Sannad-guurada 28-aad
Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii SNM
Maalmaha adduunyada midba waxay leedahay xasuus gaara iyo taariikh
gooni ah oo lagu xasuusto.
Haddaba maalinta 6-da April waa maalin ugu suntan dadka reer
Somaliland guul weyn oo raadweyn ku yeelatay nolashooda, waxayna
kaga duwan tahay maalmaha kale waa maalintii rumeysay himiladii xaq
u dirirka, waa maalinta dhabaysan in la diidi karo yeeshii taliskii
Siyaad Barre, waxay taabatay ruux kasta oo reer Somaliland ah, waxay
wax ka badashay fikirkii iyo siyaasadii mandaqada Geeska Afrika.
Taasi oo horseeday qaab iyo hanaan cusub oo dimuqraadiyadeed oo ka
hana qaada gobolka, isla markaana tusaale u noqda dadyowga dunida.
Maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa ee bisha April tahay 6-du
waxay ku beegan tahay sannadguuradii 28-naad ee ka soo wareegtay
markii magaalada London lagaga dhawaaqay jabhadii xorreynta ee SNM.
Dhaqdhaqaaqa SNM oo ahaa mid maalinba heer joogay waxa ay
xarakadiisu ka soo unkatay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo ay
sannadihii toddobaatanadii u haajireen aqoonyahano, siyaasiyiin,
arday iyo dad badan oo xoogsato ah, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi
shaqooyin ka raadsadeen, ka dib markii ay dadka reer Somaliland ku
hungoobeen midowgii Soomaaliya 1960. Arrintana waxay sababtay in
halkaasi xarun u noqoto dhaqaaq hor leh oo ishaysta ilaa dalkii,
London iyo Gacanka Carabta, kaasi lagaga wada tashanayay qaabkii iyo
hanaankii dalka looga xorreyn lahaa taliskii dhiig yacabka ahaa ee
Muqdisho. Dadka reer Somaliland-na waxay wakhtigaa wadaagayeen
dareen guud oo ay ka sinaayeen, kaasi oo ay kaga soo horjeedeen
nidaamkii cagajugleynta, cabadhusika iyo xaqdarada ku dhisnaa ee ay
ku hayeen dolwdihii talada Jamhuuriyadii Soomaalida isaga danbeeyay.
Dhalashada iyo dhawaaqida SNM ay kaga dhawaaqeen mujaahidiintii
tirade yarayd waxay ahayd mid shacbigu in badan ku dhololeen kana
dhursagayeen dhalashadeeda, tan iyo intii uu dhicisoobay inqilaabkii
Allah ha u naxariistee Xasan Keyd Horseedka ka ahaa. Waxay ahayd
sannadkii 1981-kii markii dalkan Ingiriiska ay soo gaadheen niman
aqoonyahano ah oo reer Somaliland, kuwaas oo intooda badani ay ka
soo kicitimeen dalka Sacuudiga. Sababaha ugu waaweyn ee kalifay
ragaasna waxay la odhan karaa waxay ahayd dhibaatadii ay dalka ku
haysay xukuumadii Siyaad Barre iyo iyagoo ay u cuntami wayday
xaalada dalkooda hooyo ka jirtay xilligaasi.
Waxa haddaba 6-dii April,
1981kii, isugu yimi magaalada
London ilaa 200 oo
ruux oo reer Somaliland ah oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin,
iyo qaybaha kale ee bulshada oo ka kala yimid daafaha dunidu.
Kullankaasina waxa uu ka dhacay hoolka shirarka ee Conought Rooms
Hotel oo ku yaallay faras magaalada magalada London. Halkaasi oo
dhidibada loogu taagay jabhadii xorreynta ee SNM ee dalka ka xoreyso
taliskii nacabka ahaa ee Siyaad Barre.
Maalintasi dadka qaar ayaa walaac ka muujiyay sida ay u adag tahay
in dagaal hubaysayn lagala hor yimaado dowladii diktaatooriyada
ahayd oo lagu tirin jiray waddamada ugu xoogga badan qaarada Afrika.
Halka dad badan oo guddaha iyo dibedda dalka ku sugnaaba si aada oo
kalsooni badani ka muuqato u soo dhaweeyeen.
Aasaaska SNM wuxuu ahaa mid si aada loogu farxay oo noqday naruuro
iyo rajo iftiimaysa oo ay ku soo hirtaan dadka xaq u dirirka ahi.
Doc kale haddii aynu
ka eegnana ku dhawaqidii SNM waxay ku soo beegantay xilli uu marayay
meel daran cadaadiskii isir nacaybka ku dhisnaa taliska Muqdisho ku
hayay shacbiweynaha reer Somaliland oo dadku si cad uga hor
yimaadeen nidaamkiisii. Sidoo kale waxa iyana dalka ka jiray
dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ah oo waxa xayiraad culus la
saaray ganacsiga oo dad reer Somaliland ay xirfad dheeraada u
lahaayeen, iyagoo ka faa'iideysanaya xidhiidhki maayacmushtari ee
soo jireenka ahaa ee ay la lahaayeen dalalka gacanka carbeed.
Abuuritaanka dhaqdhaqaaqa SNM wuxuu naxdin iyo niyadjab weyn ku
noqotay kaligii taliyihii Siyaad Barre oo kaga jawaabay xadhig, dil,
dhac iyo dulmigii uu dadka reer Somaliland ku hayay inuu sii laban
laabo, taasi oo shiidaal u noqotay halgankii xorreynta.
Isla dabayaaqadii sannadkii 1981-kii ayaa waxa shir kale la isugu
yimid magaalada London, kaasi oo lagu doortay
guddoomiyihii ugu horeeyay ee Jabhadii SNM.
