Sh Aadan Siiro oo ka digay Kooxo Al-shabaab oo soo guryo noq day Xukuumadana ku dhaliilay inaanay Sirdoon ka hotaga lahayn

 


 

Hargeysa (TNN) Sh Aadan X Maxamud Aadan Siiro ayaa ka digay kooxo uu sheegay inay wadaado yi hiin oo aan muddo Dalka lagu arag oo Hargeysa soo buux dhaafiyay, kuwaasoo uu sheegay ujeedad a ay u socdaan inay tahay sidii ay dadkan masaakiinta ah u dhibaatayn lahaayeen. Sidaana waxa uu ku sheegay qudbadii Jimacaha ee maanta

Sh Aadan waxa uu sheegay in kooxda Al-shabaab dagaalada lagu qaaday ay sababayso inay ku  no qdaan deegaanadii ay markii hore ka tageen isla markaana ay ka sameeyaan dhadhaqaaqyo ay ku waxyeeleeyaan dadweynaha meelahaas degan, maadaama aanay haysan meel kale oo ay ku gabad aan

Sheikh Aadan waxa uu Xukuumadda ku dhaliilay inaanay aqoon iyo xirfad u lahayn sidii ay uga  horta gi lahayd kooxdaasi xukuumadani ma laha Sirdoon aqoon u leh dadka cadawga ah ee soo weeraraya “Xukuumaddii hore waxyaabahay ku wanaagsanayd waxa ka mid ah waxay garan jireen markay  Kis maayo ama Xamar ka soo baxaan, maaha dadka aqoonta leh in UDUB bay ahaayeen shaqada lagaga eryo waxaanu leenahay waa in la daayaa oo shaqada loo dhiibaa dadka xirfadda u leh” ayuu yidhi Sh Aadan

Waxaanu intaa ku daray “Maraykanku waxa uu qofka khibrada leh siiyaa wax kasta oo uu doonayo si uu uga faaiidaysto haduu hooyadii u baahdo ama Aabihii halka uu joogo ayaa loogu geeyaa si  aa nu aqoontaa dalkiisii ugula laaban inana manta ayaynu leenahay baabuur baa Nambar laga goostay maxaad iskaga difaaci dadkii aqoonta lahaaba waad eridaye.

Aniga cid iiga aqoon badani ma jirto wadaadada waxa aan aqaanaa mid kastaa waxa uu doonayo markuu halkaa soo socdo ayaan garanayaa imika maalmahan waxa aan arkaa rag dalka muddo badan ka maqnaa waxa loo baahan yahay in lala socdo, waad ogtihiin Al-shabaab Somaliya dagaalo badan baa lagaga qaaday ragaasi waxay dib ugu soo noqonayaan deegaanadoodii waxay wadaana waa wax aan meelna gaadhsiisnayn.

Masaajidkani waa Masaajid laga taageersan yahay Shareecada Islaamka, waa masaajid laga  taage ersan yahay Somaliland, waa masaajid laga taageersan yahay wada jirka iyo horumarka mudan  wa anu ka soo horjeednaa wax kasta oo ka hor imanaya Masaaliixdooda umana baahna nidaam kale oo meel kale laga soo waariday waanu soo tijaabinay.” Ayuu k soo xidhay hadalkiisii ku saabasanaa dh aqdhaqaaqyada dalka ka socda

Sh Adan Siiro waxa kale oo uu ka hadlay Masaajidka la sheegay in laga dhisay dayrka Cisbitaalka w axaanu yidhi cida masaajid inay dhisto doonaysaa hanoo timaado anagaa geyn dhul u baahan oo ay dadka degan wajiyada iyo Gacmuhu mudhxeene, halkaasi waa meel isgoys ah Cisbitaalkaa u baahan, maaha meel walba in la dhiso oo ay xukuumadu hor orodo dad ganacsato ah oo lacag haysta oo ugu gabanaya wixii danta guud ahaa

Waxaan dadweynaha leeyahay waa in laga hortagaa arrintaas oo loo caqli celiyaa cida Masaajidkaa dhisaysa Dawladii hore ee aynu la dagaalanay waxay dadka uga tagtay dhul farabadan oo dan guud ahaa hadii intii la baabiiyo maxaa soo hadhaya.

Sh Aadan Siiro waxa uu mahadnaq u jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Crashiid Beer-geel Xukunkii uu ku riday ninkii dadka baadhay ee lacagtii ka furtay qoysas badan ee u soo cumaamatay si uu fidno ugu sameeyo, waa talaabo horumar leh in laga badbaadiyo bulshada dadka caynkaas ah

 

Source:Waaheen