“Shaqaalaha Iyo Ciidamada Mushaharkooda Waanu Laban-Laabnay, Wixii Hore Aragti Gaaban Bay Ku Shaqaynayeen, Wasiirkuna Meel Dhexe Ayaa Laga Yaabaa Inuu Sheekada Ka Qabsaday, Iskuul Fii-gii D/Dawlada Waanu Joojinay” Wasiirka Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Waraysi Khaasa

 



Hargeysa, January 13, 2011 (TNN) - Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng Maxame Xaashi Cilmi ayaa shaaca ka qaaday, in miisaaniyadda 2011-ka ay Shaqaalaha iyo Ciidamada ugu dareen mushahar kordhin 100% ah, tilma amayna in lacagtii Fiiga ahayd ee dugsiyada dawladda laga qaadi jiray ay gabi ahaanba joojiyeen, isla  markaa na ay mushahar u cayimeen macalimiintii wax ka dhigi jiray, isagoo intaa ku daray in balanqaadkii madaxweyne Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo ku balanqaaday xilligii ololaha doorashada madaxtooyada ee ahayd in boqolkiiba saddex boqol mushaharka shaqaalaha loo kordhin doono ay suurto gal ka dhigi weyday qasnad  mad han ay la kulmeen iyo lacagtii Baanka dhexe oo la waayey.

Wasiirka maaliyada Eng Maxamed Xaashi, waxa kale oo u sheegay in korodhsiimada mushaharka shaqaalaha  i yo ciidamada ay sii wadi doonaan ilaa inta ay ka gaadhsiinayaan meel ku filan nolosha Shaqaalaha iyo  Ciidama da, isagoo tilmaamay markii ay xakameeyeen shaqaalihii iyo caaglaha ahaa ee lagu lunsan jiray miisaaniyada qaranka ay dadkii ku noolaa musuqmaasuqa ay abuurayaan buuq iyo kacdoon ay ka dhex samaynayaan  Ciida mada iyo Shaqaalaha. Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf xog-waraysi kh a asa kula yeeshay khadka Telephone-ka, kaas oo sidoo kale uu ku sheegay, in miisaaniyadii 2011 ay dhamays tireen maalmaha Axada iyo Isniinta todobaadka so socda ay golaha wasiirada hor gayn doonaan, maalinta Sabtidana ay jeegarayn doonaan guddida dhaqaalaha ee wakiiladu.

Ugu horayn Wasiirka oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Miisaaniyadii 2011 way dhan tahay, Sabtidana waxa  jeeg araynaya guddida dhaqaalaha ee Wakiilada, Axada ilaa Isniintana waxaanu horgaynaynaa golaha wasiirada, qof aan ogayni inaanay qofna ku filnayn $ 42 ma jirto , dawladii hore way ogayd, in $25 dollar qofna ku filnayn, ka ugu badan $ 68 baa u qoran oo in aanay ku filnayn qof walba wuu og-yahay. Kulmiye markii uu talada dalka la wareegay madaxweynuhu waa kii ku dhawaaqay in shaqaalaha boqolkiiba saddex boqol loo kordhin doono mushaharka iyo in iskuulada hoose/dhexe lacagta Fiiga laga dhaafi doono, hase yeeshee waxaanu dalka ugu nimid dhaqaale burbur, shaqaalhii oo afar bilod oo mushahar ah leh, Baankii dhexe oo lacagtii taalay la waayay, sanadkan dakhligii waanu kordhinaynaa, mushaharkii ciidamada iyo shaqaalaha hawl karka ahna, caaglaha ma sheegine mushahar kordhin boqolkiiba boqol ah ayaanu bishan January uga bilaabaynaa, macalimiintii  dugsiya da lacagta fiiga ka qaadan jirayna mushahar baanu siinaynaa dusiyada hoose dhexe macalimiintii wax ka dhigi jiray anaga ayaa mushaharka siinayna, bishan January laga bilaabo-na lacag Fii- oo dugsiyada laga qadayaa ma jirto. Waxa mudanaan noo ah waxbarashada, Biyaha, Beeraha iyo Xanaanada xoolaha, laba xaalo ayaanu u baahanahay, in dadweynaha cashuurta ku waajibtay iska bixiyaan, in cashuurta qaaliga ah hoos looga dhigana iyadana golaha wasiirada ayaanu hor-gaynaynaa, haddii shaqaalaha iyo ciidamadu wax ku filan ay waayaan waligeen dawladnimadeenu toosimayso ilaa aanu shaqaalaha iyo ciidamada aanu gaadhsiinayno meel nolossha dhexdhexaadka ahi ku noolaan karto waanu wadaynaa mushahar kordhintooda”

Wasiirka mar aanu weydiinay in mushahar go’an ay shaqaalaha iyo ciidamada ay uga qoondeeyeen  korodhsiim ada miisaaniyada waxa uu yidhi , qofkastaa mushaharkii uu qaadan jiray ayuun baanu laban-laab uga  dhigayn aa, aragti gaaban bay wixii hore ku shaqaynayeen laakiin anagu waxaanu u aragnaa in balanqaadkii  madaxwe ynaha aanu oofinayno”

Wasiirka mar aanu weydiinay gadoodka la sheegay in ciidamadii qaranka ee jiida hore ay ka muujiyeen  koridh siimo la’aanta dhinaca mushaharka, waxa uu yidhi “Been baa loo sheegay oo wixii caaglaha ku noolaa ayaanu xakamaynay, dilaaliintii shidaalka iyo woxogayga yar soo doonan jiray ayaanu xakamaynay markaa buuqu  halk aas buu ka imanaya, intii musuqmaasuqa ku noolayd ayuu bay dhibaato haysataa laakiinse intii shaqo xalaala qabanaysay ee ummada u shaqaynaysay xaqeeda way helaysaa’

Wasiirka maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi mar aanu weydiinay hadal uu dhawaan wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku sheegay, in shaqaalaha iyo ciidamada ay xukuumaddu go’aansatay in 2011-ka loo kordhin doono 75%, isaguna sheegay in 100% mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada loogu daray  miisaani yada cusub 2011-ka, waxa keenay isbadalkaasi xukuumaddooda kasoo kala yeedhay, waxa u yidhi “Aniga ayaa haya miisaaniyaddii wasiirku malaha sheekada meel dhexe ayuun buu ka qabsadaye miisaaniyada waxaanu ku darnay mushahar kordhin boqolkiiba boqol ah ayaa noogu jirta, golaha wasiiradana Axada ilaa Isniinta ayaanu horgaynaynaa”.
 

Source:Haatuf