Ahmed Mohamed Gulied (Chairman)
Ahmed Ismacil Dikhsi
General Secretary
Dr. Abdisalam Y. Mohamed
Secretary for foreign affairs
Said Abdillaahi Egal
Secretary for internal affairs
Ahmed Gulied (Zaili)
Party Secretary
Hassan Essa Jama
Political Secretary
Mr. Mohamed Ahmed Zaidi
Secretary for finance
Mohamed Hashi Eilmi
Secretary at large
Waxa iyana durbadiiba u gudbay dhinaca dalka Itoobiya saraakiil sar
sare oo ciidanka ka tirsanaa oo ay ka mid ahaa aasaasayaashii
garabkii milatariga ee SNM, kuwaas oo bud dhig u noqday ciidamadii
xorreynta ee ugu horeeyay ee jabhadda SNM yeelato, waxaanna ka mid
ahaa saraakiishaa Allah u naxariistee Muj.
Aadan Sheekh Maxamuud (Aadan Shiine),
Muj. Axmed Dhagax,
Muj. Maxamed Cali iyo
Muj. Maxamed Kaahin.
Waxa iyana jirtay in isla sannadkaa lagu lagu toogtay Bariga Gobolka
Togdheer (Dharkeyn geeye) Allah u naxariistee
Col. C/llaahi Siciid, taasi oo ka cadheysiisay saraakiil
badan oo reer Somaliland ah, kuna dhiirigalisay in ay si dhakhsaha
badan ugu gudbaan dhinaca SNM.
Ururka xorreynta ee SNM wuxuu isla
markiiba ku tallaabsaday horumar mug leh oo dhinaca kasta ah waxaanu
fajaciso iyo amakaag ku riday ciidammadii ka amar qaadan jiray
xukuumadii Siyaad Barre. Waxa haddaba xusid mudan marka laga tago
mahadhooyinkii
mujaahidiinta SNM ka geysteyn goobihii
dagaalalada ee la isku haleelay, hawgaladii guddaha dalka ay ka
fulliyeen sida Jabintii
jeelka Mandheera, furashadii
Muj. Cabdillaahi Askar, dilkii taliyihii nabad-sugidda ee
Gobolka Waqooyi/Galbeed iyo kuwo kale oo badan.
Hawgaladaasina waxay ku dhaliyeen ciidamdii Afweyne qalbi jab,
argagax iyo in ayna u babac dhigi Karin xabadda xaq u dirirka, taasi
oo dhinaca kalena kor u qaaday niyadii dagaalyahanka
SNM.
Jabhadii SNM iyadoo ka duulaysa
heshiiskii Itoobiya iyo Jamhuuriyadii Soomaaliya dhex maray, ayaa
waxay qaateen go'aan adag oo hal adaygnimo iyo kalsooni leh, waxayna
weeraro ku eekeeyeen ciidamadii cadowga ee ku sugnaa Somaliland,
halkaasna waxa ka bilowday dagaalkii guddo galka dalka 27-kii May
1988kii, oo ugu danbayntii horseeday gobanimada iyo xorriyada dadka
reer Somaliland maanta haysto.
Taariikhda ururka SNM maaha mid maqaalo
lagu soo koobi karo balse waxay u baahan tahay in buugaaga iyo
filimo badan laga sameeyo inta ay nool yihiin mujaahidiintii ka qayb
qaatay halgankii xorreynta dalku.
Guud ahaanba intii SNM jirtay waxay
yeelatay 5 guddoomiye oo si xor ah loo soo doortay, oo kala ahaa:
Muj. Axmed Jimcaale Guuleed (Allah
Yarxam)
Muj. Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (Allah
Yarxam)
Muj C/qaadir Koosaar (Allaah
Yarxam)
Muj. Axmed Maxamed
Siilaanyo
Muj. C/raxmaan Axmed Cali (Alah
ha naxariisto).
Dimuqraadiyada ururka SNM dhex diisa
taallay ayaa ahayd mida gogol dhiga u ahayd horumarkii, cududii
milatari iyo guulihii mudda yar ururku sida dhakhsaha ah u gaadhay.
Taasi oo ahayd mid cajiib ah oo lagu faani karo, waxay ahayd mid aan
ka suurtagalin jabhadihii kale ee taariikhda dunida soo maray. Taasi
markii danbena tiirar iyo sal ay ku is taagto u noqotay Jamhuuriyada
Somaliland.
Ururkii xorreynta ee SNM isagoo
tixgalinaya distoorkii u yaallay ayuu markiii uu muddo 2 sanno ah
tallada dalka hayay dib ugu celiyay gacanta shacbiga reer Somaliland
si ay aayahooda uga tashadaan. Jabhadii SNM
waxay gadh wadeen ka ahayd nabadayntii beelaha reer Somaliland dhex
martay iyo geedis socodkii nabada Somaliland ka hana qaaday.
Haddaba iyadoo dagaalyahankii SNM ay ka
badheedheen halgankii ay la soo galeen taliskii nacabka ahaa oo ay
naf iyo maalba u hureen. Waxayna inaga mudan yihiin
mujaahidiinku qadarin iyo tixgalin dheeraad ah oo la siiyo maadaama
ay yihiin kuwii horseed ka ahaa gobanimada iyo xoryada dadkeena
maanta hadhsanayaan.
Illaahay waxaanu uga baryaynaa inta shahiiday inuu naxariistii janno
ka waraabiyo inta noolna waxaanu leenahay farxad nagula ciida
maalintan taariikhiga ah, Ileyskaa kuwii shidow abaal baan idiin
haynaa ummadaa ninkii qadshoow Inkaar baan kugu ognahayn
Jamhuuriya Online
|