SANNAD WACAN OO WANAAGSAN
Ahmed Arwo

 

Muxaram waa kow, sanadkii 1430 taariikhda Hijrada ah oo waafaqsan 29ka Dec 2008. Kii gaalada oo ah bidco aynu sunnaysanay waa Khamiista. Distoorka Soomaliland waxa ku taal in taariikhda qaranku ku shaqaynayaa tahay tan Hijrada. Yaa weli is weydiiyey waxa loogu dhaqmi waayey. Waxaynu kala mid nahay ummadda Islaamka oo dhammaan arrintan ka seexatay. Waana waxyaabaha sida yare leynoogu jiidaayo dhaqan shisheeye ku ah diinteena iyo dhaqankeena. Waxaynu noqonaynaa Ummad jidh ahaan jirta bal se aan lahayn ruux iyo dareen. Iska jir ku dayashada gaalada iyo dabaaldegga lagu qorxiyey macsaida iyo balwada.

Waa sannad cusub oo Islaamka ugu bilaabmay dil iyo burbur si axmaqnimo ah loogu geesto ummad shacbi ah oo maato hooyo iyo ubad ah. Waa qaar cadow shisheeye garaacayo, muslim sheegadna si dadban ula socdo. Waxa shaashadaha tiifiiyada iyo sameecadaha idaacadahu soo tebinayaan sawiro naxdinta leh ee xasuuqa Qassa subax, galab iyo habeenba ka socda. Waa graac circka,dhulka iyo baddaba ah oon cid gaara ku jiheysnayn, bal se si axmaqnimo ah birtilmaameed uga dhigtay hal milyan iyo badh shacbi ah oo xabsi weyn ku jira. Waxa Masar ka taageertay cadowga Yuhuudda inay xabsiga dhankeeda ka ilaaliso, oon cidna loo oggolaan inay gasho amba ka baxdo Qassa oo noqotay xabsiga dunida ugu weyn.

Aan duco iyo taakulo af iyo qalbi ah, iyadaa ugu yare aan, ku dhaafo qadyadda masiirka ah ee Islaamka mideysay, oo aan u gudbo carro Soomali iyo danno gobal. Tan ugu dambeysay iyo iscasilaadda C/llahi Yuusuf , waxay tahay mid Soomaliya u baahnayd. Waana inaan la iloobin kuwa kale ee shuraakaha kula ahaa dibindaabyada raagtay ee shacbiga, reer kasta ha noqdee.Waa waajib in lala xisaabtamo, oo talada laga xayuubiyo kuwa guul darrada ku habsatay shacbigooda gacmahooda ku hantay. Yaan reer iyo beel, gobal iyo degmo midna loo eegin. Gartu, tol, xididi iyo xigaal ma taqaan, Cadaaladi midab ma leh. Gar-qaadkii Inna Sanweyne ha la helo. Aan u rajeeyo walaalaheen in sanadka cusub u noqdo mid nabad iyo degnaansho ula curta una horseeda guul qarannimo iyo horumar.
Dhanka iyo Jabuuti, waxa muuqata in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele yahay siyaasi wadani ah oo hawlkar ah. Waxuu sannadka ka midho-dhaliyey inuu xoojiyo xidhiidhka walaalnimo ka dhexeeya Soomaliland iyo Jabuuti. Waxuu isla markaas ku guulaystay dhaxdhexaadinta garabyada isku haysta Soomaliya. Waana tan soo dhoweysay iscasilaadda Cabdilaahi Yuusuf oo ahaa ninkii ugu adkaa ee guushii Carta burburiyey.Madaxweyne Gheele waxa kale uu isla dhagax keliya ku dilay Eriteeriya oo uu kooxdii Maxkamadaha intii ugu cuslayd ka soo reebay. Waana cadow kale oo uu ka adkaaday. Waxa kale oo Jabuuti lagu xusuustaa u gurmadka dhaqanka, taariikhda iyo suugaanta Soomaliyeed, iyadoo badhitaar lexaad leh u geysatay qoraaga Soomaliyeed suugaan iyo cilmiba.

Annigoon arrimaha gudaha ee dalalka kale u dhaadhicin warkeyga oo kooban, aan dhinaceena iyo Soomaliland u gudbo, oo weliba aan qiimeyn iyo dhaliil ku sameeyo dawladeena xilka inoo haysa. Sanadkii ina dhaafay aan jaleecnee bal ila faaqid waxqabadkii hawlwadeenada dawladda . Waxa ayaan darro ah in sanad walba isla dhibtii kii hore ka jirtay ku bilaabanto kuna dhammaato. Ila xusuuso arrimahan soo jireenka ah tan iyo intii Madaxweyne Riyaale xilka hayey;


1- Idaacaddii Hargeysa iyo maqal la,aanteeda aan laga maqlin Dacarbudhuq. Ku dar fasax la,aanta idaacado xor ah. Waana qodob ka mid ah distoorkeena oo si badheedh ah loogu qodobeeyey, bal se toos loo daadifeeyey.

