SAQADHIYOW ADIGOO KAASHAN KARA TAANI ,SOMALILAND KALA BADBAADI OO GEESINIMO MUUJI HADDII KALE ISKA CASIL XILKA

 

Taliyaha ciidanka boolisku wuxuu muujiyey inuusan ahayn nin fahamsan xilkiisa oo aan  dhe x-dhexaad ahayn, waana taliye hore oo ka soo jeeda gaalo ka dhadhkii hore oo aan  marn aba Brain-wash casri lagu camaynin maskaxdiisa oo ah nin ka amar qaata hadba cidda ka sarreysa, sax iyo khaladba, iskana indho iyo dhego tira sharciyadda iyo Kaalinta ciidamada nabadgelyada lagaga waajibiyey arrimaha doorashada, iyadoo uu durba taliyaha ciidanka boolisku baal-maray, kuna xad-gudbey waajibaadkii iyo kaalintii dhex-dhexaadnimo, ee laga filaayey inuu raaco boolis ahaan:-

1. Inay boolis ahaan ahaadaan dhex-dhexaad, markey xilkooda gudanayaan.

2. Inay dhawraan una hoggaansamaan shuruucda iyo hab-raaca doorashada.

3. Inay sugaan ammaanka iyo kala danbeynta inta ay doorashadu socoto, iyadoo uu  waaji bku yahay inay hoos yimaaddaan Guddiga doorashada, kana amar qaataan wixii  doorasha da ku shaqada leh oo dhan.

4. Inay wada shaqayn fiican la yeeshaan axsaabta iyo ururada bulshada.

5. In sida uu sharcigu sheegayo ay ku waajib tahay inay ka amar qaataan wakhtiga  arrim aha doorashadu socdaan hawl-wadeennada doorashad u xil-saaran, iyadoo amarka kama danbeysta ahna ay leeyihiin loonna dhaafayo Guddoomiyeyaasha goobaha doorashada.

6. Booliska waxa ka reeban inay iyagu carqaladeeyaan ama is-hortaagaan hawlaha hawlw addeennada Guddiga doorashada, isla markaasna aysan wax amar ah oo ku saabsan  doora shada ka qaadan wasiir iyo cid kale toonna ee aan ahayn Guddiga doorashada.

-Boolisku waa inay si gaar ah u ogsoon yihiin shawrsanaanta iyo xasaanadda komishanka (heer kasta), murashaxiinta iyo hawl-wadeennada doorashada loo magacaabaa ay  leeyi hiin, sida ku cad qodobka 21aad ee xeerka doorashada 20/2001.

-Komishanka iyo Guddiga ilaalinta anshaxa doorashada waa inay indhaha furnaan oo ay arrimaha doorashada cidda faro-gelinta ku haysa ummadda u sheegaan oo berri ka maalin la soo bandhigo wixii fal denbiyeed ah ee laga galo dalka iyo dadka, si loo raadraaco

-Taliyahan ciidanka boolisku waa nin turxaan hore u lahaa oo wuxuu ahaa ninkii marxuun  C abdi-rashiid nabadgelyadiisa mas’uul ka ahaa markii lagu diley Laas-caanood, taas oo mag ac xumo iyo taariikh madow ku reebtay laguna xasuusto Saqadhi, waxaana manta looga  di gayaa inuu taariikh xun oo ma-ha-dho ah ka kasban, kuna fekero sidii uu uga dabaalan  lah aa, ugana samata-bixi lahaa ceebaha iyo shir-qoollada loo maleegaayo inuu ku dhaco oo uu ku fashilmo, hadduusan iska garan oo uusan iska fogeynin, kuwa amarada qaldan ee aan sharciga ahayn kor ka soo siinaya, taasoo uu ka shalleyn doono, hadduusan inta goori-goor tahay is-daba qaban oo iska garanin, isna sixin isagoo raacaya xeerka iyo nidaamka doorashada.

 

 

 

Axmed  Aden Cali (Goodir)
Hargeysa Somaliland