“Sannad Ka Hor Maanta Oo Kale Waa Maalintii La I Dulm iyey ee Somaliland-ntii Aabahay iyo Rag Kale Xoreeyeen Dhabarka Ii Jeedisay” Jamaal Cali Xuseen

 


Taariikh: UCID iyo waayaheeda, maantoo kale November 8 sanad ka hor 2016kii Waxay ku be egan tahay maalintii cadaaladdii iyo garsoorkii dalku ay god madow gashay. Waa maalintii Ma xakamaddii Sare dalku ay qaaday eexdii qarniga, Waa maalintii Gudida Diiwaan gelinta asxaab ta qaranku ay shir ay laba cisho ka hor ay xaaraantimeysay ay haddana la soo fadhiisatay waa shir Xalaal ah ee ay xabadda madaxa nagaga dhufatay, Waa maalintii burburka xisbigga Qaran Ee UCID lagu wada heshiiyey Ee Baarlamaan, Guurti, Xisbiyadda kale mucaarid iyo mux aafid, oday dhaqameedyo, culimadda dalka dhamaantood, Madaxtooyada, iyo shacabka Soma liland aanay cidina u tafo xaydan badbaadinta sidii loo badbaadin lahaa.

Waa maalintii Ninka Tvyadda horteeda iyo shacabka Somaliland horteeda balanta ku galay Ee Faysal Cali Waraabe Oo dhowr jeeroo hore dhacay, lana wada ogaa inaanu xisbigga soo saa rin uu ku murmay Ee uu beenbeenta dad intuu Suuqa ka soo urursaday isku caleemo saaray Ee weliba ciidamadda qaranku ay ku ilaalinayeen, waa maalintii hotel Maansoor naloo diiday ee aanu hortiisa ku qabsanay shirkayagii geed hoostii, waa maalintii Somalilandtii aabahay iyo raggii kale xoreeyeen ay xaqa u hiilin weyday Ee hortooda laygu dulmiyey, waa maalintii Somalilandta aan shaqadaydii iyo noloshaydii uga imi ay dhabarka ii jeedisay ee xataa halgam ayaashii, Culimaddii aan ka waayey qof qudha Oo yidhaa sax maaha, waa maalinta aan xasuu sto raggii iyo dumarkii maalintaa I barbar taagnaa Ee I taageersanaa ileyn hadalka fiicana w aa sade, waa maalintii sharci burburinta dalka Somaliland ku suntan Ee nin aan murashax xa taa noqon Karin saddex jeer khasab loogaga dhigay murashax ileyn wuu dhacayaaye, waa maalin ay ii qoolan yihiin dhamaan gudiddii Maxkamadda sare iyo gudoomiyahooda, iyo dhama an gudiddii asxaabta Qaranka iyo gudoomiyahooda Oo kuligood daalimiin ku qoran, iyo dhama an intii si toos ah iyo si dadban uga shaqaynaysay burburkayagii xisbiggii tacabka, iyo tamar tu naga gashay Ee aanu la soo baxnay.

Nin qudha Oo saamaxaad I weydiistay kuma jiro, aniguna qof aan saamaxad I weydiisan Oo I dulmiyey iskama saamaxo Ee Ilaahay baan ku xawilaa. Waxaasoo dhibaato ahi iyadoo nasoo gaadhay baanu haddana danta ummaddan curdinka ku deynay. Su’aasha aan is weydiiyey baa ahayd horta Ma dan baa adiga kuugu jirtay, markay noqotay jawaabtu maya ayaan idhi cida wax ku weyday way soo bixiye dadkaaga dhinac ka raac Ilaahay baa jooggee.

Maan jecleyn inaan ka hadlo taarikhda maanta ku beegan ayaan ka adkaysan waayey. Waxaanan mahad balaadhan u soo jeedinayaa dadkii af, adin iyo uurba naga taageeray. Ninka soo socdaa Ee dalkan xukumi doono waa inuu cadaaladda iyo garsoorka dalkee dhintay uu hagaajiyo dad Ilaahay ka baqanayana uu keeno; haddii kale waa halkii Laanjeere dad cad aalad kala waayey sidii cawsha kala yaac. Somaliland tan ka roon Baan Ilaahay ka baryey Ni na Inankiisa lama doonayo wixii aniga Igu dhacay inuu ku dhaco. Adduunka kamay dhicin mur ashaxnimo la dhaco Oo weliba indho adkaan Igu doorta la yidhaa Oo weliba Ummaddii ay qaarkood sacab Ugu tumayaan halkay tamaandho ku shiidi lahaayeen.


Burus qayl biyaha ceel Ma sido,
mana baqool daayo.
Horaadkan gadan lahaa
Haday iga gaagaxsheen
Iyana waxaan kaga gudbaa
Gobey liicoo ha jabin


Kheyr Baan idiin rajaynayaa imikana codkiina dhiibta dhalinyarooy. Dulmiga ummadaha waa lagu rogaaye Ilaahayow naga badbaadi.

 

 

 

 


Jamaal Cali Xuseen