Sanad-guuradii 30-aad
Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururkii SNM Oo Si Weyn Looga Xusay
Hargeysa
Hargeysa April 6th, 2011 (TNN)-Xaflad balaadhan oo lagu
xusayay sanad guurada 30-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii
SNM oo 6-dii bishii April 1981 lagaga dhawaaqay magaalada London ee
dalka Ingiriiska, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha
ee magaalada Hargeysa.
Xafladii loogu dabaal degayay munaasibadaasi, waxa ka soo qeyb galay
mujaahidiin xukuumadda, xisb iyada siyaasada iyo boqolaal qof oo ka
mid ah mujaahidiintii iyo agoomihii ururkii SNM.
Ugu horayn waxa munaasabada xuska furay gudoomiyaha Sooyaal Xasan
Cabdi Axmed, oo sheegay in xuska maalintan aasaaska ururkii SNM
keenay halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeeyay, islama rk aan
mujaahidiintii SNM Intii ku shahiiday mooyee intii dhawaaca ahayd
iyo agoontii daryeel helin,
Guddoomiyaha Sooyaal oo ka hadlayay ahmiyada uu u leeyahay
mujaahidiinta SNM wuxuu yidhi “Maa nta waxaynu joognaa 6-dii
April ee ka soo wareegtay sanadguuradii 30-aad markii SNM la
aasaasay 6-dii April 1981-kii, toban sano waa la halgamayey labaatan
sano-na wadanka ayaa la haystay, tob ankaa sano ee la so halgamayey
ninkii dhaawcmay wadanka ayuu yaalay meel looma dirin, intii hore
wuxuu sugayay wadanka marka xoreeyo si uun baa lagu odhan
doonaa.Labaatan sano ayaynu wad anka haysnay goormaa si la odhanayaa,
taladeenii waxay noqotay maalinba siyaasada taagan uun in laga hadlo,
laakiin shalay wixii la soo maray dib looma raaco, anagu ka mujaahid
ahaan maanta waanu soo taagan nahay bacdamaa maanta gudoomiyihii SNM
madaxweynaha JSL yahay Axmed Siil aanyo, maanta waxaanu diyaar
u nahay bulshada qaybaheeda kala duwan ganacsatada, Culimaa’u diinka,
aqoonyahanka rag iyo dumar-ba gacmaha in la is qabsado, waayo
biriishkaa xukuumadi ma dhisin ee gacmahaa dadka loo mariyey, hal
dollar ninka maalintii meel dhigo ee la is kaashado dhaaw aca iyo
agoon daryeel la’aataa ma jirteen, imikana ka Sooyaal ahaan qorshe
ayaanu haynaa waa in wax lala qabtaa”
Mujaahid Prof. C/salaan Yaasiin Gabay-xadi oo ka mid ahaa
aasaasayaashii SNM, oo munaasabada xuska hadal kooban ka jeediyay,
waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Maanta 6 April 2011-ka sodon sano ka
dib waxaynu ka joognaa 6-dii April 1981-kii, haddii SNM la aasaasay
bal aynu is yara dul taagno taariikhda aynu is weydiino SNM maxay
khayr keentay, maxayse shar keentay, khayrka aynu ku horayno.
Khayrkay SNM keentay in dad xor ah, dal xor ah iyo dawlad xor ah,
xoriyadu waxa weeyaan wax Ilaahay Bani’aadamka oo dhan u jideeyay
marka uu dad Muslim ah inaga dhigay, markaa in dadku ay xor noqdaan,
qofku inuu dhinto oo xoriyad u dhintaana waxa weeye waxyaabaha ugu
qiimo badan.”
“Midawgii fashilmay ka dib sodon sano ayaynu kula soo noqonay
madax-banaanideenii oo xor baynu nahay haddii la in aictiraafo iyo
haddii aan la ina ictiraafin-ba dalkan inagaa leh oo ma yeelayno
adoonimo dambe,”ayuu yidhi Md. Cabdi-salaan Yaasiin isagoo hadlkiisa
sii watayna wuxuu yidhi “Sharkeena ugu weyni wuxuu ahaa khilaaf
waana ka dadka muslimiinta ah oo dhan ka dhaca, khilaafku ra’yiga
markay tahay ee meel la fadhiyo ee la doodayo wax wanaagsan baa ka
dhasha, maxaa khilaafku ka imanayaa? Waa markuu xukunka ka yimaado,
xukunkuna sida cuntadaa dadku u wada jecel yahay, oo qof wal oo
inaga mid ahiba in la amaano wuu doonayaa, haddii la yidhaahdo imika
kaalay kursiga ku fadhiiso qof walba wuu doonayaa, laakiin waxa
weeye qaniimadaasi in la xakameeya bay u baahan tahay.”
