Saxafiyada Aamina Muuse Weheliye Oo Ka Hayaantay Tele feshinka Universal Tv, Una Diga Rogotay HCTV


 

 


Sidaana waxay ku sheegtay qoraal ay nuqul ka mid ah soo gaadhsiisay Shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News ....

London (TNN)- Saxafiyada Aamina Muuse Weheliye ayaa si rasmiya ugu biirtay Telefeeshinka HCTV, iyadoo hore uga tirsanayd Tv’ga Universal.

Sidaana waxay ku sheegtay qoraal ay nuqul ka mid ah soo gaadhsiisay Shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News, wuxuuna u dhignaa qoraalka ay nasoo gaadhsiisay Aamina Muuse Weh eliye, isagoo dhamaystiran sidan:-

“Maanta oo bisha March tahay 8, sanadka 2013-ka waxaan idiinla socodsiinayaa, in aan iska casilay si rasmi ah shaqadii aan u hayey taleefishanka UNIVERSAL oo aan la soo shaqeeyey si sharaf leh muddo ku dhow laba sannadood.

Waxaan u rajeynayaa mulkiilaha, maamulka iyo shaqaalaha walaalaheyga ah meel kasta ooy dunida ka joogaan, horuumar iyo badhaadhe, tageerayaasheyda waxaan leeyahay idinkama tagine, gurigii uun baan ka guuray, midka cusub oo aan degayna marti kama tihiin, waana isla socon doonnaa, iskana war qabi doonaa haddii eebbe yidhaahdo.

Barnaamijyadii aad iiga barateen ee NALA FIIDSO, BANDHIGGA AMINA iyo kuwo kale oo hor leh-na waxaad ka daawan doontaan HCTV oo ay iminka suurta-gashay inaan wada gaadhno heshiis wada-shaqeyneed oo rasmi ah, ka dib markii wadahadal iyo gor-gortan shaqo oo culusi uu noo socday aniga iyo milkiilaha Taleefishankaasi Farxaan Xaaji Cali, tan iyo bishii MAY ee sanadkii hore ee 2012-kii, gor-gortaankaas oo ay dad farabadan oo kale oo Soomaliyeedna ka qeyb-qaateen,
Waxaan idin leeyahay kulligiin nabad iyo caano ku noolaada”.

 

 

 


Amina Muuse Weheliye
Luton, Bedfordshire
United Kingdom