2- Weli Wershadii sibidhka waa wax aan jirin. Dhagax dhigii ma xusuusataa. Socdaaladii talantaaliga ahaa ee min heer madaxweyne, wasiir debedeed mid ganacsi iyo mid wershadeed ay ugu kicitimeen qaaradda Yurub, iyo wufuudii casuumadoodu sahayatay mushaharkii shaqaalaha Saaxil.

3- Ganacsigii Xoolahu waa sidoodii, oo konto distoorka ka soo horjeeda ayaa saran. Weli dhismahii loo rahmay qaranku ma dhammaan. Waa ereg-hadhaysan oo xoolaha lagu xareeyo inta la eegaayo caafimaadkooda, waxayse dawladdu ugu yeedha magac Carbeed oo dadweynaha lagu wareeriyo. Ma maqashay mahjarka...inteeba taqaan waxuu yahay...Waa dhisme bilo taajirka la siiyaa dhisi karo, amba Dawladda Hoose ee Berberi dhisi karto, faa’idadana ay reer Berbera u aayi lahaayeen. Mee se... waa faanoole fari kama qodna.. Waxa soo korodhay in xoolaheena Jabuuti waa hagaag ah, dhinaca Asmara la mariyo.Xabashina 5000 neef oo adhi ah ayey reer Awdal kala wareegtay, cidina uma hadal...waa dawlad mas’uuladeedii gabtay.

4- Aawey darajadii Ciidamadu. Halkay maraysaa derejadii shaqaalha dawladuu. Intii la hadal hayeyna dhammaatay. Waa shib iyo car waa ninka soo qaada.

5- Sidiibey u socdaan heshiisyadii batrool-baadhka iyo kheyraadka dabeeciga ah. Lama yaqaan cid loo fidiyey. Waa heshiisyo madax iyo minjo kala lahayn, oo kolba shirkad muddo yar jirtay loo sexeexo, iyadoo aan kuwii ka horeeyey waxba laga sheegin. Keebaa jira. Ma kii kal hore loo sexeexay, mise kii ka horeeyey, mise kan manta. Adba sheeg.

6- Weli Soomaliland ma taqaan cidda leh shirkadda Tootal ee kootada ku haysata batroolka. Lama yaqaan deynka ay ku hagaajisay toban sano ka hor haamaha shiidaalka. Maxaa deynka ka baxay, maxaa ka hadhsan. Sanadkii inteybay ku darsataa sicirka batroolka. Cashuur ma bixisaa? Cid taqaan ma jirto. Waxa keliya ee Wasiir Maaliyeed ilaa mid Ganacsi farta ku fiiqeen dhinaca Madaxtooyada. Halkaan dibnahaa laga xidhay.

7- Xadhigii ku dhisnaa xukunka degdega ah ee ka baxasan sharciyada iyo distoorka qaranku waa sidiisii. Weliba waxa lagu xidhay rag birmo-geyda ah oo maamuus iyo qadarin qaran huwan. Waxa xabsiga Mandheera lagu xareeyey Hogaankii Ururka Qaran. DR. Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid. Dhinaca kale waxa ka socday xoriyad-ka-qaadka saxafiyiinta oon gobalna ka fayoobeen. Waxa xabsiga u hoyday saxafiyiin , dambigood noqday hawshooda.Waxa xadhig loo geysaty saxafiiyin kala jooga Hargeysa, Boorame iyo Burco.

8- Waa caadadii Soomaliland oo muddadii xilkii dhammaa, kolkaasay haamhaamataa, xiiqdaa, xabeebataa oo xal iyo xaq leys barbar eryaa. Waana isla siday ku dhammaan jirtay, oo xalka ayaa aasa xaqa. Weli waa la sugayaa kolka xaqu adkaado. Dhacdadan waa dhammaadkii muddada loo doortay Madaxweynaha iyo xigeenkiisa. Xalkay u mashaxaradaa oo waa loo riyaaqay inay nabad iyo deganaansho loo kordhiyey muddadii xilka ilaa muddo sanad ah.

9- Waa amuur kale oo ka markhaati ah keli-talis dimuquraadi ah. Waxa Madaxtooyadu keli magacowday lix gobal oo cusub oo labanlaabay intii dalka ka jirtay. Kolkaasaa iyadoo aan sida distoorka ah laga ansixin Golayasha Sharcidejinta, ayuu Madaxweynahu u magacaabay xilal raggii maamuli lahaa. Caidina kama qaylin, oo doorashaa soo dhow, dadkuna ma fago fahamkiisu, oo waxaa laga yaabaa ciddii ka hadasha in loo sarifo si dadka magaca beenta ah lagu siray, codkooda la dudaan.

