Sawirka Muuqaalka Guud ee Madaarka Cusub ee Caasimada Somaliland
 


Hargaysa (TNN)- Waxa dalka ku soo laabtay waftigii uu hogaaminaayay wasiirka duulista iyo hawada Somaliland, Mudane, Cali Maxamed Warancadde, oo uu ka mid ahaa duqa  caas imada, Mudane, Xusseen Maxamuud Jiciir,

Weftigani oo socdaalkooda ugu weyni uu ahaa soo gabo gabaynta heshiiskii ay wasaarada duulista iyo hawadu la gashay shirkada dhisaysa oo laga leeyahay dalka Shiinaha, ayaa  m uuqaalka guud ee madaarka caasimadu ee Egail Intaranational Airport, waxa uu guud  aha an u eekaan doonaa sawirkaasi koryaala, dhismaha oo si dhakhso ah dhawaan loo bilaabi doono.


Madaarka Hargaysa ayaa noqon doona mid ay diyaaradaha waaweyni ay ugu soo dagaan ugana hadaan qaarad ilaa qaarad, iyo sidoo kale diyaaradaha waaweyn ee xamuulka  qaa da oo si dhib yar ugu soo degi karana ugana haadi doona.


Madaarka Egail International Airport, ayaa noqon doona mid ka mid ah madaarda ugu  bala adhan ee ku yaala geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka kaasi oo hiigsanaaya in ay  maali ntii ka dhoofi karaan kumanyaal kun oo qof isla markaasnina ay tiro aad u badani ay ka soo dagi karto, isga oo madaarku u diyaargaroobaaya in saacad kasta diyaarado ka duuli  kara an kuna soo degi karaan isla markaasina uu wato dhamaan adeegyadii caalamiga ahaa ee madaarada dunida.

Source:Somalilandnation