Sanadguuradii Koowaad ee Naadiga Akhriska Timacadde oo Si heer Sare ah Looga Xusay Gabiley Iyo Wargeys Aqooneed Cusub oo Naadigu soo Saaray oo Cadadkiisii koowaad Xalay lagu soo Bandhigay Madasha.
 


Naadiga Gobolka Gabiley, ee dhiiri gelinta Akhriska ayaa waxa ka soo qayb Galay Badhasaabka Gobolka Gab iley C/rashiid Sheekh Cumar Sheekh.......

Gabiley (TNN)-Xaflad Balaadhan oo lagu maamuusayay Sanadguuradii 1aad ee ka soo Wareegta Aasaaska Naadiga Akhriska Timacadde ayaa Xalay lagu qabtay Hotelka Qasri Cabdalla ee Gobolka Gabiley.

Xafladan oo ahayd mid si balaadhan ay u soo abaabuleen Naadiga Gobolka Gabiley, ee Dhiiri gelinta Akhriska ayaa waxa ka soo qayb Galay Badhasaabka Gobolka Gabiley C/rashiid Sheekh Cumar Sheekh Muxumed, Qor aa Xasan Cabdi Madar, Abwaan Axmed Aw-Geedi,Agaasimaha Dallada Dhalinyarada SONYO Siciid Maxamad Axmad, Masuuliyiinta Shirkadda SOMTEL, Xubnaha Naadiyada Akhriska Somaliland oo ka kala yimid  Gobol adda Dalka.


Isu Duwaha Naadiga Akhriska Timacadde Mustafe C/kariin Cali oo ugu horayn Madasha Hadal ka jeediyay ayaa qeexay Sababta ay Naadiga u curiyeen oo uu sheegay in waqti loo baahnaa uu yimid, Mustafe waxa kale oo uu ka warbixiyay Mudadii Sanadka ahayd waxa naadiga u qabsoomay iyo waxa ay Weli tahay inay sii dhamaystiraan, isaga oo Xusay inay Sanadkaasi u Qabsoomeen in Naadigu Yeesho Maktabad Shaqaysa, iyo Wargeys Cusub oo Naadigu Soo saaro Bishiiba Hal mar oo Cadadkiisii koowaad Xalay lagu soo bandhigay Madasha.

Mustafe Future waxa kale oo uu ka uu Umahadnaqay Masuuliyiinta iyo ururada Wadaniga ah ee Kaalinta muhiimka ah kaga jira Naadiga oo uu Xusay Hayada Wadaniga ah ee Havayoco, ururka Redsea Online, Kayd iyo Badhasaabkii Hore ee Gobolka Gabiley oo uu sheegay inay dhamaantood ahaayeen Baalashii Naadigu ku Duulayay mudadaasi Sanadka ahayd.

Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ( Musaabaqo) oo ku hadlayay magaca Naadiyada Akhriska Gobolada  Somalila nd ayaa muujiyay Dareenkiisa farxadeed in uu Naadiga kala qayb galo Sanadguuradiisii Koowaad isla  marka ana uu arko Wax qabad Badan oo Naadigu soo bandhigo Sanadkaa Gudihiisa, waxa uu tilmaamay sida uu ugu faraxsanyahay in Fikradii ay ka dambeeyeen isaga iyo kooxda Akhriska Hargaysi ay si xawli ah ugu fido  Dac alada Gobollada Dalka uu arkana dhalinyar u bislaatay inay fikradii sii wadaan.

Qoraa Xasan Cabdi Madar ayaa isna tilmaamay sida uu ugu faraxsanyahay in uu Naadiga kala qayb galo  Ma alintii uu Dhashay iyo Maalintii la gardaadinayayba, isaga oo Naadiga ku amaanay Xidhiidhka fiican ee ay la yeesheen Naadiyada kale ee dalka,iyo guud ahaan Ururada Bulshada kuna guulaystaan inay halkaa ka soo Casuumaan Marti sharaf Badan,taasi oo Mudadii ay jireena ay ka mid noqdaan Naadiyada ugu firfircoon ee Dalka ka jira, Qoraagu waxa kale oo Muuiyay sida naadigani ugu guulaystay inuu noqdo Naadigii koowaad ee Wargays Aqooneed ku soo bandhiga Wax qabadkiisa, isaga oo kula dardaarmay in la ilaaliyo Luqada  ma rka wax la qorayo, lagana digtoonaado aaxinka inta badan Luqada Soomaaliga lagu sameeyo.

Agaasmimaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mr. Siciid Maxamad Axmad oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Amaan iyo Mahadnaq usoo jeediyay Naadiga Akhriska Timacadde iyo Dadkii ka soo Shaqeeyay Hawshan Mutadawnimada ah, isaga oo aadna ugu Dheeraaday Qiimaha Akhriska iyo Qoraal Bulshada  ulee yihiin, iyo in looga baahanyahay Dhalinyaradu inay Fahmaan kaalintooda ku aadan Kor uqaadida Aqoonta.

Madaxa Shirkadda SOMTEL ee Gobolka Gabilay Mr. Cabdilaahi ayaa isna ka waramay in shirkad ahaan ay ku faraxsanyihiin Naadigan ka curtay Gobolka, una hor seeday in Dhalintu aqoon ku wada xidhiidhaan, shirkad ahaana ay kala qayb qaadan doonaan Hawlaha Naadigu qabanayo, waxa kale oo Shirkaddu Goobta ku  qayb isay 100 kaad oo Shirkadda SOMTEL ah.

Abwaan Axmed Aw-Geedi ( Dheeraad) oo ka mid ahaa Abwaanadii Madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in uu isagu Abwaan ahaan Xidhiidh Jacayl ka dhexeeyo isaga iyo Naadigan, Abwaanku waxa uu sheegay in  Naadi gu Qaatay Magac Abwaan umada oo dhan qadarin iyo Tix gelin ka mudan, Abwaaniin iyo Qorayaal ahaana ay aad ugu faraxsanyihiin inay Safar u soo galaan si Dhalinyartan ay ugala qayb qaataan Hawsha  Mutada wacnimada ah ee ay Wadaan ayna ugu Hambalyaynayaan Naadiga Sanadguuradiisa, loona baahanyahay inay sidan u sii wadaan Hawlaha Naadiga taasi oo Bulshada wax wayn ku soo kordhin doonta.

Macalin Cabdicasiis Yoonis ayaa isna sheegay inuu ka soo qayb galay maalintii la furay iyo maantaba, wuxuu tilmaamay ina Naadigu ku guulaystay inuu Sawir fiican ka bixiyo Gobolka Gabiley oo dhinaca aqoonta ah inta aan Gobolka ku sugnayna ay Warbaahinta Maxaliga ah kala socdaan Hawlaha uu soo kordhiyay, waxaanu  A amaan u soo jeediyay Xubnaha Naadiga Akhriska Timacadde.

Badhasaabka Gobolka Gabilay C/rashiid Sheekh Cumar Sheekh Muxumed ayaa isna sheegay sida uu ugu  far axsanyahay inuu arko Dhalinyar sidan oo kale u fakiraysa, oo Dhigooda kale ku dhiiri gelinaya wax qabsi iyo Kor u qaadista Aqoontooda.

Badhasaabku waxa uu dardaaran dheer u soo jeediyay Dhalinyarta ku Nool Gobolka Gabiley, isaga oo kula dardaarmay inay ilaashadaan Dhaqankii ay Awawyaashood ka soo gaadheen loona baahanyahay in la qoro Dhaqankeenna inta aan inta hadhayna Faraheena ka bixin, muujiyayna inay tahay wax lagu faano Wax  qab adka naadigu soo bandhigay una baahan in halkaa ay ka sii wadaan.

Badhasaabka Gabiley waxa uu Sheegay inuu Soo dhawaynayo, lana Shaqaynayo Naadiga Akhriska  Timacad de si uu Hadafkiisa u Gaadho isaga oo Xusay in waxwayn ka qabteen Wacyi galinta Dhalinyarada iyo  Aqoo nta.

Madasha oo aad Uxiiso badnayd ayaa Waxaa lagu soo Bandhigay Ruwaayad ka Ku saabsan Qiimaha  Akhris ku leeyahay, Ruwaayadaasi oo ay matalayeen Kooxda Jilayaasha Naadiga Akhriska Timacadde ayaa aad u xiiso galisay dadkii ka soo qayb galay Madasha, Waxaa kale oo iyana Madasha Lagu Daahfuray Wargeys  Aq ooneed Cusub oo Bishiiba hal mar soo Bixi doona, oo ka madaxbanaan Siyaasada kana Faalooda Arimaha  Aq oonta, Dhaqanka, Arimaha Bulshada iyo Dhiiri galinta Dhalinyaradda.

Ugu Dambayntii waxa Gudoomiyaha Naadiga Mahdi sheikh iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley Shahaado  Shar af Gudoonsiiyeen Xubno isugu jira Masuuliyiintii hore ee Gobolka Gabiley, Xubnaha Naadiga, Warbaahinta, Dhalinyarta Gobolka oo lagu maamuusay Kaalinta ay Sanadkaa ka qaateen Horumarinta Hawlaha Naadigu ka fuliyo halkaasi.
 




Jamiila Maxamad Cumar

Naadiga Akhriska Timacadde
timacaddereaders@hotmail.com