Sangub oo Shaaca ka Qaaday Mowqifkiisa ku Waaj ahan Dacwadda ka Dhanka ah Cali Samatar

 


 

Abwaan Sangub oo Shaaca ka Qaaday Mowqifkiisa ku Waajahan Dacwadda ka Dhanka ah Cali SamatarMuxuu ka yidhi xasuuqii Hargeysa, madaxbannaanida Somaliland iyo ka uu taageersan yahay saddexda xisbi qaran?

Jabuuti March 8th, 2010 (TNN)- Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed abwaan  M axamuud Cabadillaahi Ciise (Sangub), ayaa markii u horeysey ka waramey  aragtid iisa ku wajahan sababaha uu u tagi waayey magaalada Hargeysa iyo fikirkiisa ku waajahan gooni isu taaga Somaliland.

Abwaan Sangub magaaladda Saylac warbaahinta kula hadlay intii lagu guda jiray caleemo saarka Ugaaska beesha Ciisaha, ayaa ka hadlay siyaasada xisbiyada ku tartamaya hoggaaminta tallada Somaliland, isaga oo abwaanku faafaahin ka  bixiy ey arrin ku wajahan dacwada Cali-Samatar kaga socota dalka Mareykanka ee xasuuqii iyo burburintii Hargeysa ee 1988kii.

Isaga oo Sangub iska difaacay eedaymo loo soo jeediyey oo ahaa inuu hore u  yi dhi hadalo reer Somaliland aad uga cadhoodeen oo ‘Hargeysi wey muteysatey in laburburiyo’ isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:.

“Cali-Samatar anigu maan daaficin ,ee dacwadiisa intaan imid goobtii lagu  qaaday ey markaas oo uu ka hadlayey nin majeerteen ah oo lahaa anagaba waanala  laay ey oo Maxamed Cige iyo Canjeex iyo rag badan ayaa nalaayee maa la iska daayo Cali-Samatar ,kadibna nin gabooye ah oo Cumar Dhuule seedi u yahay ayaa yidhi raggii kale wey iska joogaane, anaga kaayaga qolo yaraan ayaa lagu eryanayaa, markaas ayaan fikir ka jeediyay halkaas,oo waxaan idhi ‘waar wixii dhacey yaan la gocane waxbaa dhacey oo daadbaa ina qaadey ee siidhka yare ee soo hadhey  ye ynaa hada isdabar goynine oo aynaan yacdaasuun heynine Soomaalinimo aynu ku dhaafno oo qurbahan is weheshano, tiibaa wax laga soo saarey oo warbaahin  ka sta lagu qorey,oo qowdii kadhacey hadii la igu hayo waxaan idhi ragbaa  duubaye y,e miyay ii xil qarin lahaayeen sow codkeygii may sii daayeen, manin weyn ayaa odhanaya Hargeysa in lagubaa xaqbey aheyd, ninka duubayey Cabdisalalan Xaaji Aadan ayaa abti u ahaa,oo ina Buubaa ayay aheyd tii duubaysey iimay qariyeen hadaan hadalkaa idhaahdo.”

Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) oo ka hadlayey qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland, waxa uu yidhi; “Horta Somaliland qadiyadeeda inaan ka hadlo aadbaan isaga dhowrayaa sababtoo, ah hadaan maraacsani idhaahdo waa khalad oo waxan faragaliyay ummad dhan oo dastuur leh oo guurti leh oo ciidamo leh oo madexweyne leh oo dadaaley, hadaan idhaa waan taageersanaheyna  wax an filayaa in dad badan oo ka soo horjeeda kala go’a ayaa iqoonsanaya, laakiin  h adaan wax ka idhaa Somaliland ummad weeye, ummadana xukunkii raaga oo  dhan baa ceebta u keena markaa xisbigan UDUB in badanbey soo hayeen Somaliland waxeyna, u baahan yihiin in laga nasiyo talada dalka, Faysal Cali Waraabena, waa nin mutacalin ah laakiin adduunku waxay wax u dhiibtaan nin waayo arag ah  dalk ana waayo arag uma aha dhowr goor oo uu hadleyna daris badan ayaa  qoonsad ey, anigu Axmed Siilaanyo ayaan taageersanahay waxaanan ku taageerayaa  ma amaah ayaa tidhaa ‘Nin weyn bay haadi cuntaa’ ninkani waa waayo arag waayo badan soo marey, gobanimadii ka soo qayb qaatey, SNM buu ahaa oo ku soo  dag aalamay, wuu soo halgamey, raaxo kumuu imane dhib ayuu u soo maray, waxaan an qoonsadey waxyaabo badan oo aanu muteysan oo lagula kacay, beerta  xoriy adaa laga joojiyay maqabato, islaantiisa oo shaqo heshay waalaga joojiyay, max ay tahay taasi, aniguna taageero weynbaan u ahay (qosol) ilkahaaga soo du lama yidhaa qofkee saddexda xisbi hadaan si kastaba u eego KULMIYE-yaan ahay, waa yo-aragnimaanan ku raacsanahey, kolay qaarbaa ka hadlaya oo odhanaya  Sang ub maxaa galiyay, maxaa I galin waayey miyaanan dalka xaq ku laheyn, dadkana waxan ku waaninayaa in ay Siilaanyo raacaan oo KULMIYE siiyaan codkooda hada kadib waan ka hadli qofkii I xasardeeya waan xasardeyn.”
 



Source:Jam/Hornpress