Shaqsiga Sannadka 2010 u qalma in la guddoonsiiyo Shahaado Sharafta ay bixinayso shabakadda TNN waxa ay aniga ila tahay inuu mutaystay:Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jam. Somaliland Dr. Mohamed Abdillahi Omar
 

 


 




Sababta aan ugu arko inuu Wasiirku u qalmo waxa weeye:


Wasiirka Wasaaradda Arrim. Dibedda & Iskaashiga Caalemiga mudane Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar, wax qabadka baaxadda leh iyo guulaha wax ku oolka ah ee uu dalka iyo dadkaba u soo hooyay waa arrin ammaan iyo ku dayashaba mudan.



Muddadaa kooban ee uu xilka hayey isku kalsoonida iyo aragti dheerida siyaasadeed ee Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caal amiga uu soo bandhigay waxay dalka Somaliland ka saartay go’doonkii iyo jaahwareerkii la soo darsay Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Qaranka Somaliland 8-dii sano ee ka horreeyey xukuumadda M/weyne Siilaanyo.

Waxaan innaba muran ku jirin oo Muxaafid iyo Mucaaridba la isku waafaqsan yahay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Mohamed Cabdill aahi Cumar uu soo bandhigay gobannimo siyaasadeed oo ku dhisan isku kalsooni, aqoon cusub iyo xidhiidh wax isdhaafsi oo laba dhinac le ah, taasina ay soo jiidatay indhaha iyo dhegaha beesha caalamka. Waana arrin horseedi karta in qadiyadda gooni isutaagga Somaliland bulshada caalamka lagaga iibin karo.



Wasiirka Arr. Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland mudane Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu si farshaxannimo leh bulshada caalamka iyo dalalka deriska ahba ugu soo bandhigey guud ahaan Muhimadda iyo Qiimaha ay Somaliland u leedahay  Gobo lka Geeska Afrika. Gaar ahaanna waxa uu wasiirku hoosta ka xariiqay sida ay Somaliland bulshada caalamka lagama-maarmaanka ugu tahay ee ay wax ugala qaban karto xal u hellidda mushkiladaha ku gedaaman Gobolka Geeska Afrika, sida Budhcad badeedda, qolyaha xag jira iyo arge-gexisada caalimiga ah iyo mashaakilka iyo dagaallada ragaadiyey dalka Soomaaliya ee aynu deriska nahay.



Marka la eego aqoonta, waxqabadka, hannaanka maamul iyo hufnaanta shaqo ee ka muuqata waaxda iyo laamaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Somaliland, waxaad dareemaysaa inay tahay waax diyaar u ah hanashada xilka culus ee  siyaasa dda dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee ay Somaliland in muddo ahba u oomanayd.



Waxa hubaal ah in Waaxda Arr. Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Siilaanyo, oo uu horseedka ka yahay mudane Dr. Moh amed Abdillahi Omar ay la hanaqaadi karaan isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa dhaqan /dhaqaale ee Gobolka, Qaaradda iyo  Caalamka ba ka socda. Wasiirku waxa uu si qoto dheer u fahansan yahay qaabka iyo istraatejiyadda ay waqtigan xaadirka ah dawladaha iyo qoo miyadaha caalamku wax isku dhaafsadaan danahoodana u kala dhamaystaan.



Arrimahaa kor ku xusan iyo qaar kale oo badan ayuu Wasiirka Arr. Dibeddu uu ugu qalmaa in lagu sharfo Shahaado Sharafta Shaqsiga Sannadka 2010. Markaa waxaan odhan lahaa TNN ha guddoonsiiso Wasiirka Shahaado Sharafta, ammaan iyo mahadnaqna ha loogu daro illayn wuu mutaystaye.

Wa billaahi Tawfiiq.

 

 

 

 

Eng. Hussein Adan Igeh, UK