Waa tab loo soo dhigay in mucaaradku ka qayliyo, deedna dawladdu farta ku fiiqdo inay diidan yihiin kherka loo wado goballada cusub. Waxaan a la qaaday heestii DADBAY MEELI BUGTAA.....BARWAAQADA MIYEY KA BUKAAN...Mucaaradku waa la gartay oo shibbuu yidhi, weliba wanqasha beenta ah qaybbay ka qaateen. Dabinkii loo qolayna wey gees mareen. Waana guul iyo guul darro isku jirta.


10- Aan ku xidho iyadoo aan sii wadi karo qodobkan.Weli waa la sugayaa shir-weynihii xisbiga talada haya ee UDUB oo warkiisu gaadhay Xoghayaha Golaha Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka oo yidhi....Kulmiye waa qabsaday waanan ku hanbalyeynayaa Shirweynahii lagu soo doortay tartamayaasha Madaxtooyada weli se ma jirto shir ay qabteen labada xisbi ee kale, waa UDUB iyo UCID. Ku ladh taas ballankii Madaxweynaha ee soo noqnoqday sannado dhowr ah ahaana in la qabto Shirweyne Aqoonyahanka Soomaliland isagu yimaadaan ... weliba waxa la magacaabay Hay’ad iyo Guddi labo sano jiray, ... yaa yaqaan cidday yihiin iyo waxay qabteen.

Fiiro gaar ah ma iloobin arrintii rigga, mudaharadadii dhimmashada iyo dhaawaca geystay. Inantii ku dhimmatay bandoogii aan sharciyeysnayn ee Hargeysa la saaray kolkii muda kordhinta hadalku ka taagnaa, iyo inantii ku dhammatay diiwaangelintii Boorame. Dadkaas iyo qaar kaleba waxay ku dhinteen rasaastii askarta ay ahyd inay ilaaliyaan naftooda. Kiisaskooduna meel ay ku dambeeyeen lama maqal, warbaahintuna wey ka aamustay, xisbiyaduna wey ka seexdeen. Waaba laga yaabaa inay hoos hoos ku dhammaadeen. Waxa se habboon in warkooda la daba joogu oo si cad marwalba loo soo bandhigo. Waana waajib saran warbaahinta.

Waxa guul la xuso ah in diiwaangelinti goballadoo dhan si nabad ah, oo guud ahaan habsan ku dhacday kuna socoto. Waana waxaan daliil doonayn in kolka la wado tashado ee danta guud loo midoobo in guul la gaadhaayo. Hanbalyo ayaan u dirayaa dawlad, mucaarid, iyo hawlwadeennaba. Waxaan se digniin toosin ah leeyahay Komishanku xilka saaran culayskiisa ha garto. Waa toddoba qof oo xilka iyo masiirka qaranka shanta sano ee soo socda xil gaari ka saran yahay. Waa ammaano ay sanko neefle kasta oo reer Soomalilaand ihi u dhiibteen, Illaahayna wuu ku eegayaa. Illaahay ha ka dhigo qaar xilkooda daacadnimo iyo dhexdhexaadnimo u guta. Qaar garta ay qaadaan ahaato mid wanaag dhasha oo xaqqa iyo cadaalad ku biyo shubata.

Dhinaca waqabad wanaaga Golaha fulinta aan u dheelmano. Waxaan maqlay in Laba Wasiir Shahaadada Sharafkii sanadka la siiyey, uuna gartay urur samofal ah oo madax-bannaan. Kuwaas oo kale ah Wasiir Faadumo Suudi iyo Wasiir Warancadde, waa Qoyska iyo Gadiidka Cirka. Faadumo haa dhe iyo siyaade.

Waa Haweynadii labaad ee Wasiir noqota, waxa ka horreysay Wasiir Edna, waxayna labaduba muujiyeen in loo baahan yahay in wasiirada dumarka la badiyo si tayada Golaha kor loogu qaado.
Warancadde waan u foodi lahaa haddayna seddex dhacdo jirin. Kow waa libaaxi dhowrka jeer dhawacay dadka kolkii dambana gabadha dhalinyarada dilay, tan labaad waa kolkuu raacay Mayarka Hargeysa ee uu tegay Shiinaha isagoo leh waxaanu soo iibinaynaa baabuurta dab-damiska kuna qiimeeyey midkii lacag aanan halkan ka sheegeen oo buuro goysa.....Warancadde iyo Mayarkii soo noqde waxna mey keenin, waa haddaan wax u qarsoonayn.Waxa taas u raacda faraskii caddaa ee xaalka looga qaaday ee uu siiyey Guddoomiyaha Golhaha Guurtida Sh.

