Sh Shariif oo Hillary Clinton kula kulmaya Nairobi kana qayb galaya shir lagaga hadlayo marxalada ay Somaliya gashay

 


Muqdisho (TNN) Madaxweyaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu berr i ka furmayo shir looga hadlayo xaaladda waddanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Nairobi kula kulmaya xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykan ka Helery Cilinton iyo masuuliyiin kale oo ka socota beesha caalamka, waxaana shirka diiradd a lagu saari doonaa marxaladda cusub ee ay Soomaaliya galayso iyo kaalinta ay ku yeelan karto beesha caalamku.

Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee maga alada Muqdisho ayuu ku sheegay in shirka ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaasha maamull ada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug iyo ASWJ.



Madaxweynaha Soomaliya mudane shariif sh. Axmed wuxuu kulan la yeeshay wasiiradda ar rimaha gudaha ee dalka Siishilis iyo Waiisirka gaashaandhiga dalka Kenya Yusuf Haji iyo Jeef Morgan.



Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha mudane C/samad Macalin Maxamuud, C/qaadir Macalin Nuur oo ka tirsan hoggaanka ASWJ iyo masuuliyiin kale.

- Dhamaad –



Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia