Saraakiil ka socota Baanka Faransiiska, ayaa shalay booqasho ku yimi caasimadda Somaliland ee Hargaysa

 


Weftigan saraakiisha ah oo kooban saddex xubnood oo u kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Djibouti ayaa u jeeddada safarkoodu la xidhiidhaa fulinta ballanqaad hore oo ay xukuumadda Faransiiska ku sheegtay inay Somaliland ka furi doonto laan ka mid ah baankeeda horumarinta kaa soo fulin doona adeegyo caalami ah.

Illaa hadda imaatinka saraakiishan wax war ah xukuumaddu kamay soo saarin, inkastoo hore shacabka ugu sheegtay in wufuud Baanka dalka Faransiiska ka socdaa dalka imanayaan.

Dhowaan ayaa wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Mudane Mudane Cali Faarax Casoowe ay booqasho ku yimaaddeen Somaliland, waxaanu sheegay in ay

Masuuliyiinta Somaliland kala hadli doono qorshe uu baanka saddexaad ee France oo xarun ku leh Jabuuti uu dhawaan laan cusub uga furan lahaa Somaliland, “Waxaan xukuumada Somaliland kala xaajoon doonaa sidii baanka saddexaad ee dalka Faransiiska oo Jabuuti xarun ku leh uu Somaliland dhawaan uga furan lahaa laan,” ayuu yidhi Md. Casoowe

 

 

 



TogdheerNews