Shacabiga Gobolka Hargeysa oo Saaka si rasmi ah ugu dareeray diiwaangelinta codbixiyeyaasha

 


diiwaangelinta codbixiyayaasha Gobolka Maroodi-jeex oo hore dhawr jeer hakad ugu yimid, ayaa saaka subaxdii waaberi si rasmi ah uga bilaabantay gobolka oo dhan, iyada oo 337 goobood ay hawshu ka bilaabantay.

Waxaana jira goobo ay cilado farsamo ku yimaadeen oo hakad galiyey habsami u socodka diwaangalinta, iyada oo ay jiran goobo sanaadiiqdii u kala bedelantay iyo kombuyuutaro shaqayn waayey, balse markii dambe la cilad saaray,waxayna ilaa hadda diwaangalintu u socotaa si habsami ah, wax dhibaatooyin ahina in ay dhaceen ilaa hadda lama soo werin.

Lixdii subaxnimo ayayna diwangalintu si rasmi ah u bilaabantay, waxayna komishanka Doorashooyinku bulshada ugu baaqeen in ay si fiican ugu dareeraan diwaangalinta si ay jawaab ugu noqoto dadkaa weerarada argagixso ku soo qaaday Somaliland oo ujeedadoodu ahayn in ay khalkhal galiyaan habsami u socodka diwaangalinta.



Wixii warar ee dheeraad ah la soco



 

 


Jamhuuriya Online