Saraakiil ka Tirsan Millatariga Maraykanka oo Ha rgeysa Keenay Shimbiro Lagu Rakibay Qalabka Sirdoonka

 


Kulan Madaarka Hargeysa ku dhexmaray saraakiil millateriga Maraykanka ka tirsan iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland iyo ammaanka garoonka oo aad loo adkeeyey



Hargeysa (Timacade News)- Saraakiil ka tirsan ciidammada Maraykanka oo watay diyaarad kuwa milletariga ah, ayaa gelinkii hore ee shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, halkaas oo ay kulan gaaban kula yeesheen Taliyaha hay’adda Sirdoonka Somaliland Mr. Maxamed Nuur.


Ma jiro wax war oo xukuumadda ka soo saartay ujeeddada socdaalka  saraakii sha ka tirsan ciidammada Maraykanka iyo ujeeddada safarka qarsoodiga ah ee ay ku yimaaddeen Hargeysa iyo weliba waxyaabaha ay ka wadahadaleen masuuliyiinta Somaliland.


Haseyeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogo-gaal ah, diyaarad  ku wa milletariga Maraykanka ah, ayaa abbaaro 8:30 subaxnimo ee shalay soo cago-dhigatay madaarka Cigaal International Airport ee caasimadda  Harge ysa, taas oo ay ka soo degeen laba sarkaal oo ka tirsan ciidammada  Marayk anka, kuwaas oo kulan muddo dhowr iyo toban daqiiqo qaatay qolka martida ee madaarka kula yeeshay Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland Mr. Maxamed Nuur oo isagu xilligaa ku sugnaa garoonka.


Waxa kale oo ilahaas xaqiijiyeen in intii uu socday kulanka saraakiisha  Marayk anku la yeesheen Taliyaha Sirdoonka diyaaradda milletariga Maraykanku  wa teen oo ahayd nooca dabada furan laga siidaayey laba shimbirood oo la  aamin san yahay inuu ku rakiban yahay qalabka loo yaqaan ‘JPS’ oo ah nooca loo  ad eegsado hawlaha basaasidda, kuwaas oo si toos ah ugu duulay gudaha magaa l ada Hargeysa, iyadoo markaa kadibna shimbirii noo weli ku maqan gudaha ma gaaladda diyaaradda sidday saraakiisha Maraykanku dib-ugu-duushay halkii ay ka timi, kadib dhawr jeer markii ay ku wareegtay madaarka.


Hase ahaatee si cad looma oga nooca shimbiraha ciidammada Maraykanka  ke eneen Hargeysa iyo ujeeddada ka dambaysa toona, balse waxa la aaminsan yahay in ay la xidhiidho hawlaha sirdoonka eek u wajahan la dagaalanka  arga gixisada.


Dhinaca kale, ammaanka madaarka caasimadda Hargeysa, ayaa si weyn loo adkeeyey, kadib markii subaxnimadii hore ee shalay masuuliyiinta ammaanka ee garoonka amar lagu siiyey in ay joojiyaan gebi ahaanba dhaqdhaqaaqyada gaadiidka iyo dadka lugta ah ee gudaha madaarka, sidoo kalena muddada  sar aakiisha ciidammada Maraykanku joogeen ma jirin wax diyaarad ah oo  mada arka soo fadhiisatay iyo mid ka duusahy toona.


Ammaanka madaarka ee sida weyn loo adkeeyey, ayaa saamay ku yeeshay hawlaha shaqo ee gudaha madaarka Hargeysa, iyada oo gudaha garoonka laga mamnuucay nooc kasta oo gaadiid ah, marka laga reebo kuwa dab-demi ska diyaaradaha.


Saraakiisha ciidammada Maraykanka ee markii ugu horreysay Hargeysa  kee nay shimbiraha loo adegsado hawlaha sirdoonka, ayaa la sheegay inay ka  tir san yihiin saldhigga ciidammada Maraykanku ku leeyihiin dalka Jabuuti oo ah xarunta ugu weyn ee laga maamulo hawlgallada la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika.








Source: Jamhuuriya Online