Shalay Iyo Dareenkii Madaxweyne Rayaale

 


lagugu soo baadhay iridda hoteelka laga galo, ayaa haddana mar labaad iyo weliba saddexaad lagugu sii hubinayay kadimada kale ee laga sii galo gudaha hoteelka. Halkani waa Hargeysa, goobtuna waa hoteelka Maansoor oo uu ka socdo shirweynaha labaad ee xisbiga UDUB oo la filayo in Arbacadan maanta la soo gunaanado.
Shirweynahaas waxa ka qayb galaya ergo ay tiradoodu gaadhayso 800 oo xubnood oo ka kala yimid gobalada dalka iyo qurbaha.

Hoolka uu shirku ku qabsoomay oo ah dabaqa sare ee hoteelka, ayaa lagu sharaxay calanka xisbiga UDUB iyo muuqaalo kale oo dhammaantood tilmaamaya UDUB. Ammaanka guud ahaan hoteelka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xanibay in cid aan sidan kaadhadhka aqoonsiga ee shirkaas loo sameeyay aanay soo gelin guud ahaan hoteelka
Shirweynahan oo ah kii labaad ee xisbigu yeesho waxa lagu dhisi doonaa hoggaankii xisbiga, iyadoo la filayo in lagu soo doorto murashixiintii xisbiga uga qayb geli lahayd doorashada madaxtooyada. Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah guddoomiyaha xisbigaas, ayaa shirkaas ka qayb galaya iyadoo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka ahna sidoo kale ku xigeenkiisa dhinaca xisbiga Md. Axmed Yuusuf Yaasiin. Madaxweyne Rayaale, markii uu madasha shirku ka socday soo galay waxa ay ergadii halkaas joogtay isla oogsatay sacab iyo mashxarad soo dhawayn ah, waxaanu salka dhigay goob loo sii diyaariyay oo si toos ah uga soo horjeeday halka ay fadhiyeen ergooyinka shirka ka qayb galayaa.

Waxa barta uu fadhiistay ku soo dhaweeyay guddigii qaban qaabada shirweynaha UDUB oo uu ugu horeeyay Md. Axmed Yuusuf Yaasiin. Waxa uu Rayaale ku labisnaa suudh madow xiga oo uu u xidhnaa shaadh cad iyo tay, isagoo madaxa ku sitay koofiyad lagu xardhay magaca iyo astaanta UDUB. Jawigiisa guud wuxuu u muuqday duleed ahaan mid degen, laakiin waxa haddana wejigiisa laga akhrisan karayay daal fara badan oo dabcan la malayn karo inuu la xidhiidhay ololaha iyo khilaafaadka muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa xisbiga UDUB dhexdiisa. Ereyo kaftan ah ayuu markiiba ku tuuray saaxiibkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna qosol ugu tiraab celinayay. Si rasmi ah looma oga waxyaabihii ay ku wada sheekaysanayeen, laakiin markaad eegto qosolka la isugu jawaab celinayay, waxa la dareemi karayay in haasaawahoodu aanu ka baxsanayn madasha oo ergooyinka fadhiyay ay wada lulayeen calamada UDUB iyagoo ku dhawaaqayay ereyo taageero u ah Md. Rayaale iyo Md. Yaasiin.

Guddoomiyayaasha xisbiga ee gobalada dalka, ayaa shirweynahaas ka jeediyay warbixino la xidhiidha xaaladda xisbiga ee gobalka uu masuul kastaa ka socday. Marka ay masuuliyiintaasi ka hadlayaan gobalkooda waxa ay ku ladhayeen taageerada xisbiga looga hayo, waxaanu mid kastaa tilmaamayay in inta badan dadka gobalkiisu ay taageersanyihiin xisbiga UDUB. Inkastoo Rayaale uu guulaha masuuiyiinta gobaladu tirinayeen dareen togan ku soo dhawayanayay haddana mid ka mid ah guddoomiyayaashaas ayuu khudbadiisa si xoog leh ugu riyaaqay uguna sacab tumay, waxaanu ahaa masuulkii ka socday gobalka Sanaag oo uu Madaxweyne Rayaale u sacabiyay markii uu tilmaamay in gobalkaasi yahay lafdhabarta xisbiga UDUB.

Madaxweyne Rayaale, waxa lagu xantaa in aanu xiisayn heesaha iyo guud ahaan fanka, laakiin haddana iyadoo ay sidaas tahay waxa shalay uu u muuqday inuu dhegta u raaricinayay heeso ay koox fanaaniin ahi madasha ka qaadayeen, kuwaas oo ay ku ammaanayeen xisbiga UDUB.

Si kastaba ha ahaate, inkastoo Madaxweyne Rayaale shalay wejigiisa laga dheehan karayay daal badan, haddana waxa uu u muuqday nin la dhacsan sida uu shirku u socday iyo hanaanka loo soo abaabulay ergooyinka, waxaana la filayaa in gunaanadka shirka oo maanta ah in maxsuulkiisu noqdo Madaxweyne Rayaale iyo Mudane Yaasiin oo loo doorto murashixiinta xisbigaas uga qayb galaysa tartanka doorashooyinka madaxtooyada Somaliland oo ay ka hadhsantahay kontomeeyo maalmood.


Wargeyska Geeska Afrika