso ku noqotay rag badan oo u xaydnaa in ay ku xigeenimada helaan mar haddii laga quusan yahay hogaamiyenimada xisbiga oo ay noqotay wax cid u xidhan, waana mar kale iyo saadaashii suugaanta ee ahayd: Aniyo Hebel ii qarsoon oon hortiinana keeni doono, hawlaha xisbigiyo shaqada, hogaaminta talada guud, hibeeyoo nagu halleeya.

Gabagabadii, waxaanu ku soo xidhaynaa qoraalkan mahmaah baa ahayd" Somalidu been bay sheegtaa beense ma mahmaahdo" waxaynu maanta u badalanaynaa taasi Somalidu been bay hadashaa sida balamahan la wada buriyey ee aynu kor ku sheegnay beense ma maansayso sida heestan saadaasheedii xaqiiqawday.
 

 




Mohamed Ahmed Osman - Literature critic & analysis
Freelance Journalist
Hargeysa, Somaliland.
Email: hubsiino@googlemail.com