Prof C/salaan Yaasiin mar uu ka hadlayay isbedelada carabta ka
dhacaya waxa uu yidhi “Waxa dhacday kacaankii carabtan imika
dagaalamaysaa waxyaalaha ay ku dagalaamayaan baa la yidhaahdaa waa
kacaanka yaan la idinka xadin, kacaanka waa la xadaa , kacaanka
baylahdeenii intaynu baylihinay ayaa la inaga xaday oo qoladii aynu
la dagaalamaynay ragii la shaqaynayey ee ka yimid ay inaga qaadeen
oo ay ina xukumeen, yaa taa ceebteeda lahaa? Ma inaga mise iyaga?
Inagaa lahayn, markaa waxa weeyaan inaynu ogaano inaanay mar dambe
inagu dhicin taasi.Imika ragii SNM hogaaminayay waa kaa ku soo
noqday labaatan sano dabadeed, inay sidaa u hogaamiyaan weeyaan.”
Mujaahid C/salaan Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay mujaahidiinta
iyo agoomaha bilaa daryeelka ah iyo in la soo ururiyo, islamarkaana
la qoro taariikhda SNM, waxa uu yidhi “Waxa weeyaan mujaahidiintii
iyo agoontii baynu dayacnay, waa in la daryeelaa, suuqa ayay
mujaahidiintii iyaga oo daranyeysan meeraysanayaan, waa ha loo
guntado, madaxweynaha waxaan u soo jeedinayaa xarunta Sooyaal inuu
dhisme dabaqyo ah ka dhigo, taariikhda SNM-na la qoro.”
Sidoo kale waxa xuskaasi hadal kooban ka jeediyay Mujaahid Maxamed
Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saddexdii sarkaal ee u horeeyay ee u
talaaba Itoobiya ee SNM, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaynu
ognahay ummad waliba taariikh bay leedahay, Somaliland taariikh
fiican bay leedahay oo lagula dagaalamay Ingiriiskii oo xoriyadii
60-kii lagu dhaliyey bay lahayd, SNM-na waxay ahayd halgankii labaad
ee xoriyadii dib loogu soo celiyay. Waxa lagama maarmaan ah in
taariikhda la ilaaliyo, waxaynu ognahay maanta ma waxaynu odhan
karaa dadka soomaaliyeed ee aynu Soomaalida isku nahay ee dawlada
wada ahayn, hadaynu reer Somaliland nahay ma waxaynu odhan karnaa
waynu ka wanaagsanayn, ka muslinsanayn, maxaynu odhan karaa? Waxaan
qabaa farqiga meesha jira ee kana nabad ka dhigay ee xusaskan
quruxda badan iyo nabadu u taalo, Xamar iyo hareeraheedana waxa la
ogyahay ka socdaan waa bisaylkii siyaasadeed, waa hogaankii, waa
garashadii Mujaahidiintii SNM ku dhaqday dalka inay xoriyada aabo
iyo hooyo ugu yihiin ayay nabada maantana aabo ugu yihiin.”
Maxamed Kaahin mar uu ka hadlayay qiimaha xuskani u leeyahay
Mujaahidiinta, islamarkaana qiime weyn ku fadhiyo, waxa uu yidhi
“Hadraawi ayaa waxa uu yidhi, “Mujaahidka naafada ahi
naafo-nimadiisa ha ku faano, qiime xusku qiimo ayuu leeyahay in lagu
xasuustaa mujaahid, Jaraa’id inaad aragteen mooyee waxa la xusayay
Maraynkan ninkii ugu dambeeyay dagaalkii labaad ee aduunka eek u
dhintay, lama xusanaynin ninkii maraykan ugu xoolaha badnaa ee
dhintay, waxa la xusayay ninkii maraykanka u dagaalamayey, markaa
taariikhda ku faan, cabashada SNM-tu ha dayso haday arkaan nin wata
gaadhi yar oo qurux badan ha odhanin kani muxuu ahaa waa midhahaagii
ku faan.”
Waxa kale oo xuskaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed
Cabdi Gaboose, waxaanu tafaasiil ka bixiyay marxaladihii halgankii
dib u xoraynta dalku soo maray, waxaanu sheegay inay xukuumadda
cusub ee Somaliland ay danaynayso wax loo qabto mujaahidiintii,
agoomihii iyo naafadda SNM.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee
xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-raxmaan C/Qaadir waxaanu ka hadlay
aasaaskii SNM iyo marxaladihii kala duwanaa.
Source:Somaliland.Org
|