 Sulaymaan Nuur. Ma laha seddexdan dhacdo wey halmaameen ciddii shahaadada siisey . Kaftan ahaan kollay reerku waa reer maamuus iyo sharaf mudan, oo kal hore waxa sidoo kale loo sharfay Suldaankii reerka oo lagu abaal mariyey nabadeentii dirirtiii Daroor. Anna haddaan Warancadde ka qaaday meel kale ma geeyeen ee waxaan u cumaamadika lahaa Geeljire oon ku sharfi lahaa sida habsamida ah ee kaftan furan ku jiro uu dhacdooyinka siyaasadeed ee dalkeena si joogta ah u soo bandhigo....Warancadde naftiisana Wasiir kale kama doorteen.
Waxaa ina soo maray dhacdo waxwalba ka cuslayd, ka xummayd kana naxdin badnayd. Waxa leynala eegtay qarax argagixiso ooynaan u baran. Qaraxii indhaha la’aa ee is-miidaaminta aan jihaysnayn ahayd lalana beegsaday bartilmaameedkii caasimadda Hargeysa ooy kow ka ahayd Madaxtooyadu, waxay inoo noqotay digniin ina toosisay, ina mideysay oo mucaarid iyo muxaafid loo midoobay. Cadowgu waxuu ku fashilay inuu niyadeena jabiyo, waxuu ku hungoobay inuu raad xun inagu yeesho.

Waxaynu noqonay debed iyo gudaba dad gacmaha is-haysta oo indhahoodu noqdeen qaar aan libiqsan oon ka seexan ilaalinta qaranka. Waxaynu noqonay gacmo u gurmada dadka ay ku habsatay dil iyo dhaawac ayna galabsan. Isla markaas waxaynu tusnay biseel siyaasadeed kolka aynu mideenay odhahda mucaaradka iyo dawladda, iyo markaan sugnay nabadgelyada martida dagaalada ka soo qaxay ee maganta inoo ah. Iyana abaalka wey dareemeen, waxayna walaalnimada loo muujiyey ku soo celiyeen kolkay is-abaabuleen oo hiil af iyo daawo ah u fidiyeen dadka khasaaruhu ka soo gaadhay gardarrada aan geedna leynagu soo gaban.

Haddaba aan intaas ku dhaafo dhaliisha raggaan xilka u dhiibanay si gaar ah Golaha Fulinta. Waa dhaliil, cey ka fog, cadownimina iska daa. Waa waxa faraska usha loogu dhuftaa waa ha badiyo. Golaha Wakiilada iyaga waxa ugu culus oo dhaliil aasaas ah noqonaysa, inay waayaan marar badan inay kooramka buuxiyaan. Doodu waa gaabantay, waana teel teel. Waxa la yaab leh inay ilaa manta oo ah dharaartii ugu dambeysay sannadaka inaan la hayn Miisaniyaddii sanadka, oo ah aaladda ugu culus ee ay dawladdu ku xisaabiyaan kuna xakameeyeen. Hadal hayna maba jirto. Xilkaasi halkuu ka dhacay, maxaa se looga aamusay.

Xisbiyada laba intaan kor ku sheegay u dhaafimaayo, ee Kulmiye sannadka dhammaaday waxuu u ahaa fool adag oo raagtay. Nin waliba wax filanaayey. Mid rajeynaayey kala tegooda, iyo mid arkaayey inay gudbi doonaan. Wey ducatay, taahday ooy rafatay, waxay se noqtay mid caafimad ku umushay. Kulmiye waa dooday, tartamey, is-riixay, is-duqeeyey. Waxaana ka soo baxay bir la shiilay, la gubay oo noqotay birlab. Weli ragbaan tabayaa, waa mujaahidiin culus oon Kulmiye la’aantii magacoodu quusi doono, Kulmiyana wax tari kara, iyana Kulmiye ayey wax ku noqon karaan. Waa xisbigiinii oo kaadh casuumadeed uma baahnidin ee hawsha halkiinii ka soo gala. Yeedhis iyo xaal midna ha sugina, roobka ka gilgisha kana soo gala dugsiga Kulmiye. Wax yarbaa hadhay ee hinjiya oo midnimada aan ku gaadhno guul aynu ILLAAHAYNA talo saarano.

Allow sanadka dhammaaday haraatidiisa na gees mari, kan bilaabmayna hirdadiisa na baal mari. Allow Islaamka u gargaar, kan Falastiin ku dhibaateysan badbaadi, dhibta dhextaal daawee, Soomali meel ay joogtaba nabad iyo barwaaqo sii. Muslimka walaalnimadooda iyo wanaagood is tus, beerkooda burcad isu mari. Allow talada ugu dhiib inta ugu mudan oo ka dheeree daalin aan adna kaa cabsan iyana u arxamin. Aaaamiin.



Waa inoo maqaal kale iyo fikir aan idinla wadaago.

 

 


Ahmed Arwo

Samotalis@gmail.com